Madaxweyne Sh. Shariif Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday
Sacuudiga”SAWIRRO”
Madaxweynaha Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa
maanta kulan la qaatay wafdi ka socday dalka Sacuudiga
kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay Mashaariic loogu tala
galay in lagu qodo ceelal biyood ka waday dalka.
Iyadoo wafdigan ka socday dalka Sacuudiga ay shalay soo
gaareen Muqdisho si ay u hirgeliyaan Mashruuc dowladda
Sacuudigu 150 Ceel uga qodeyso Muqdisho iyo Gobollada kale
dalka, ayaa madaxweyneaha Jamhuuriyadda mudane Sheekh
Shariif waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha
wafdiga ka socda dalkaasi Sacuudiga.
Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarka oo qaabilaadda
madaxweynaha ee wafdigaasi kadib saxafadda la hadlay ayaa
sheegay in madaxweyne Shariif uu soo dhaweeyay mashruuca ay
dowladda Sacuudigu ka hirgelineyso dalkeenna, isagoo uga
mahadceliyay Sacuudiga gurmadka ay u fidinayaan ummadda
Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu xusay in ujeedada wafdiga ay aheyd in
uu soo salaamo Madaxweynaha, isagoo hoosta ka xariiqay in
wafdigani ay u yimideen dalka hirgelinta mashruuc 150 ceel
biyood looga qodayo dalka.
Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah waddamadii u soo
gurmaday dalkeenna markii ay abaarta darani ku habsatay
dadkeenna.