Taliska
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay
waddooyinka Magaalada Muqdisho ku soo
bandhigeen gaadiid
dhawaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ugu deeqday
Dowladda Japan.Gaadiidka oo
lagu soo
wareejiyay waddooyinka Magaalada
Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay isugu tageen Xarunta
Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay
Saxaafadda kula hadleen Saraakiil ka tirsan Booliska
Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee
gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo
ugu horeyn saxaafada la hadley ayaa wuxuu faah
faahin ka siiyey waddooyinka ay soo mareen isagoo sheegay in
waddooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir ay
Baabuurtaasi socdaal ku soo mareen.
Taliyaha ayaa si
gaar ah u cadeeyey inay maanta cagta soo mariyeen waddooyin
badan sida Baar Ubax, fagax, Black sea, Cali kamiin, Sanco,
wadada maka Al-Mukarama iyo waddooyin kale oo ku yaala
Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley
Hoggaanka
Interbool ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/rashiid Axmed
Xirsi isagoo ka codsaday Shacabka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.Dhawaan
ayey ahayd markii Dowladda Japan
ay gaadiid dagaal ugu deeqday Ciidamada booliska
Soomaaliyeed.