Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax
Dhaqameedyada iyo matalayaasha Bulshada Rayidka ah ee ku
sugan hoyga Cusmaaniyiinta
(Istanbul, May 31 2012, Ceegaag Online)
Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Prof
Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka
Turkiga ayaa maanta ka qeybgalay shirka Madax dhaqameeyada
iyo Bulshada Rayidka ah ee ka socda Istanbul, halkaas oo uu
khudbad taariikhi ah ka jeediyey.
Ra段isul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay
inuu soo booqdo Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo
bulshada Raiydka ah oo uu sheegay inay muhiim tahay in
shirkoodu uu noqdo mid ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah
shacabka Soomaaliyeed, waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey
Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo kaalin hoggaamineed ka
qaatay xal u helidda arrimaha Soomaaliya. Ra段isul Wasaaraha
khudbadiisa waxuu ku sheegay in imaatinkii Ra段isul Wasaare
Recep Dayyip Erdogan uu ku yimid Muqdisho ay wax weyn ka
bedeshay beesha caalamka iyo aragtidii ay ka qabeen
Soomaaliya. Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey soo dhoweynta
ay Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed iyo Bulshada Rayidka ah
ay ku soo dhoweeyeen dalka Turkiga ah.
Ra段isul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey Roadmap ka sida uu
ku soo bilowday iyo in 10kii bilood ee u danbeysey ay
Soomaalidu go誕ansadeen inay wadajir wax ku qabsadaan isla
markaana uu sheegay inay jiraan horumar baaxad leh oo la
taaban karo oo laga sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta,
isgaaridda maaulada iyo dowladda dhexe, Sameynta Dastuurka
iyo Maamul wanaagga. Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay inay
muhiim tahay in la soo afjaro xilliga KMG ah oo uu sheegay
in dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah, isla markaana
waddamada caalamka ee la midka ahaa Soomaaliya aysan KMG soo
noqon. Haddaba si looga baxo KMG ayuu RW sheegay inay lama
huraan tahay in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh.
Ra段isul Wasaarahu waxuu sheegay in Dastuurka la soo
bilaabay 2004tii oo muddo 8 sano ah la soo waday, waxuuna
sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta dalka uu marayo
marxaladda wanaagsan oo u baahan in heshiiskii Addis Ababa
loo baahanyahay in la dhaqangeliyo si loo helo Dowlad Rasmi
ah oo taam ah bisha August.
Ra段isul Wasaraha Khudbadiisa ka dib waxaa isna goobta
joogay oo khudbad ka jeediyey Ambassador Augstine Mahiga oo
ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Waxaa kaloo
isna sharaxaad ka bixiyey Dastuurka Wasiirka Dastuurka iyo
Dib-u-heshiisiinta Mudane Avv Abdirahman Hosh Jibril.
Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagey
goobaha taariikhiga ah ee magaalada Istanbul halkaas oo a
dowladda Turkiga ku soo marsiisay goobaha ugu caansan isaga
iyo wafdigii la socdayba.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|