Xaflad lagu muujinayay
taageerada xisbiga TAYO oo lagu qabtay magaalada Boston (Qaybtii
Labaad).
(Boston,
May 07, 2012 Ceegaag Online)
Xafladan oo
ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsha
sida, odayaasha, culuma udiinka, haweenka, dhalinyarada,
aqoonyahanada iyo waxgardka ku dhaqan gobolada New England
waxaa taagero hiil iyo hooba loogu muujinayay ururka
TAYO.
Dadweynihii
kahadlay madasha xaflada waxay ku nuux nuux sadeen sida ay
ula dhacsanyihiin mabaadiida ururka
TAYO iyagoo tilmaamay in
ururka
TAYO yahay mid ka turjumaya rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed. Urukan
TAYO oo goodoomiye katahay Drs. Maryan
Qaasim halka Xogyaha guud ee ururka
TAYO yahay Maxamed
Cabdillahi Maxamed Farmaajo waa urur u taagan sida X/guud
ka dhawaajiyay
Tayo, Talo Wadaag iyo Tanaasul.
Xafladan oo
bilaamatay
6:00PM sida
caadada ahba waxaa lagu furay aayado quraana iyo kalmad
diiniya oo uu soo jeediyay aqoonyahay da’da yare e Maxamed
Shariif. Intaas kadib waxaa microphone lagu soo dhaweeyay
Garaad Food. Garaadku waxa uu shacabka ku dhaqan gobolada
New England ku booriyay inayna u laka hadhin taageerada
ururka Tayo isagoo garaadku sheegay mudadii yarayd ee uu R/wasaaruhu
jagada dowlada kumeel gaadhka ee Soomaaliya hayay uu qabtay
shaqo tayo leh tasoo hami galisay dhamaan shacabka
soomaaliyeed.
Sidoo kale
xaflada waxaa iyana joogtay Fanaadana qaranka ee Shankaroon
Axmed Yuusuf Sugal oo heeso qiiro wadaniyadeed wata ka
qaaday madasha tasoo kicisay shacuurta dadwenihii faraha
badnaa ee joogay madhasha.
Waxaa intaas
kabacdii hadalka lagu soodhaweeyay Ergay ka socday Xafiiska
Senatorka Massachusetts John Kerry oo lagu magacaabo Joseph
Bykowski kasoo sheegay in Senator John Kerry jeclaa in
xafladan kasoo qayb galo nasiib wanaagse senatorku kamaqan
yahay gobolka shaqo badana uu hada kahayo
Washington.
Intaas
kabacdii waxuu xidhiiyaha xaflada Xuseen Fiin microphonka ku
soo dhaweeyay ergooyinkii kala duwanaa ee ka kala yimid
gobolada New England sida Vermont, (Abdiraxmaan Gaandi)
Connecticut,(Maxamed Cabdi Madar) Massachusetts (Abdiraxmaan
Yuusuf) iyo Maine (Maxamuud Xasan) iyadoo ergaykastaayi
kasoo jeediyay madhasha fariimo ay kasideen shacabka
soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada ay mataleeyeen.
Xaga kaalinta
haweenka waxaa buraanbur qiimo badan kasoo jeedisay madasha
xaflada kadhacaysay Safiyo Qaaje iyo dhalinta barbaarta ku
dhaqan magaalada
Boston
oo soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka umada
Soomaaliyeed. Kaalinta odayaasha waxaa hadalo dardaarana ka
soo jeediyay odoy Doolaal. Waxaa sidoo kale kahadylay
xaflada Aways oo ah aqoonyahan soomaaliyeed kuna hadlayay
afka qoomiyada beesha jareer weyn ama Somali Bantu.
Kaalinta
dhaliyarada waxaa madasha shirka kahadlay Siciid Axmed oo ah
aasaasihii iyo madaxweynaha ururka midawga dhalinyarada
soomaaliyeed (United Somali Youth), Amal Xuseen iyo Maxamed
Ali Diini oo sadexduba kadhawaajiyay sida ay u muhiim utahay
kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed khaasatan kuwa
waxkubartay wadankan Maraykanka.
Salaadii
Makhrib kadib ayaa madhasha xafladau kadhacaysay oo ahayd
hool kuyaala
Roxbury
Community College
dib la isugu soolaabtay iyadoo hadalka lagu soo dhaweeyay
Dr. Cabdiraxmaan Caydiid oo ah saaxiib muda dheer isyaqaaneen
R/wazaare Moxamed Cabdillahi Farmaajo. Dr. Caydiid ayaa ku
dheeraaday shaqsiyada iyo hawkarnimada Farmaajo isagoo ka
sheekeeyay mudadii ay labada mas’uul kawada shaqayn jireen
wasaaradii arimaha dibada ee Soomaaliya. Dr. Caydiid ayaa
ugu danbanytii microphone kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdillahi
Farmaajo. Dadweyniihii kusugnaa goobta xafladu kadhaycasay
oo aad u dhawrayay qudbada xogaya guud ee ururka
TAYO anyaa
sacab iyo qalbi furan ku soo dhaweeyay R/wazaare Farmaajo.
Xoghayaha
Guud ee ururka
TAYO Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa ugu
horayn mahad balaadhan u soo jeediyay shacabka ku dhaqan
gobolada New England sida diiran ay isaga iyo xaaskiisa
Marwo Saynab Cabdi ugu soo dhaweeyeen magaalada Boston.
Farmaajo ayaa tibaaxay taariikhda iyo magaca wayn ee ay
leedahay magaalada taariikhiga ah ee
Boston isagoo
xusay Kennedy family oo kasoo jeeda gobolkan ahaan runtii
dad magac iyo maamuus ku leh dhamaan caalamka. Farmaajo
waxaa kaloo uu tilmaamay saday shacabka Soomaaliyeed ee ku
dhaqan magaalada
Boston iyo
gobolada New England
ay u midaysan yihiin isagoo ku booriyay in sii laba jibaraan
midnimadooda. Farmaajo oo kahadlaya siyaasada ururka tayo
waxa uu sheegay in ururka Tayo u taagan yahay Tayo (oo ah in
lahelo dad tayo leh), Talo Wanaag (in talada la wadaago oo
qofkii khaldan la saxo) iyo Tanaasul. R/wazaare Farmaajo
waxa uu kaloo ka sheekeeyay muda dii yarayd ee uu hayay
xilka inuu wax badan ka qabtay dalka Soomaaliya sida umada
Soomaaliyeedba ay u qirsanyihiin. Waxaa kaloo uu sheegay in
xibgiisu u tartami doono doorashada fooda inagu soohaysa
rajaynayana in ay ku guulaystaan. Ugu danbayntii Farmaajo
waxa uu kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed inay u
istaagaan wadankoodii hooyo isagoo sheegay in dhalinta wax
baratay iyo dadka tayada leh ay ka soo saari karaan
haadaanta uu ku dhacay wadaka Soomaaliya.
Waxaa Madasha shirka Duco
dheer ku soo khatimay Sheekh Yaasiin oo ugu
duceenayay Wadankeenii hooyo in Illaahay dhibka ka saaro
Soomaalida bogeeda Burcad isku mariyo.
Daawo Sawiradda 2aad
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |