Machedka Turkiga ee Bedel
oo sii balaadhinaya adeegyada waxbarasho.
(Muqdisho,
May 08, 2012 Ceegaag Online)
Mas’uuliyiinta Machadka
waxbarashada caalamiga ah ee Beder ayaa faahfaahin Ka
bixiyay adeegyada waxbarasho oo ay siiyaan ardayda
Soomaaliyeed ee wax ka Barata machadkaasi oo ku yaala
Muqdisho.
Machadka caalamiga ah ee
Beder oo ay dowladda Turkigu ka hirgelisay magaalada
Muqdisho ayaa ka mid ah macaahidda ay sida aadka ah u
sareyso adeegyada waxbarasho oo ay siiyaan ardayda
Soomaaliyeed kaas oo leh Jiif, dawo, raashin iyo daryeel
aad u wanaagsan.
Maamulaha Machadkaasi
Bulent Ergunes oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in 2000
oo xarumood oo machadkan Beder ah ay ka furanyihiin in ka
badan 160 wadan, isagoo intaa ku daray in machadkan Muqdisho
ay dhigtaan 120 Arday oo wiilal Soomaali ah. kuwaas oo qaar
ka mid ah ay ka yimaadeen waddamada dibadda iyadoo
ardaygiiba laga qaado 100$.
Isagoo hadalkiisa sii
wata ayuu intaa ku daray in machadkan laga bixiyo Afarta
Maaddo ee cilmiga ah iyo maaddada Computrer-ka ah, wuxuuna
xusay in sidoo kale Ardayda la baro Luqadaha kala ah
English, Turkish, Carabi iyo iyadoo Maaddooyinka taariikhda
iyo Juqraafiga lagu dhigo Afka Soomaaliga ah.
Maamulaha ayaa tilmaamay
in machadkan ay fureen 23-kii October ee sanadkii 2011
isagoo intaa ku daray in sanadka 2013 uu mahcadku qaadan
doono arday gaareeysa 270 arday kuwaas oo wax ku baran doona
dugsigii farsamada ee Buulo Tekniko oo haatan Turkigu ka
wado howlo dayactir ah. maamulaha ayaa tibaaxay in ardaygii
ka qalin jebiya machadka Beder uu Jaamacahadaha caalamka uu
imtixaan la’aan dhigan karo, maadaama uu machadku yahay
caalami.