Tarntan orod ah oo ay soo
agaasintay Shirkada
Xareed Company ayna ka qeyb galeen Wadamo badan oo dalka
Uganda lagu qabtay
Waxaa magaalada Jinja ee wadanka Uganda lagu qabtay orod
Maradoon ah oo ay soo agaasintay shirkad Soomaali ah taasi
oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 3-kun oo Ruux oo ka
kala yimid dunida dacaladeeda waxaana aad uga dhex
muuqanayay Soomaali ka qeyb galeeysay orodkaasi oo ahaa mid
10-km ah.
Ororakani oo boloowday abaaro 7:30 Subaxnimo xiliga
dalka Uganda ay waxayaa dadkii ka qeyb galayay ahayeen kuwo
uu ka muuqday u diyaargaroowga baratankani waxaana ay isugu
jireen Rag iyo Haween ka kala yimid dunida dacaladeeda
kuwaasi oo u tartamaya labo qeybood ookala ah 10-KM iyo
21-KM oo lagu soo marayay wadooyinka magaalada Jinja ee
wadanka Uganda.
Orodkani oo ay soo agaasintay Shirkada Soomaalida ah ee
lagu magacaabo Xareed Company ayaa waxaa ay ka mid tahay
shirkadaha Soomaalida ee sida weyn looga yaqaan dalka Uganda
isla markaana maalgashiyo kala duwan ka sameeyay wadanka
Uganda kuwaasi oo balan qaaday in Ganacsigooda ay ka bilaabi
doonaan gudaha dalka Soomaaliya si dib u dhiskiisa iyo
nabadeeytiisa uga qeyb qaataan.
20-daqiiqo kadib ayaa waxaa ay u suuro gashay in kaalinta
1-aad uu galo Moses wakiri oo ah Muwadin Uganda waxaana uu
ka waramay dareenkiisa xili uu la hadlay taleefishiaynka
qaranka Soomaaliya
“Kuma Fekereyn in kaalinta 1-aad aan galayo, waana
sanadkii 2-aad ee aan ka qeyb galo aad ayaana ugu
faraxsanahay” Ayuu Yiri Moses wakiri
Sidoo kale Waa kuwan qaar ka mid ah Soomaalidii ka qeyb
gashay Orodkani Maradoonka ah oo ka hadlay sida ay uga soo
qeyb galeen orodkani iyo kaalimaha ay galeen,waxaana
sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin sanadaha soo aadana
ay filayaan in kaalimaha 1-2- iyo 3-aad ay gali doonaan.
Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Uganda Mudane Muuse
Macalin Yuusuf oo ah masuulka shirkada Xareed Company ee
soo agaasintay orodkani oo la hadlayay warbaahinta qaranka
ayaa rajo ka muujiyay In sanadka xiga ay orodkani
maaradoonka ah ku qaban doonaan magaalada Muqdisho isagoo
tilmaamay in ay oofinayaank balanqaadkii ay ka balan qaadeen
Madaxweyne sheikh Shariif Shiikh Axmed xiligii uu booqashada
ku imaanayay Dalka Uganda gaar ahaana magaalada Jiinja.
Xildhibaan Cusmaan Yuusuf Xaraare oo ka mid ah
mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dareenkiisa ku
mujiyay in shirkad Soomaali ay leedahay ay soo agaasinto
Sanadkii 4-aad orodkani Maradoonka ah,waxaana uu aad u
ammaanay dedaalka ay shirkadaha Soomaalidu ka muujinayaan is
dhex galka iyo is caawinaada ay ka dhex muujiyeen dalka ay
martida u yihiin.
Tartankani orodka ah ee ay qabatay shirkada Xareed
Company ayaa waxaa uu noqonayaa kii 4-aad ee ay qabtaan
waxaana ay balan qaadeen masuuliyiinta shirkada in sanadka
xiga ay magaalada Muqdisho ku qaban doonaan iyagoo rajo ka
muujiyay gulaha ay ciidamada Qalabka Sida hee Soomaaliyeed
ka soo hooyeen ka xureenynta kooxii dhibaatada ku hayay
dalka iyo dadka Soomaaliyeed.