Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Dhigiisa Turkiga
(Istanbul, May 31 2012, Ceegaag Online)
Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya Prof
Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka
Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra段isul
Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada
hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada
dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo
afjaridda Xilliga KMG ah.
Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii uga
mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee isaga iyo wafdigiisa
loogu soo dhoweeyey dalka Turkiga, isla markaana uga
mahadceliyey doorka hoggaamineed ee saliimka ah ee Turkiga
uu ka qaato arrimaha Soomaaliya iyo weliba shirka Istanbul 2
ee arrimaha Soomaaliya oo uu Ra段isul Wasaare Abdiweli
sheegay in Somalidu ay rajo weyn ka qabaan shirkan.
Labada mas置ul ayaa si saraaxad leh uga wada hadlay
arrimaha Soomaaliya, sida Roadmap ka dhaqangelintiisa,
dadaalada Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliyeed ee ku
wajahan mashaariicda horumarineed, dhanka gar-gaarka
bani誕adanimo, iyo howlo ballaaran ee ku wajahan dhanka
waxbarashada, caafimaadka, iyo dhammaan adeegyada bulshada.
Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya waxuu si gaar ah uga
mahadceliyey dhigiisa Ra段isul Wasaaraha Turkiga safarkiisii
taariikhiga ahaa ee uu bishii August ku yimid Soomaaliya oo
uu sheegay inay keentay in beesha caalamku ay u soo jeestaan
arrimaha Soomaaliya. Ra段isul Wasaaraha Soomaaliya waxuu
sheegay in labada dal ay wadaagaan taariikh facdheer iyo
xadaarad wanaagsan, isla markaana uu u sheegay dhigiisa in
Soomaalida meel walba ay joogaan dalka gudihiisa iyo
dibediisaba ay aad iyo aad ula dhacsanyihiin dadaalada
Turkiga ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya kana codsaday inay
sii labo jibaaraan.
Dhanka kale Ra段isul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ayaa u
mahadceliyey Ra段isul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali iyo sida
hogaanka fiican ee uu isbedelo dhab ah uga sameeyey
Soomaaliya una rajeeyey in Soomaaliya xal waara loo helo oo
ay Dowladda Turkigu ay aad iyo aad uga shaqeyneyso sidii
Soomaaliya ay cagaheeda isagu taagi laheyd.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|