Shirkada Southwest Energy Hong Kong oo rajo weyn
ka muujisay in shiidaal laga helo Kililka- 5aad.
(Addis Ababa May
10,
2012 Ceegaag Online)
Shirkada
Southwest Energy ayaa sheegtay in ay ku rajo
wayntahay in shiidaal laga helo dhul ka mid ah Ismaamulka
Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay shirkadu shaqo sahamin
ah ka waday.
Gudoomiyaha shirakada, Tewodros Ashenafi, ayaa qeexay in
natiijadii sahaminta shidaalka, ee la soo gabagabeeyay
bishii labaad ee sanadkan, ay muujinayso yididiilo wayn.
isagoo gudoomiyhu sheegay in abuurida dhismayaasha muhiimka
u ah soo saarida shidaalku la bilaabi karo 4 sano kadib
marka lagu dhawaaqo helida shidaalka, hasayeeshe waxa uu
sheegay in shirkadiisu ayna ka maarmayn kaalamada shirkadaha
waawayn ee shidaalka.
Gudoomiyaha Southwest Energy ayaa xusay in Ismaamulka
Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu Ceegaago shidaalka gaska
dabiiciga ah oo dhan (113 biyan cubic ton) kaas oo ku jira
aagaga ILAALE iyo JEEXDIN oo ku yaala goobaha ay isaga
yimaadan gobolada Goday iyo Qoraxeey.
Shirkada
Southwest Energy oo fadhigeedu yahay magaalada
Addis Ababa balse ka diiwaangashan
Hong Kong
ayaa shaqo sahamin ah oo ay ka waday goobo ka tirsan goblka
Dhagaxbuur dhawaan soo gabagabaysay. Shirkada ayaa ilaa hada
galisaya shaqada sahaminta lacag gaadhaysa ilaa $50 milyan
iyada oo kutala jirta in ilaa $150 milyan oo kale ay ku
bixiso shaqada shidaalka 3 sano ee soo socota.
Rajada laga muujiyey shidaalka ayaa ku soo beegantay xilli
aad loo hadal hayo wadahadal dhexmara Jabhada ONLF iyo
dawlada Itoobiya iyada oo wararka qaar tibaaxayaan in wadamo
danaynaya shidaalka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia laga
helay ay si dadban u riixayaan wadahadalka.