YAA
GABLAMI, YAASE GOOD DILI?
(Soomaaliya, Jan 14
07, Ceegaag Online)
Qore: Dr.
Cabdullaahi Xasan Maxamuud
(Abdullahi Spanish)
Email:
indhagube@yahoo.es
HORDHAC
Maanta isaga warramimayno in uu Soomaaliya 16 sano ka
socdey dagaal sokeeye oo meelaha qaarkood umula doox
gaadhey. Kaasi, wuxu jid u furay dhimasho ka sokow,
wax allaale wixi dagaal belo barbar gasha oo ay ka mid
yihiin: Burburka, qaxa, dhaca, kufsiga, gaajada,
haraadka, cudurka iwm. Wuxuu kale oo kan sokeeye kaga
sii xagjiraa oo isaga u gaar ah: kala aarsiga oo
keenta in jaarkaa ama saaxiibkaa, kaa wargeeya si lagu
dilo ama isagu cid kuugu soo horeeyo oo ku dilo. Waxa
dhibka dagaalka sokeeye ugu daran boogihiisa oo aan
hore u bogsan. Taa waxa sabab u noqda cidii wax
dhintay iyo cidii loo dhimay oo laga yaabo in ay
noloshooda in badan is arkaan, arag kastana nabarkii
dib u damqado. Qofka dagaalka sokeeye qabsadaa wuxu
waayaa geed uu ku gabado ama ku dhuunto oo ku badbaado,
inta badana waxa dila qofkii badbaadadiisa xilkeedu
saaraa. Ruuxa dagaal sokeeye la soo kulamay kase
badbaadey, waxa dhacda in uu aakhirutaanka dadkiisa
noco, dalkiisana noco, naftiisana noco oo noloshiisu
qiima beesho, uuna go’aansado in wixii soo maray wax
ka xumi aysan weligiis soo maridoonin oo jirin. Xumo
iyo geeri kasta oo loo soo sheegona uu sidii
xuunshadii la yiri: Xuunsho
hooyadaa baa dhimatay, ee tiri markay noolaaydba
saxaradaan cunijirey, ama awelba saxaradaan cunayey.
Hadaba,
inaga oo dhibkaasi ina haysto, dareenkeenuna sidaa
yahay, baa waxa maanta inoo raacday oo dalkeenii ku
soo kordhay dagaal cusub oo kii sokeeye oo aynu ku
hoobanay mid shisheeye ku daray. Waxa laga yaabaa
intaa dhib aan soo sheegay dadkeena qaar badan oo ka
mid ahi in ay mar kale kow ka bilaabaan. Laakiin
ogaada, Xabashi hoos tag xaar cunna waa ka liidataa
qofkii saa u fekerayow. Dhanka kale, Diyaaradaha
Xabashida oo dalkeena duqaynaya iyo ciidamada tira
dhaafka ah oo dhulkeena lagu soo fasaxay welina ku soo
qulqulaya iyo maydka Soomaaliyeed oo qolyaha iska soo
horjeeda ee Soomaaliyeed (DFKM iyo MI) qoloba dhan
inaga tustay markaan arkay, baan waxan xasuustay
qoraal uu waa hore qoray waayeel, waxgarad iyo
aqoonyahan Soomaaliyeed oo digniin ahaa. Waxaa si
gaara ii hor yimi laba sawir ama muuqaal oo
qoraalkaasi ku jirey.
Digniintaa hore iyo dagaalkii sokeeye iyo kan cusub
markaan isu eegay, waxa ii muuqday saddex arrimood:
(a) Sawiradaasi in ay waqtigoodii ka horeeyeen oo
aqoonyahankaa Soomaaliyeed uu dadka badankiisa ka il
dheera. (b) Isla markaa waxaan arkay arrinkii dhabta
ahaa oo sawiradaasi ka digayeen in uu mar hore
bilowday, iminkana dhamaystirkii lagu jiro. (c) In
Soomaalida dagaalka sokeeye daashadey qaarkood ay u
arkaan in Xabashidu dagaalkan ay daacad ka tahay oo
dawladoodii dhexe oo ay wax ka burburisey ay
baadidoonkeedii u ordayso.
