Wiilal Soomaali ah oo dib ugu kulmay 21 sanno
kadib Kaam ku yaala Waqooyiga Norway.
(Norway May 16,
2012 Ceegaag Online)
Labo
wiil oo walaalo ah oo kala lumay iyaga oo 11 iyo 12 jir kala
ah ayaa si lama filaan ah waxay iskugu arkeen waqooyiga
dalka Norway ee qaarada Yurub iyadoo ay tani qeyb ka tahay
dhibaatada haysata qoysas fara badan oo Soomaali ah kadib
dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka bilowday sanadkii
1991-kii.
Wiilka
wayn oo lagu magacaabo Liibaan ayaa isaga oo kaam ku jira
wuxuu wiil kale uga sheekeeyay in hada ka hor walaalkiis oo
ka yar ay kala lumeen, wiilkii sheekada dhageysanayay ayaa
ku yiri sheekada aad sheegaysid hada ka hor waxaa iiga isna
iiga sheekeeyay wiil kale oo ku jira kaam kale oo ku yaal
waqooyiga Norway, Halkaas waxaa ka dhashay dareen ah in
Labada ruux ee Labada kaam ku kala jira ay dhici karto inay
yihiin kuwa is raad sanaya oo kala maqan oo walaalo ah.
Intaas kadib ayay wiilashii wada hadleen isna garteen kuna
kulmeen iyagoo waliba laga daawanayo Tv-ga ugu weyn dalkaas
Norway.