MURUGADA MAXAA LAGU DAWEEYAA?
(Qaahira, Jan 12
07, Ceegaag Online)
Haddaad u kuur
gasho nolosha Bulshada Soomaaliyeed ee maanta,
waxaad mooddaa in Murugada, Wel-welka, Tiiraanyada
iyo fekarku noqdeen qayb noloshooda ka mid ah, mid
yar iyo mid wayn, mid dal jooga iyo mid dibed jooga,
mid Taajira iyo mid sabool ahba.
Qof walba
arintiisu waa u gaar laakiin wel welka iyo Tiiraan
yadu waa simanyihiin oo inta ka bed baada waa faro
ku tiris.
intaas ka dib waxaan halkaan
kusoo bandhigayaa 10 qodob oo aan is leeyahay qofkii
u fiirsada ama talooyinkaa ku dhaqma noloshiisa
waxbay ka badalaysaa, intaananse tobanka Arimood soo
badhigin waxaan door bidayaa inaan akhristaha
xasuusiyo in arintaan laga qoray kitaabo aad u fara
badan, oo miduba aragtidiisa falsafad ku dhisayo,
aniguse aragtida ama talooyinka halkaan aan kusoo
gudbin doono, waxay ku dhisan yihiin Shareecada
Islaamka, Qur’aanka iyo Sunada, intooda badanse
waxaan kasoo xulay Kitaabo rag kala duwan oo
muslimiin ahi arintaas ka qoreen waxaanse aad ugu
bogay kitaab lagu sheegay inuu ka mid yahay
kitaabada loogu gadashada badan yahay waqtiyadaan
Danbe Dunida Islaamka, Kitaabkaas oo uu Qoray Sh.
Caa’id Bin Cabdalla Al-qarni, oo kusoo baxay afka
carabiga loona tarjumay luuqado ay ka mid tahay
Ingiriiska, magaca kitaabkuna waa LAA TAXZAN
ama DON’T BE SAD.
Haddaba aan wada aragno
dawooyinka Murugada:
1. ILAAHAY KA MAGAN GAL,
welwelka iyo tiiraan yada, Waayo?, waa bur burka
nafta banii aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo
quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo
xaaraanta ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa
Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo,
waxaa nabigii SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan
gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA, oo maxay kala
yihiin?. Haduu qofku ka welwelo dhib uu
mustaqbalka ka baqayo waa HAMI, wax lasoo dhaafay
haduu ka tiiraan yoonayana waa XUZNI. Labadaba
ilaahay ka magan gal qalbiga qofkay dilaan, talada
iyo go’aankana ka qaadaane.
2. MAXAAD KA WEL WELAYSAA?, ugu
horanba is waydii su’aashaas, waxa aad ka wel
welayso waa noocee?. Hadday cibaado yaridaada iyo
maxaad rabi u caasiday tahay, waa Gar; laakiin
Towbad keen iyo ALLAH oo u noqotaa lagu daweeyaa,
walbahaar kaligiis ahi xal noqon maayo. Hadday
Dhibka Muslimiinta haysta kuwa la gumaadayo iyo
kuwa ayagu is warjeefaya ku salaysan tahayna waa
gar, Laakiin xalkeedu waa inaad wel welka iyo Isla
hadalka fal wax qabad leh u badashid oo wixii
awooddaada ah ku taageertid Ducada iyo ALLAH
barigana aad Heegan la ahaatid.
Hadduu welwel kaagu ku salaysan yahay hawlo adduun
iyo hanti xoolaad waa gar darro, waayo?. ayadoo
dhanbaa Imtixaan ka samaysan, haddii laguu daro
iyo hadii lagaa darbeeyaba Su’aalbaa daba taal,
Nabiyadii rabi soo diray oo dhan ayaa lagu dhibay,
qaar la dilay, qaar dalkoodii laga tarxiilay iyo
kuwo dab lagu ridayba waa lahaayeen. Maxaad
adduunyo ka wel weshaa adoo qaawan baad timid adoo
qayd kaliya wataadna ka tagaysaa, Fekerkaaga meel
ku xir, oo Maalinta Qiyaame maxaad alle la hor
tagaysaa ku koob. Nebi Muxamed SCW wuxuu yiri
haddii adduunyo ALLA agti garab Kaneeco Qiimihi ku
leedahay, Gaal koob biyo ah kama waraabiyeen,
marka ma garbaa inaad la walbahaarto oo har iyo
hoyba u seegtid.
