Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar oo kormeer ku maraya Gobolada Goday iyo Qabridahare.
(Qabridahar May 21, 2012 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya mudane Cabdi Maxamud Cumar oo maalmihii u danbeeyey kusugnaa magaalada Godey kulamo dhinaca amniga ahna la yeeshey maamulka gobolka Godey, kuwa dagmooyinka iyo waxgaradka isla markaana qiimeeyey hormarka iyo nabadgalyada guud ee gobolka Goday ayaa gaadhay magaalada Qabridahare halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Qabridahar.
Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Gobolka Qoraxey ku dhaqan.
ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com