Jaaliyada Khaatumo State ee
dalka Bijemka oo shir Caalami ah qabsaday gudina doortay.
(Antwerp. May 14, 2012 Ceegaag Online)
Shir
ay isugu yimaadeen inta badan jaaliyada Khaatumo state ee
kunool wadanka Biljemkaiyo weliba marti sharaf
laga soo casuumay wadanka Holland, oo si aad u wanaagsan
looga soo shaqeeyey qaban qaabadiisa ayaa wuxuu ka dhacay
wadanka Biljamka
Shirka ayaa waxaa lagu
furay aayadaha qur aanka kariimka ah intaa ka dib waxaa
hadalkii bilaabay Maxamed Cige Xasan oo ka mid ah jaaliyada
Khaatumo ee biljamka oo sheegay in ay muhiim tahay isku
xidhnaanta iyo wax wadaqabsiga reer khaatumo iyo weliba in
loo baahanyahay in ay hiil iyo hooba isla garab taagaan
Dowladooda Cusub ee ka dhalatay deegaamada SSC ee Khaatumo
State Of Somaliya.
Maxamed Ayaa wuxuu u mahadceliyey Martisharaftii uga timi
wadanka Holland ee ka soo qaygashay shirka iyo weliba
dadweynihii ka kalayimo daafaha wadanka biljem wakhtigoodii
qaaliga ahaana soo siiyey si ay uga qayb qaataan wax
uqabashada dalkii iyo dadkii Reer Khaatumo.
intaas ka dib waxaa
Microphone-ka lagu soo dhaweeyey Axmed C/laahi Faarax Caateeye oo ka
mid ah jaaliyada Reer khaatumo ee Biljamka sheegayna in ay
ka qaybqaateen hawlaha kasocda deegaamadii khaatumo hadana
ay diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba isla garabtaagaan
dalkii iyo dadkiiba iyo weliba dawlada laga yagleelay
magaalada taariikhida ah ee Taleex ee Khaatumo State of Somalia.
Waxaa isna lagu soo dhaweeyey Codbaahiyaha Maxamed Xasan
Cali (Taleexi) oo ka tirsan jaaliyada khaatumo ee Biljemka
wuxuuna sheegay in ay lagmamaar maantahay in ay isku
xidhmaan isla markaana ay wada shaqeeyaan guud ahaan
jaaliyadaha iyo dadyowga reer khaatumo gude iyo debedba,reer
biljemna looga baahanyahay in ay la jaanqaadaan oo ay
kaalintooda ku aadan ka qaataan sidii ay iyaguna isugu
xidhnaan lahaayeen dalkii iyo dadkiina howlaha kasocda qayb
weyn oo lixaadleh uga qaadan lahaayeen.Axmed ayaa sigaara
ugu mahadnaqay martidii reer Holland ee shirka lagu casuumay
gaar ahaan gabdhihii isagooyidhi waxaa maanta noo yimi
samawada iyo Khayrwada waa Nasra fuje.
intaas kadib waxaa lagu soo wareejiyey dhankii martidii reer
Holland ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay C/laahi Galoos
oo aad ugu dheeraaday islamarkaana ka warbixiyey xaaladaha
kala duwan ee uu soo maray maamul usamaynta Deegaamada SSC
gaar ahaan markii la yagleelayey Dawlada Goboleedka Khaatumo
oo uu goobjoog ka ahaa islamarkaana ka mid ahaa ragii
qurbaha uga sacdaalay sidii ay u hirgelinlahaayeen
maamulkaas.
C/laahi ayaa wuxuu ka sheekeeyey culaysaka iyo
dhibaatooyinka kala duwan ee soo wajaahay markii la qaban
qaabinayey shirkii gudaha ee lagu qabtay magaalada
taariikhiga ah ee Taleex iyo isku duubnidii iyo dhabar
adaygii lagaga gudbay,wuxuuna sheegay in loo bahanyahay in
la ilaashado islamarkaana laygarabtaago maamulkaas oo cida
loogabaahanyahay in ay hawlgeliyaan ay yihiin dadka udhashay
khaatumo gude iyo debedba.
waxaa iyana hadalkii lagu soo dhaweeyey Nasra Fuje (khayrwada)
oo ka mida jaaliyada khaatumo ee wadanka Holland waxayna
kula dar daarantay reer biljam in ay midoobaan islamarkaana
ay rag iyo dumarba gacmaha isqasadaan,nasra ayaa waxay
sigaara farta ugu muday in anaay indhaheedo qaban dumarkii
reer biljam oo ay goobta ku yaryihiin sheegtayna in
jaaliyadwalba ay udub dhexaad u yihiin haweenku loogana
baahanyahay in ay qayb libaaxle ka qaataan sidii ay dalkooda
iyo deegaamadooda u hora marin lahaayeen.
intaas kadib waxaa lagu dhawaaqay in ay doorteen
gudi ka kooban shan xubnood oo ay macagyooduna kala yihiin:
Waxaa kale oo isla goobtaas lagu doortay laba
xubnood oo uga qaybgelaya gudiga guud ee khaatumo state ee
fadhigeeduyahay wadanka Holland oo ay magacyadooduna kala
yihiin.
1-Maxamed xasan Cali (Taleexi)
2-Farxaan Maxamed Caligaas
shirkan oo ahaa shirkii ugu horeeyey ee ay isuyimaadaan in
mudo ah jaaliyada khaatumo state ee wadanka biljamka ayaa
wuxuu ahaa mid aad uga dheehanayso farxad iyo rayn rayn ka
muuqata dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirka iyo martidii
lagu casuumayba.