Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed oo maanta lagu soo
gabagabeeyay
Helsinki, Finland
Waxaa magaalada Helsinki ee dalka Finland maanta lagu soo
gabagabeeyay kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee shalay &
maanta ka socday deegaannada Espoo Kiskus & Espoo Enteresse
isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Helsinki. Kulankaas oo
ay maanta ka soo qeybgaleen isla markaasna ay hadallo ka
jeediyeen mas’uuliyiin ka socotay dhinacyada waxbarashada &
dhaqanka ee dalkaasi.
Waxaa markii ugu horreysay hadallo soo dhaweyn & bogaadin
ah halkaasi ka soo jeediyay u qeybsanaha ama sarkaalka u
qaabilsan qabanqaabooyinka banfhigyada dhaqamada kala duwan
Mr. C/raxmaan Max’ud Cali “Jiimi”, sidoo kalena waxaa
halkaasi hadallo ka soo jeedisay agaasimaha dhaqamada
xaafadda Espoo City, Mrs. Helena Vari & madaxa maktabadaha
deegaanka Eva Jappinen.
Kulankan gebagabada ahaa waxaa ka soo qeybgalay in ka
badan 180 – 220 ruux oo isugu jiray Haween, Carruur, Waayeel
& Dhallinyaro, iyadoo halkaasina hadallo ay ka jeediyeen C/qaadir
Cali Boolaay & Max’ed Sh. Xassan oo ku hadlaayay magaca
Qoreyaasha Soomaaliyeed ammaan & mahad ballaaran u jeediyeen
dadkii xafladihii shalay & maanta ka soo qeybgalay.
Dhinaca kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Inj.
Max’ed Ibrahim Mursal hadallo ku aaddan sidii afka
Soomaaliga uu ula hana qaadi lahaa toknolojiyada casriga ah
ee maanta dunidan ka jirta.
1. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
2. Max’ed Sh. Xassan Nuur
5. Eng. Max’ed Mursal “Ilka-case”
Haddaba waxaa iyadna halkaasi hadallo qiimo badan badan
ka soo jeedisay madaxa Espoo Sello Library Sunniva Drake,
waxaana furitaankii barnaamijkan ee maanta ka soo qeybgalay
dad kor u dhaafayay 270 – 300 oo ruux oo isu jirtay qeybaha
bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan magaaladaasi.
Qoraaga: Max’ed Sh. Xassan Nuur