Aragtidaa u dambaysa baa waxay i sii xasuusisay
abwaanadeeni hore laba ka mid ahi mar gabay wax isugu
tebinayeen (Cali Dhuux iyo Qamaan), oo qamaan ku
eedaynayey Cali dhuux in uusan daacad ka ahayn arrinta
ay ka wada hadlayeen, buu wuxuu tiriyey Qamaan gabay
ay ereyadani ka mid ahaayeen:
Baadida ninbaa kula
deydeyi daalna kaa badane
Aan doonahayn inaad heshona daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayne
Maanta
waxaynu odhan karnaa raiisul wasaaraha Itoobiya, wuxu
iska dhigayaa nin dawladii dhexe ee Soomaaliya ka
luntay u ordaya helitaankeedii oo si dhab ah wax
raadinaya. Run ahaanitiina waxaabad moodaa in uu Geedi
iyo Yuusuf isagu ka daal badan yahay. Laakiin marka
aynu dib u fiirino taariikhdeena guunka ah, waxaynu
dareemi karnaa in Itoobiya dan Soomaaliyeed aysan
lugooyo mooyee marna ladqabo ka gelayn soomaaliga uga
fadhiyaana uusan habeen jirin.
Waxan ku
dadaali in aan qoraalkan oo aan badhkiis ka soo
xiganayo kan aan kor ku soo sheegay in aan ku muujiyo
qaybo ka mid ah qorshaha gunta fog ee Itoobiya u
xariiqan.
Qaybta
xigtana waxan si kooban ugu taaban doonaa haddii eebbe
idmo, jidkaa xabashidu jeexatay iyo qorshahaa la dejey
waxa maanta ka hirgalay.
Xidhitaankana waxaynu ku maraq furaynaa cinwaanka
qoraalka oo waxaynu kaga jawaabi su’aasha aynu
iswadiiney.
DHULDHACA HA LA HUBSADO
Qoraalkaa aan qayb ka mid ah halkan ku soo qaadan
doono waxa soo bandhigay Dr. Cumar Cismaan Raabi.
Waqtiga qoraalkan la soo bandhigay (1989), wadankeena
waxa ka jirtey dawlad dhexe. Waxay Soomaalidu
tiraahdaa “fiintu roobka soo socda bay ka oydaa”.
Sida muuqta Dr. Cumar wuxu markaa ka
digayey ama ka dardaarmayey waxa imandoona oo 16kii
sano ee u dambeeyey qaybi ina soo martay, qaybina
maanta joogto, dhamystirkiina dhiman yahay.
Wadanka aan ku noolahay baa wuxu leeyahay maah maah
odhanaysa: Hal sawir ama
muuqaal wuxu ka qiimo roon yahay kun kelmadood.
Hadaba,
iyada oo aan hubo in aanay tafsiir u baahnayn
sawiradan aan soo bandhigayaa, tusaale cadna inooga
noqon doonaan in Itoobiya ku hawlanayd 200 ee sano ee
ugu dambeeyey sidii ay Soomaaliya geeska Africa ugu
tirtiri lahayd. Waxan isku deyi in qaybta u horaysa
qoraalkan ay horyaal u noqdaan sawiradu. Waxaynu isla
markaa raacin hadal gaaban oo daah ka fayd ugu filan
markii horena qaarkii la socdey.
Sanadihii sideetanadii aakhirkoodii baa aqoonyahankaa
Soomaaliyeed, Soomalinimaduna ku dheertahay wuxuu soo
bandhigay aragti iyo odoros aad u gun
fog. Aragtidaasi waxay ku aadanayd sida
Somaaliyi ku dambayn doonto mustaqbalka dhow iyo kan
dhexe haddii aanay iska garan gabtidaa. Ninkaa wax
garadka ahi wuxu raadkeeda ku joogey siyaasad guun ah
oo weligeed jirtey, qarnigii 19naadna si rasmi ah
dhidibada loogu aasay oo ku aadan sidii Soomaali
jiritaankeeda lagu tirtiri lahaaa. Marka uu qoraalka
soo saarayo, waxaynu taariikhda ka dheegan karney in
mashruucaas 60% la fuliyey iyadoo shisheeye reer
galbeed ah la kaashanayo.
(Sawirka I),
wuxuu ka tarjumayaa
dagaalka sokeeye oo aynu ku hoobanay oo markaa
saansaankiisu indheergaradka u muuqdey, maantana
Soomaali ku kalifey in ay beerka ku socoto. Qofka
sawirkan sameeyey wuxuu waqti aan dhibteenu muuqan,
aqoontiisa iyo aragtidiisa ka dharuuray, in Soomaaliyi
sidaa aynu hadda ku jirno ku dambayn doonto. Waxa u
muuqatey in qaabkii dabka lagu hurin lahaa iyo
xaabadiiba Itoobiya meel isugu geysey, waxa keliya oo
u dhinaana uu ahaa dogobkii weynaa oo noolayska u
noqon lahaa oo ay markaa qawsaaro Soomaali ka dhashay
oo Xabashi u adeegayey soo sideen iyo qarafkii lagu
qaban lahaa oo uu la dul fadhiyey Xabashigu.
