Xuska halgankii SYL iyo
dib-usoo nooleynta Qaranimada Soomaaliyeed.
(Phoenix, Arizona May 23, 2012 Ceegaag Online)
Magaalada
Phoenix gobolka Arizona ee Dalka Mareykanka ayaa 19-kii May
2012 lagu dhigay Munaasabo si heer sare ah loosoo agaasimay,
ayna qaban-qaabisay Hay’ada SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL
(ARIZONA);
Kulanka
Xafladda Waxaana kasoo qaybgalay dadweyne farabadan oo ka-kooban
Jaaliyada Somali-American, culimadeeda, aqoonyahankeeda
waayeelkeeda, hoyooyinkeeda iyo dhallinyaradeeda.
Waxaa
munaasabada si heerka sare ah u maamusay Golaha Horumarinta
Haweenka ee Somali_Ameerikan United Council, Guddoonka SAUC
oo ay matalayaan Ilyas Sh. Mohamed, Sharmarke Ahmed iyo
Musse Dhimbil, iyo dhallinyarada AZ Stars Team oo ay
hogaaminayaan Nasruddiin & Sharmarke Shire. Waxa qayb libaax
qaatay Kooxda Fanka ee Somali-Bantu oo uu hogaaminayo Mudane
Adan; waxaa kaloo aan la illaawi Karin doorkii ammanta
mudnaa ee Fannaanniinta
Arizona
oo uu u horeeyo Beldaaje Najiib, ayna ku xigaan Abdirizaq
Buhoodle iyo Abdullaahi Garam-Garam. Waxaa kaloo xusid mudan
gabayaaga-weyn Xassan Shiino doorkiisii wacnaa.
Munaasabaddan
oo sida aan horay loo arag, loona maqal u-dhacday waxaa ka
soo qayb galay bulshada Somaliyeed ee Arizona ku dhaqan iyo
dadyow badan ee aan Somaali u dhalan, hasse yeshee
qiimeynayey, daneynayeyna sida aanu u xuseyno Halgankii lagu
gaaray xornimada iyo Qarannimada Somaliyeed.
Waxaan
sinnaba loo illaawi Karin doorkii wacnaa ee Mudane Eng. Issa
Sh. Xamuud oo ah siyaasi sare iyo hogaamiyaha Jaliyada
somaliyeed ee
UTAH;
waxaa door lama illaawan ah ka qaatay ka-guulgaarka ujeedada
iyo himilada Munaasabada Xuska Halgankii Gobanima-doonka
Mudane Libaan Xussein oo ah milkiilaha MAI TV ee MN iyo
kaaliyihiisa Ganacsade Sharif Feysal.
Waxaa kaloo
xusid iyo ammaan mudan doorkii wacnaa ee Abwaannada
Somaliyeed XalimaSacdiya oo munaasabaddan awgeed uga soo
gurmatay Seattle (Washington),
kuna adkeysay Gubaabo wacan iyo Buraanbur sare.
Munaasabaddan
oo si heer sare ah loo daadihinayey ayaa intaan la guda
galin Gubaabada iyo kicinta Fannanada-Weyn Saado Cali
Warsame ugu talo gashay, ayaa waxaa laga soo jeediyay erayo
munaasabada ku haboon ee khuseeya Halgankii tariikhiga ahaa
ee Halyeyadii usoo halgamay Madax-bannaanida iyo Xornimada
Somaliyeed, sahanka iyo ficilka haattan looga baahan-yahay
Dib-u soo-nooleynta Qarannimada Somaliyeed, waxaana halkaas
ka soo jeediya erayda ku haboon mudanayaasha kala ah: Prof.
Maxamad Cali Abukar, Sharif Nur, Eng. Ciisa Sh. Xamuud, Sh.
Axmad Cali Daahir, Eng. Cumar Sadiiq, Mudane Cali Islaw,
Garaad Cabdifatah Ahmed, Ugaas Geelle Ugaag Boqow, Caaqil
Jaamac Ciise Bariir.
Gubaabada iyo
murtida sare ee Fannaanada Qaranka Saado Cali Warsame ka
jeedisay munaasabada, waxay ahayd mid qiiro weyn gelisay
dhammaan ka qayb-galayaasha munaasabada qiimaha iyo qaayaha
weyn leh, waxaana u riyaaqistaa nagala qayb qaatay
ajaanibtii ka soo qayb-gashay munaasabadda micnaha iyo
xurmada weyn mudan.
Munaasabadu
waxay ku bilaabatay, kuna xirantay astaanta Qaran -
SOOMAALIYEEY TOSOO – TOSOO ISKU TIIRSADA, HADBA KIINNA TAAG
DARAN, TAGEERA WELIGIIN.
Ugu
dambeyntii Prof. Maxamad Cali Abuukar, Fannaanada-Weyn Saada
Cali Warsame iyo Garaad Cabdifatax Ahmad Maxamad ayaa
Shahaado sharafyo guddoonsiiyay shakhsiyaad muhim ah ee
mudnaa in loo-qiro, loona aqoonsado doorkooda hawl-karnimo
ee u-adeegida Bulshadeenna; waxaana dadyowgaa ka mid ahaa
ajaanib dhowr ah ee loo aqoonsaday doorkooda iyo adeegooda
wacnaa.
Waxaa
munaasabadda lagu gunaanaday in Adkeynta Midnimada iyo
Isku-duubnida Jaaliyada ay asaas u tahay Horumarka
Bulshadeenna.
Daawo Sawiradda
webmaster@ceegaag.com |