Jaaliyada Soomaalida ee
reer Washington Seattle (Khaatumo)oo qado sharaf u
sameeyay Raysalwasaare Farmaajo oo wiigii hore booqday
Gobolkaa.
Qado sharaftan ayaa waxaa looga
gollahaa in jaaliyada iyo Raysalwasaaruhu helaan fursad ay
ku wada hadlaan si wax looga ogaado siyaasada urur
siyaasadeedka TAYO oo dhawaan la sameeyay uuna hada madax u
yahay Dr. Farmaajo.
.” Ugaasku wuxuu umada Soomaaliyeed ugu
duceeyey in Illaahay dhibta ka saaro, wanaagna ugu bedelo
shidooyinkan soo noqnoqnaya. Waxaa isaguna madasha ka hadlay
Suldaan Maxamuud (Suudi) oo si guud iyo si gaar ahaaneedba
uga hadlayi qiimaha midnimadu leedahay wuxuuna Suudi
tilmaamay in cadaaladii weli laalan tahay dhibtuna halkaa
Soomaaliya ka haysato, wuxuuna hadalkiisii ku khatimay
mahadnaq balaadhan oo uu u jeediyaya Jaalliyada Khaatumo ee
Seattle.
Ugu danbayntii waxaa gabagabadii
kulankii soo xidhay mudane Faramaajo oo ku hadlayay magaca
xisbiga TAYO ee Soomaaliyeed, Faramaajo wuxuu sharaxaad ka
bixiyay xisbiga uu odayga ka yahay iyo himilooyinkiisa, wuxu
sidoo kale xusay in Soomaalidu mushkiladeeda iyadu xalisato
oo aanay shisheeye uga fadhiyin inay wax u qabtaan. “Guulaha
milatery ee dawladaydii gaadhay waxaa aniga igala miisaan
badan dib u heshiisiinta ay ka dhex waday shucuubta
Soomaalida, taas oo meelo badan oo dab ka shidnaa Ilaahay
nagu guuleeyey inaan demino.
” Ayuu yidhi mudane Faramaajo. Wuxuu
intaa raaciyay inaan laga daalin suluxa umada Soomaalieed
dhexdiisa laga wado ha ahaado qoys,beelo ama gobolo intaba,
wuxuuna ku dardaarmay in midnimada umada Soomaaliyeed la
xoojiyo meelna looga soo wada jeesto. Kulankan oo haa mid
qaatay saacado daban ayaa ku ku soo gabagaboobay jawi aad u
heer sareeyey oo is faham iyo farxad badani ka muuqatay.