Maanta
Soomaaliyey markaad u fiirsataan (Sawirka I),
qofkii dhiig Soomaaliyeed iyo wadaninimo iyo dadnimo
ku jirto marka hore timahaa istaagaya. Marka labaad
waranka ku soo socda ama walaalki ku socda markuu arko
wadnahaa boodaya. Marka saddexaad marka uu hoos
fiiriyo oo bahalaha dhaawaciisa ama maydkiisa sugaya
arkona waxa ku soo dhacaysa qolada hoos tegidoonta ha
ku biirine, si kastana yeel oo dhaawac iyo dhimashoba
iska ilaali oo xaalku ha noqdo “Geeriyi geeljire
iyo guryo kaa dheer bay ku fiicantahay”.
Waxaad
moodaa Abwaankii iyo wadanigii weynaa ee Soomaaliyeed
Cabdullahi Suldaan Timacade markuu ereyadan soo
socda yiri in arrintani u muuqatey:
Garbaduub haddii loo xidhaad gaadhna ka ahaato
Gacantii nin lihi goynayaa waa gumudantaaye
Nin walaalki geed ugu
jiraa geesi noqon waaye
Soomaalay, Ma dabinkan baa cadow inoo dhigay?
Aniga shaqsi ahaan
murugada muuqaalka sawirkani i baday iyo sida uu
xaqiiqa jirta ugu taagan yahay markaan dhuuxay waxay
iga keentay intan:
-
Qab qab dhaafay
soomaaliyey qaran ma noo diidey?
Qaashkiyo bilaawaha miyaa la isku qaaxeeyey?
Qaarqaadka dhaawaca miyaa qawyo laga daadshey?
-
Qoorgooyadeenii miyaa
xabashi qoondeeyey?
Qabriguna sad weeyee dugaag maydka ma u quudhnay?
Qufta iyo waraabaha miyaa qaarar kala jiitey?
Ma qasaareheenaa waxgarad qoomamada ooyey?
Sawirkaa waxan jecelahay in aan intaa ku dhaafo oo
maanta cidna loo fasiri maayo, wuxuuna tusaale cad u
yahay dabin laynoo dhigay oo aynu si hawl yar qoobka
ugu ridaney. Qof kasta oo Saamaaliyeedna waxan odhan
lahaa si fiican ugu fiirso, waraabayaasha hoos jooga
oo maydka iyo dhaawaca sugayana kan ugu weyni waa
jaarkeena oo markii horena waranka iyo tooreyda isugu
keen dhiibey.
(Sawirka II),
kani labaad wuxu ka koobanyahay 9 qaybood oo isku
xidhan oo ka tarjumaya siyaasad ugu yaraan 200 oo sano
ka hor dhidibada loo aasay oo taliskii Xabashidu
qarniyo hore dejitsey marnana aanay ka tanaasulin,
ahna majaraha u xariiqan oo nin kasta oo madax ka
noqdaa raaco fulintiisuna waajib ku tahay, bal isna
ila arka:
(1)
Tan ugu horaysaa
waxay ina tusayaa taariikhdaas halkii boqortooyada
Abasiiniya ay geeska Afrika kaga tiil iyo intii dhul u
ahayd.
(2)
Waxay ina tusaysaa
muddo sodon sano ka yar halkii ay gaadhey iyadoo
adeegsanaysa hubkii ay gumaystayaashu reer Yurub ku
caawiyeen gaar ahaan (Ingriis, Faransiis iyo Ruush),
Waxaadna arkaysaan sida 30 sano mudo ka yar dhulkeedii
u afar laabmay.
(3)
Iyadoo ujeedadeeda weyni tahay in ay xalaalaysato oo
looga hadho wixii ay dhul maroojisey waqtigii xukunkii
Minilik, waxay Qaramada Midoobey waydiisatey in
wadamadii talyaanigu xukumayey lagu wareejiyo (Somalia
iyo Eriteria ), halkaana mashruucii inta ka hadhsan ka
dhamaystiro oo badda CAS iyo Badweynta HINDIYA halkaa
gacanta kala gaadho.
