Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan dadweynaha
Somaaliyeed ee deggan Norway, gaar ahaan Oslo iyo
Nawaaxigeeda in ay ka soo qeyb galaan shirka ama kulanka
lagu diiwaan gelinayo golaha dhexe ee Xisbiga Tayo Political
Party.
Qof waliba oo ka madax-banaan qabyaalad waa uu ka
qeyb-qaadan karaa ka mid noqoshada Xisbiga Tayo PP . Shirka
waxa uu ka dhacayaa Grønland Postkontor korkeeda (Smalgangen),
maalinta Sabtida 19.05.2012, saacada 15.00-20.00.
Ka dib waxaan sheegi doonaa waqtiga la qabanayo xafladda
furitaanka Xafiiska Norway ee Xisbiga Tayo PP.
Xafladda furitaanka xafiiska Tayo ee Norway waxaa ka sooqeyb
geli doona Wafdi ay hogaaminayaan Madaxda Sare ee xisbiga
tayo Dressa. Maryan Qaasim iyo mudane Maxamed Cabdullahi
Farmaajo.
Afhayeenka Xisbiga Tayo PP Norway
Ali Abdullahi Hassan (Ali Ganey)
Tlf.00 47 9824 16086