Maanso – Damiirlaawayaashii
(Baydhabo, Jan 03
07, Ceegaag Online)
Damiirlaawayaashii dalkoodoo amxaar gubey
U
dabaaldegaayee mashaxardda ugu darayow
duxda aad ka dheeftaan, dawada aad ka helysaan
ayaan aniga iga degin!
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Kursiga nimanka doonee
qalbigu daxalka yeeshee
danta gaarah mooyee
wax kaleeto aan deyin
waxa
igala sii daran
daryeel midaan ku qabinoo
cidiba aanay diranoo sacab
iyo durbaan tumid weligii la dabagala!
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Dulmar weeye taasiye
bal aan hoos udaadego
cadowgaagii daa’iman
dunidu wada ogsoonayd
ninkii diirka kaa neceb
dakanooyin kaa qaba
badhkaa hore udegeshaday
duulaan ha kugu galo
adna
daacad ugu noqo
ma wax loo dulqaataa?
@@@@@@@@@@@@@@@
Da’yartii barbaartii
daafaca dalkoodiyo
diintooda sharafta leh
duubka cas uqaatee
dadweynuhu ku raaceen
inkastoy degdegayeen
dadka qaar siduu qabo
dabbaabaad
in lala dhaco
Malez
oo dilaal ihi
si uu dalaggii ugu helo
kumaan baan kasoodiley
waana
dabagalaayaa
dunida ugu baaqaa,
nin inuun damqanayoo
jiidhku uu dubaaxshow
miyay kaa degaysaa?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Maatada dayacanee
daadku
uu lategeyee
geedaha dulsaarayd
daryeel gacal u baahnayd
diyaaraadka xabashida u dir
oo halaayeen
beledweyn duqayntiyo
xamar daafaheediyo
ballidoog
docdeedaa
ma wax daah lasaaroo
dadku
qaadankarayaa?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Waa su’aal da’weynoo
aan daliil u waayee
raga
degeladoodiyo
shacabkooda daalee
colaaduhu
dulleysteen
ku dalbaday shisheeyow
dawlad yaad u noqotaan
dadse yaad xukumaysaan?
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Anigu daastey hadlkee
waxaad
kala danbeysaan
waa diraacdan maantee
cadowgaad dugsaneysaan
beriba
waydin dooxiye
taariikhda duugga ah
ninba doorka uu galo
diiwaan halagu qoro.
Waxaa Tiriyay Cismaan Maxamed Cilmi (garoowe)
Boston, USA
(garoowe1@yahoo.com)
|