3. SABIR IYO DULQAAD: hadii
dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto
ha’ahaato intay doontana ha le’ekaatee; samir iyo
dulqaad ha illoobin, waa qayb cibaadada ka mid ah,
Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, abaalkooda iyo
ajarkooda xisaab la’aan ayaa faraha looga saaraa,
dhib kasta allaa faydi kara, Cudur kastana dawo
ayuu leeyahay, waxaan geeri iyo gabaw ka ahayn,
Dhibaato adduunyoo kastana waatii faydanta, mar
kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada,
ee marnaba ha sugi waayin, xaga rabbina wanaag ka
filo.
4. TIIRKA ALLE QABSO: waa tiir
aad u adag, oo aan dumayn dabcaynna, waa tiirka
kaliya ee laysku hubo, waa albaabka aadan ku
hungoobayn lagaana horayn, Markaad tiirarka kaloo
dhan ka quusatid, irdaha kaloo dhan lagaa ooto,
magaca alle ha illoobin, dhibkasta asagaa fayda
qof kastoo kurbaysanna u gar gaara, Nebi Ibraahim
Caleyhi salaam ayaa dab lagu riday oo ku dhawaaqay
Xasbuna laahu wa nicmal wakiil, Qabaw aan qar
qaryo lahayn ayaa alla uga dhigay, Culays kastoo
ku saaran alle ka bari inuu kaa dajiyo, waxaadna
ogaataa noolaha oo dhani wax aan alla kaaga soo
qaadin inayan kusiin Karin, haddaan Rabbi kugu
sababinna ayna wax dhib ah kuu gaysan Karin.
Habaynka Qaybtiisa danbe ha moogaan, waxaad
cuntaana xalaal ha noqdaan niyad samina alle ku
bari insha allaah dhibkuna waa tagayaa kurbaduna
waa ku daynaysaa.
5. RUMAYNTA QADARKA: Tiirarka
Iimaanku ku dhisan yahay waxaa ka mid ah Rumaynta
Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad
ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan,
marka waxa laysku dhaafay waa dulqaadka iyo
iimaanka, Nebigu SCW wuxuu yiri waxaa yaab leh
qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa
u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo,
Haduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu
khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu
Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u
noqdaa., Sidaas ayuuna Suubanuhu ku barbaariyay
Saxaabada, C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku
yiri ..ogow hadii dadkoo idili ku heshiiyaan inay
dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan
alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaan inay
wanaag kuu qabtaan inayan kuu qaban Karin wax aan
alla kuu qorin, Aayadda 30aad ee suuradda Al-shuuraana
waatii macnaheedu ahaa Wixii idinku dhaca oo
musiibo ah (dhib ah) waa waxay kasbadeen
gacmihiinnu, wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax
badan.
Haddaba ogow Inay Iimaanka
ka mid tahay Rumaynta Qadarka iyo u
hogaansamidda xukunka Alle.
6. QUUSASHADA: Waligaa haka
quusan hana ka samrin in kurbada alla kaa faydo,
albaabada khayrka ee furmi doonana ha sugi
waayin hana daahsan, qofkii Alle Cabsidiisa iyo
cibaadadiisa garab ka dhigta wax walboo culus
wuu u fududeeyaa, dib u milicso maalmihii kusoo
maray meeqaa albaabadoo dhani isa soo
xireen?,horay iyo gadaalba dhan aad u tallaabto
meeqaad garan wayday?, meeqaad is tiri Maanta
Ciirsi ma jiro?,meeqaa dunidii kula madoobaatay,
Dhulkiina kula yaraaday?, hadana Rabi kaa samata
bixiyay wixii oo dhani ku dhaafeen adoo bad qaba,
bal Akhri Dagaalkii KHANDAQ wixii mulimiinta
qabsaday, kolkii afarta dhinacba cadawgu ka
degay ee muslinna adkaystay Munaafaqna
Tawaawacay, qura’aanku aad ayuu dagaalkaas u
faah faahiyay ayaaduhuu kaga hadlayna waxaa
macnahooda ka mid ahaa xusuuta markay idinkaga
yimaadeen kor iyo hoosba, indhuhuna iisheen
Quluubtuna dhuunta gaadhay, Eebana aad u
malayseen malooyi, Malooyinkaas oo Culimadu ku
fasireen in Muslimiintunu Guul iyo Gargaar
malaysteen Munaafiqiintuna Jab iyo naasabeel,
iyo in Muslimiinta la dabar goyn doono maleeyeen.
Haddaba dhib oo dhan Allaa Faydee magiciisa
Cusko.
