GUDASHADA
CIBAADADA XAJKA
(Maka Almukarama,
December
14, 2007 Ceegaag Online)
Walaalayaal waxaa in
la xusuusto ah markasta( ALLAH)
ina uumay ee inaga dhiga Dad Islaam ah,
walaalayaal hada waxaa lagu jiraa 9
cisho ee CARAFA ka hadhsanaa markaa waxaa la inooga
baahanyahay inaan cibaadeysno wakhtigaa qaaliga ah oo aan
waliba SOONO
Halkana waxaan
kaga hadlaynaa GUDASHADA CIBAADADA XAJKA
Xajku waa rukniga shanaad
ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay
faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal
mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u
qasdiyo Baytulxaraamka isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka
warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii
sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay
xajiyaan haddii ay awoodaan.
Intii
ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii
Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan
awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.
Xajka qofkii diida ama
inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka,
tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo
kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa
loo cudur daarayaa.
Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga
waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba,
haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu
wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka (CSW) ayaa la
weydiiyay camalka ugu fadli badan ?" Rasuulku (CSW) wuxuu
yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo," ka
bacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rsuulku (SCW)
Jihaad Ilaahay dartii loo galay", kabacdi waxaa la yiri:"
maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yiri:" Xaj Baari ah".
Waxaa kaloo Rasuuku (CSW)
yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo
dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo
ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dambi dhaaf
weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale
wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu
tahay Janno.
Bilaha xajku waa bisha Shuwaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal)
iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo).
SHURUUDAHA XAJKA
Waxaa shardi
ah qofka xajka gudanaaya arrimaha soo socda.
1)
Inuu muslim yahay.
2) Inuu caqli qabo uuna waalneyn.
3) Inuu qaan gaar yahay.
4) Inuu xoryahay
5) iyo inuu awoodi karo (xoolo iyo jir ahaan ba) inuu xajka
gutoWaxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu
maxram la socdo.
Meelaha laga xirmanayo (xiranayo)
Waxaa jirta shan meelood oo laga
xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin.
1)
Dul-xuleyfa oo ay reer Madiina ka xirmadaan.
2) Jux-fax oo ay reer Shaam ka xirmadaan
3) Qarnulm-manaasil oo ay reer Najad ka xirmadaan
4) Yalam-lam oo ay reer Yamneed ka xirmadaan , dadka
Soomaaliya ka yimaadana halkan ayey ka xirmadaan.
5) iyo Daatu-ciraq oo ay reer Ciraaq ka xirmadaan.
Hadaba waxaa la
karaahiyeystay inuu qofku xirmado xajka isaga oo aan soo
gaarin shantaa meelood ee kor ku xusan ee uu kaga xirmanayo
xajka maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa waqtiyeeyay.
Waxaa jira saddex nooc oo qofka u
gudan karo xajka.
1)
Tama tuc oo ah inuu qofku xirmado Cumrada bilaha xajka gaar
ahaan ka bacdi marka bisha Shuwaal soo gasho kadibna ka
firaaqooda (ka baxo) cumradii oouu xirmado xajkii.
2) Qiraan (xiriirin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka
labadooda oo wada xirmado.
3) Ifraad (keliyeelid) oo ah inuu qofka xirmado xajka oo
kaliya.
Culimada Islaamka badidoodu
waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi
nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda
nooc waxaase la door biday Tamatuca kaasi oo Nabigu (CSW) ku
booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay.
Sidee loo gutaa xajka?
Ugu horeyn waxaa loo baahan
yahay inuu qofku xirmado xajka, oo ah maalinta sideed ee
bisha Dul-xaj (Arrafo) marka uu xirmanayana waxaa looga
baahan yahay.
1) in
uu qubeysto (mayrto) is cadriyo.
2) in uu xirto dhar cadcad, gabadhuna ay xirato wixii ay
rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan is qurqurxinin.
3) inuu tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay
waqtigeedi si uu markaas ka bacdi u xirmado haddii aanan
jirin salaad farad ahi waxuu tukanayaa labo rakco oo sunna
ah oo aan ahayn sunnihii ixraamka ka bacdi wuxuu la imaanaya
talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa
shariika laka labbeyk.)
4) Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa
wuxuuna ku tukanayaa duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax
wuxuuna qasrinayaa (gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin
karo (Duhurka, Casarka iyo Cishaha) isaga oo jamcinaaya (kulminaya).
5) ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad
ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiima istaagidda la istaago
Carafo ducada la duceystaana aad bay u kheyr badan tahay
qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunne ah inuu soomo.
6) in lugu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana
qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib iyo cishaa.
Marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa Mash-caril
Xaraam.
7) ka
bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya
Jamratulcaqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa
neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiirayaa ama
la gaabinayaa timaha haddii uu nin yahay. intaa kabacdi
wuxuu la dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada.
Kabacdi sacyigii (orodkii)
ayuu la imaanayaa haddii aanu hore u sameyn intaa ka bacdi
waxaa xaajigii u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan
ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha
ayaamu-Tashriiqa (maalmamaha 11, 12, iyo 13aad).
Minaa, wuxuu tuurayaa sadex
tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo oo isku xiga
isaga oo qofku takbiiranayo tuuryo kasta oo uu tuuro. Ugu
dambeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaafulwidaac.
Ka dibna wuxuu soo
siyaaranayaa Masjidka Rasuulka (CSW) Haddii aynu soo qaadano
waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu
gudo jiro waxaa ka mid ah.
1)
inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo.
2) inuu jaro cidiyaha.
3) inuu isticmaalo udug marka uu xirmado ka bacdi .
4) inuu xirto galofis (gacma-gashi).
5) inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jira.
6) in la suubiyo caqdi ~ guur.
7) in la dilo xayawaanka ama la ugaarsado
TALOOYIN GUUD
Walaalkeyga Xaajiga ah
waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira caafimaadkiisa
waxaana ka mid ah.
1) inuu xaajiga cabo biyaha
nadiifka ah.
2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin.
3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo iyo
saabuun .
4) iska jir is gediska hawada
kuleylka badan iyo qabowga badan, is kana ilaali waqti badan
inaad hoos fadhido qorrax kulul.
5) kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga, daboolna cuntada.
6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag ah.
7) markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir meelaha
caafimaadka kuugu dhaw.
8) sii qayb nasasho ah jirkaaga; seexo waqti kugu filan
maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa dhibaatooyin
kala duwan.
9) dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqtiga carrafo la
taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar (khudrad).
10) dharka aad xiraneyso waa inuu khafiif ahaado oo aanu
neyloon ahaan si dhididka uu u nuugo oo xaraaradda jirku
hoos ugu dhacdo.
Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula
talinayaa
1) inay qaataan tikit safar
oo go and back ah.
2) in baasaboorka waqtigiisu fiican yahay oo aanu dhicin.
3) inuu qofka sii qaato Kitaab Qura’an ah oo uu aqristo.
Waxaan u rajeynayaa dadka
muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo
soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa
sanadkan kiisa kale in Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab,
cibaado suuban Aamiin. Allahayoo Aamiin.
Waxaa kale oo aan Ilaahay
ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada
haaysata uguna bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin
walaaltinimo, iyo dowlad caadil ah dalka ka curata. (Sanadka nagu
soo fool leh 2008 insha Allaah).
Aaamiin Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin
ila dhaha.
Wabillaahi Towfiiq
Abdulfatah Mohamed Abdulle
abdulfatah@yahoo.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |