Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay
Helsinki, Finland
(Helsinki, May
10,
2012 Ceegaag Online)
Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo
sanadkiiba mar lagu qaban jiray magaaladsa Helsinki, ee
dalka Finland waxaa ugu horreyn hadallo soo dhaweyn & ammaan
ka jeediyay xoghayaha guud wasaaradda waxbarashada &
dhaqanka ee dalka Finland Jarmo Linden.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadallo
qiimo leh ka soo jeediyay C/raxmaan Cali Jiimi oo ah
sarkaalka u qaabilsan adeegyada kala duwanaanshiyaha & isku
dhaweynta dhinacyada dhaqamada & afafka kala duwan.
Qoreyaashii maanta halkaasi ka hadlay
waxaa ka mid ahaa;-
Kulankan oo sanadkiiba mar lagu qabto
ahaana kii siddeedaad ee lagu qabto magaalada Espoo,
maktabadda Sello Library, sidoo kalena waxaa maalinta
berrito ah kulan la mid ah kii maanta ka furmay Espoo, lagu
qaban doonaa ama uu ka dhacayaa Espoon-keskus Enteresse.
Haddaba waxaa iyadna halkaasi hadallo
qiimo badan badan ka soo jeedisay madaxa Espoo Sello Library
Sunniva Drake, waxaana furitaankii barnaamijkan ee maanta ka
soo qeybgalay dad kor u dhaafayay 270 – 300 oo ruux oo isu
jirtay qeybaha bulshada