Hay’adda UNESCO oo wadamada
Geeska Afrika ka kaalmeyndoonta sidii loo horumarinlahaa
biyaha dhulka hoostiisa kujira.
(Nairobi, May 23, 2012 Ceegaag Online)
Hay’adda UNESCO oo ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobay
ayaa samaynaya baadhis lagu baadigoobayo biyaha dhulka
hoostiida ku jira ee wadamada Soomaaliya, Kenya iyo
Ethiopia. Mashruucan lagu baadhayo biyaha ayaa adeegsanaya
farsamada ugu dambeysay ee aqoonta sayniska iyo khubaro ku
xeeldheer sahaminta biyaha ku jira dhulka hoostiisa.
Mashruucan lacagta ku baxaysa ayaa waxaa iska kaashaday
wadamada Maraykanka iyo Japan oo ku yaboohay lacag dhan $1.5
milyan sida uu sheegay Isuduwaha UNESCO,
Joseph
Massaquoi
isagoo tilmaamay in wadamadani ay ka dhacaan abaaro keena
biyo yaraan, balse ay jiraan kayd balaadhan oo biyo ah oo
dhulka hoostiisa ku jira. isuduwaha ayaa intaa ku
daray, in ay nasiibdaro tahay in aan la ogayn goobaha biyuhu
ku jiraan.
Ujeedada mashruucan ayaa ah sidii loo samayn laha khariirad
tilmaamaysa meelaha kaydka biyhu ay kaga jiraan dhulka
hoostiisa taas oo wax wayn ka taraysa soo saaridooda,
Mashruuca ayaa adeegsan doona sawiro ay qaadan
dayax-gacmeedyo casri ah oo tilmaan fiican ka bixi kara
meelaha biyaha ku jiraan.
Wadamada Soomaaliya,
Kenya iyo Ethiopia ayaa waxa la rumaysan yahay in ay ku
fadhiyaan kaydad aad u balaadhan oo biyo ah, balse aan la
ogayn meelaha gaarka ah ee biyhu ku badan yihiin. Marka lagu
guuleysto mashruucan ayaa wax wayn ka badalidoona sidii loo
dabooli lahaa baahida biyaha ee wadamada Geeska Afrika.