Ra'iisul Wasaare Gaas oo
ganafka ku dhuftay qoonsiga ay qoonsatay qodobo kamida
Dastuurka Dawlad goboleedka Puntland.
Ra段isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah ee
Somalia, C/wali Gaas ayaa ku tilmaamay hadalkii dhawaan ka
soo yeeray Maamul Goboleedka Puntland fikir iyaga u gaar ah,
isla markaana waxa uu ku nuux nuuxsaday Ra段isul Wasaaruhu
inuusan hadalkaasi waxba u dhimi Karin Geedi socodka Road
Map-ka.
Ra段isul Wasaare Gaas oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa
sidoo kale sheegay in qorshe hawleedka RoadMap-ka uu marayo
meel wanaagsan, Wuxuuuna Ra段isul Wasaaruhu intaasi ku
daray in Road Map-ka ay ka go誕ntahay Dawladda Somalia
fulintiisa.
Mr Gaas-Ra段isul Wasaaraha KMG ah ee Somalia, waxa uu
dhinaca kale sheegay inay meel wanaagsan marayso Qorshaha
ansixinta Dastuurka Qabyo Qoraalka Somalia, haatana ay
Odayaasha Dhaqanku ku hawlan yihiin xulista Ergooyinka
Ansixinaya Dastuurka.