7. MAANTA KU XISAABTAN:
waxyaabaha dadka welbahaarka ku abuura waxaa ka
mid ah, noloshiisa Mustaqbalku waxa ay noqon
doonto, halka uu degi doono iyo sida uu dunida
uga shaqaysan doono, taasna waxaa looga gudbi
karaa in la ogaado Mustaqbalka dhabta ah ee qof
walba leeyahay inuu u diyaar garoobana uu u
baahanyahay inuu yahay kan Aakhiro iyo
Xisaabteeda, raaskiisii janada inuu ka
diyaarsadana inay lagama maar maan u tahay,
aduunyadase anagoo dhani socotaan ka nahay qof
walbana waxaa la gudboon inuu sahaydiisii uu
Mustaqbalka u baxsan lahaa ka qaato,
Nolosheedana uu kaga ekaado intii alla ka siiyo,
asagoo ku xisaabtamaya dhibkeeda iyo
dheefteeduba inay Imtixaan tahay.
8. SALAADDA IYO WARDIGA: Hadday
xaaladdu kugu adkaato, cabsi soo dhabar madow
aad dareentid, welwel iyo welbahaar isku kaa
duubaan, Salaadda u carar, siduu alla na faray
Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, akhrinta
Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka
mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka
aduunyada hilmaansiiya, Allihii abuurayna ku
xira, garansiiyana qiimaha aduunyada, taasoo ka
dhigaysa ruuxa mid himiladiisa ka dhiga siduu
Jannatul firdowsa ku geli laa, Nebigu wuxuu yiri
SCW Qofka alle xusa iyo kan aan xusin waxay kala
yihiin qof nool iyo mid dhintay oo kale.
9. GALLADAHA ILAAHAY: aad ugu
fiirso Galladaha ilaahay kuu galay, adoo huba
inaadan koobi karin sida qur’aanku u sheegay,
waa tuu Darwiishkiina lahaa (Galladaha Ilaahay
ka badan Geedahaas baxaye..), alla wuxuu
Quraanka ku sheegay inuu nicmooyinmkiisa nagu
deday kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba,
Nimcooyinkaas iyo Galadahaas waxaa ugu wayn inuu
alle Muslim kaa dhigay, inta dad Dhagax
Caabudayaan inuu kugu daray kuwa Allaha wayn ee
waaxidkaa Cuubudaya, Janadii Rajaynaya
Cadaabkana ka baqaya, Hadaad xubnahaagii mid
wayday meeqaa kuu fiyow ?, haddii aad Caruurtii
mid waydayse imisaa kuu hartay?,Haddaba waxa
yaroo aad wayday intaad la taahayso lana
tawaawacayso maad intuu Rabbi ku siiyay ku
mahdisid.
10. KOLKAAD DHIBKA KA BAXDID:
Waxaa Caadooyinka Aadanaha ka mid ah markii
dhibku ku bato ama arrini ka Gurracato inuu
Baroor, Qaylo iyo Calaacal isku daro, Alla
bari iyo Tawbab keen muujiyo, Dhaqan
akhyaareed isku yeelo, Markiise Alle Il u
bixiyo oo dhibkaasi dhinac u dhaafo, wixii oo
dhan hilmaamo, allana awooddiisa iyo
xukunkiisa uu ka dafiro.
Wuxuu Rabbi Qur’aanka
noogu sheegay Qaybo ka mid ah dhaqamadii
Gaalada oo ay ka mid tahay inay markay
Doomaha iyo Maraakiibta saaran yihiin, alle
kaliya baryaan, markayse soo badbaadaan oo
Barriga yimaadaan ayay Sanamyada iyo
Dhagxaanta Alle la caabudi jireen,
Dhaqankaas aadka u foosha xun iska ilaali.
Kolka markii inta
xaalku kugu xumaado rabbi Il kuu bixiyo
maxaad mudan tahay?., Inaad kaligi Caabudid,
kaligi u mahadcelisid, Diinta Alle iyo Dadka
u taagan garab u noqotid ,Meel kastoo aad
cagta dhigaysidna inuu ku arko inaad ku
xisaab tantid, haddiise aad danbigii iyo
dabamaridii amarka alle u noqotid ogow
aduunkii ma dhamaan oo dhib waa kii yimaadee.
Tobankaas qodob ee
aan soo tiriyay waxaan isleeyahay qofkii
maanka ku haya noloshiisa wax bay ka
badalayaan, Qanaaco iyo Qalbi degana wuu
helayaa, Allaha wayna waxaan ka baryayaa
inuu nagu anfaco, markastana maanka ku
haya Wixii idinku dhaca oo musiibo ah (dhib
ah) waa waxay kasbadeen gacmihiinnu,
wuxuuna idinka cafiyaa (Eebe) wax badan…
W.Q. C/nuur Faarax
Cali.
Qaahira, Masar.
|