Maxay
sumcada soomaalida u dhaawacayaan warbaahinta reer
galbeedku?
(UK, Feb 10
2007, Ceegaag Online)
Laga soobilaabo dhamaadkii sanadkii 2002
waxaa soo wajahay somalida u soo haajirtay wadanka ingriiska
dagaal aan lagabasho lahayn oo ay wadaan saxaafada wadanka
ingriiska. Joornaalada iyo idaacadaha ayaa waxay caadaysteen
inay aad ubuunbuuniy-aan bogagooda hore shakhsiyaad
kasoojeeda wadanka Somalia oo lagu eedaynayo danbiyo.
Fadeexaynta ay wadaan media ayaa waxay
keentay in sufahada wadankan oo iyagu kuxiran 5ta channel
iyo joornaalada bilaash ka ah ay u arkaan mushtamaca
soomaalida dad aan iyagu faaiido habayaratee lahayn oo wada
danbiilayaal ah.
Vile ...
Mohammed Dica
ninkan waa soomali
ugandha in badan kunoolaa, waxuuna danbigiisu qabsaday
jaraaidka wadanka sanadkii 2003. xaqiiqada kadanbaysay waxay
noqotay inuu noqdo ruuxii ugu horeeyay oo citizen ah oo
virus ta looyaqaano HIV u ataaga ruux kale?. Marunbaa eeg
bogan.
http://news.bbc.co.uk/1/hi/uk/55568.stm
waxaa kuucadaanaysa
in nin udhashay Qubrus hada ka hor loogu eedeeyay inuu naag
ingriis ah si ula kac ah uqaadsiiyay cuduka.
Dhinaca kale waxaa
hirgalay shaci qabyo ahaa oo danbi lagu oogo qofkii gala
danbi noocaasoo kale ah. Si aad u ogaato wax badan click sii
maqaalka hoose.
http://news.bbc.co.uk/1/hi/uk/3191312.stm
|
Accused
... Yassin Omar |
|
Ninkan waa somalida suguga waxa kale oo
layiri waa Somali abbow. Si kastaba ha ahaatee wuxuu kamid
ahaa nimankii loo haystay isku daygii fasshilmay ee
argagixisadii 21/7/2005.
Buunbuuninteedu
waxay hadhaysay iskuday kasta oo lagu ogaan lahaa wixii
kadanbeeyay qaraxyadii 7/7.
sadiq mahhamed
ninkan waa soomali
31 yir ah waxuu Qabsaday bogaga hore ee jooraalada bilaashka
waxaa loo haystaa inuu faraxumeeyay gabadh yar oo 7 jir ah.
Waxaase ka badatay dacwad loo haysto wasaarada arimaha
gudaha (home office) sida ay usiisay sharciga dhalasha
wadanka isaga oo horay loogu eedeeyay inuu galay danbiyo
kufsi ah. Waxaa hadaba lafilayaa in qaadasha dhalasha
wadanka ll adkeeyo ama laga mamnuuco dadka qoxootiga ah.
Waxaa hadaba mudan
inaan dhinac kale ka eegno weerarada saxaafada
Ayan Hirsi
Ayan hirsi waa
gabadh somaliyeed oo lasiiyay dhalashada wadanka Holland
waxayse caankunoqotay iibsashada nafteeda dadkeeda iyo
dalkeeda, lama odhankaro waxay iibsatay diinteeda
maxaayeekay diintu ayaan uma baahna ee iyadaa ubaahan.
Waxaase xusid mudan buunbuuninteeda ay buunbuuniyeen
saxaafada aduunka taa soo dhab ahaan ah wax aad looga
xumaado in maga Somali uu noqdo kii caayi lahaa laguna caayi
laahaa dhamaan muslimiinta dunida.
Wax lasookoobi karo maaha challenge ay wadaan saxaafadaha
shisheeye waase arin haysata dunida oo dhan saameenteeduna
ay aad u muuqato. Waxaana mudan in saxaafada loo adeegsado
dhinaca wanaaga iyo horumarinta fikirka guud
Cabdiraxmaan
Maxamed Cali London, UK
webmaster@ceegaag.com |