QABRIGOOD DUN SOOMAALIDII !! (Gabay)
(Soomaaliya, Jan 14
07, Ceegaag Online)
Cumar C/nuur Nuux –
Nabaddoon
Tixdaan gabayga ah
waxay tilmaan cad ka bixineysaa heerka
dadnima-xumada Soomaalidu gaartay. Iyagoo
isdaawanaya ayey dunida deg deg uga suuli doonaan,
eeddana bilow iyo dhammaad iyagaa iska leh. Qofkii
gacantiisa isku gowraca cidna looma qisaaso(Cumar
Nabaddoon 2007).
- Dad qabiil
Ilaahood yahaan qiilba loo heline
- Quraankiyo
Sunnada ay bartaan kuma qashuucaane
- Qalbigaa
engegan oo malaha qiiro iyo dhiige
- Quful baa ku
jaban dhagaha oo waa qam maqalkiiye
- Qabrigiin dun
Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye
- Qarannimadu waa
wadajirkoo lagu quwoobaaye
- Haddii qoloba
qoladiinna kale malag u qooleyso
- Oo cadow quruun
dhaarsanaa hawl u qabanayso
- Kolley
qaylodhaan iyo mashxarad qoomamaa xigiye
- Qabrigiin dun
Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye
- Qorigii
Darwiishkee kufriga qiiqa uga keenay
- Qaarkiin waxaad
uga hadheen waa qabiil kale’e
- Qarni iyo
sannado baad xumihi weli qufaysaane
- Maantana
Shariif qiima laad gaal u qabateene
- Qabrigiin dun
Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye
- Qalbigaan ka
ooyaa sidaad wax u qorsheyseene
- Qofkii iga
danbeeyaa waa ogaan waxaan ka qiiroone
- Qalqaalada
waxaad ugu jirtaan qurun Amxaaraaye
- Tigree qolof le
weeyaan kuwaan qoosha kuu suraye
- Qabrigiin dun
Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye
- Wixii qaari
kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa
- Diyaaraad
qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey
- Sidii qadowga
geedaha wixii ruux qombabay yaallay
- Wixii Qamar
hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey
- Ama qoys
gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey
- Qaarkiin
bishaarey u tahay lagu qaboobaaye
- Oo qaran qabiil
lagu sidkaad quud ka sugataane
- Qabrigiin dun
Soomaaliyeey quus ayaad tahaye
- Dagaal qaawan
waa dhici jiriyo qaran la maagaaye
- Qawleysatadu
waa jirtiyo dhuuni qaatuhuye
- Hayeeshee dad
wada qaaddan baan qaadan waanada’e
- Qof yar iyo qof
weyn waxaad tihiin qolofti meygaage
- Qashar dhuuxi
laga miirtay baa qiimo kaa badane
- Qabrigood dun
Soomaalidii waa la quursadaye
-
Qeyrkood ka hare iga Walloo waana loo qoraye
-
Qaaraddii madoobeyd malaha qaran sidoodaahe
-
Oo
qosyba qoyskii xiguu mool u qodayaaye
-
Qaybiyoo u tali baa iyana loogu qiil dayaye
-
Qorshahana waxaa loo igmaday qolo Wayaanaahe
-
Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye
-
Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye
Dhammaad
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
|