(4)
Eriteria way ku guulaysatey badda casna jid bay u
heshay dhulkii ay hore u boobtayna waa u xasiley.
Waxana arrintaas si gaara gacan ugu siisay dawladda
Maraykanka oo ku hawlanayd markaas dagaalkii Kuuriya
oo isagana loo balan qaaday in qaacidad laga siin
doono Badda Cas ee Eriteria marka ay xukunka
amxaarada hoos timaado.
(5)
Intii u dhexaysey 1960-77, waxa gacanta
gumaysiga ka xoroobey saddex qaybood oo ka mid
ah qaybihii isticmaarkii reer Yurub iyo Amxaaro u
qaybiyeen dalka Soomaalida.
(6)
Xaile Salaase wuxuu sheegtay markii u horaysey in
xeebta Soomaaliyeed ee faransiisku gumaysto ay tahay
gobol ka lumay. Wuxuuna soo jeediyey in ama gumaysiga
Fransiisku sii joogo ama isaga lagu soo wareejiyo.
(7)
Waa sida Abasiiniya noqon la hayd haddii ay u hirgeli
lahayd sheegashada Xayle Salaase. Isla waagaa,
Xabashidu waxay balan qaaday in goor ay noqotoba ay
Jabuuti gacanteeda soo geli doonto.
Laakiin shacabka
reer Jabuuti way ka tashadeen in aanay qawlalada
waraabaha ku dhicin, ilaahna waa ku guuleyey.
(8)
Xabashidu iyada oo aad moodo in ay si fiican u
dhuuxday murtida Soomaaliyeed oo leh: Gudiney
gobolkay baa kugu jiree ima goyseen, bay waxay
heshiis la gaadhey Jabhadii la odhanjirey SNM.
Warkaasi wuxu ku soo baxay wargeysyo kala duwan uu
tusaale u yahay (Cosmopolite
n.6, Abril 1986).
Heshiis kaasi wuxu dhigayey in: (I) Amxaarku taageero
buuxda siiyo sidii ay u samayn la haayeen “Northern
State” oo ka gooniya Jamhuuriyadda Soomaaliya kana
go’da oo ka kooban waqooyi galbeed. (II) In amxaaro
markaa ka dib ay xoogaa ka mid ah hawdka uu ugu soo
daridoonto. (III) Taasina ay ku xidhantahay in dawlad
ku sheegaa cusubi uu dhexdhexaad ka noqdo waxa
dhex mari doona xabashi iyo Jamhuuriyadii Soomaaliya
waxa ka hadha oo ay ku duuli doonto.
(9)
Jidka Xabashi u jeexani wuxuu ahaa in marka hore iyada
oo waqooyiga la adeegsanayo Soomaali laba loo kala
gooyo. Marka xigta in koonfur lagu duulo oo la qabsado.
Intaasi markay isku dubadhacdo in waqooyi la yiraahdo
adna qaranka cusub ku soo biir. Run ahaantiina qofka
Soomaaliyeed oo Xabashi daboor u noqdaa mashruucaas
uun buu wax ka fulinayaa.
Aniga
oo laga yaabo in aanan ereyada sidoodi u qoran ee
macnaha soo qaatay, intaa waxaa ku eg, aragtidii
qotada dheerayd oo Dr. Cumar soo raaciyey khariidada
aynu ku magacownay (Sawirka II).
Soomaalay, ma laga yaabaa in sidan laynala
damacsanyahay?
(Sawirka II)
Aniguna
waxan khariidadan raacin lahaa intan yar oo tii hore
ku xidhan qardhaas iyo belo xijaabna ilaahay inooga
dhigi doono insha allaah:
-
Kama quusto qawlkii
alliyo qadanka diineede
Nin quraanka tuugaan waqiis eebbe qadinayne
Qaylada badhkeen diri miyaa qiima gelidoonta?
-
Hadimadan la qoofalay
miyaan dib u qarsoomaynin?
Qaradkaa shisheeyaha miyaan waana qumidoonin?
Qatartiyo dhibaatada miyaa waaxid naga qaadi?
-
Qoqobadan na loo
dhigay miyaan qeydo noqondoonin?
Qoyskiyo dirkaan nahay miyaan kala qaloondoonin?
Qaybaha israacood miyaa nacab qamuunyaysan?
-
Qader lama tilmaamiyo
wedkoo soo qandoodsaday e
Qorrax soo baxdaba xaajo waa qaalmarogataaye
Qani iyo faqiir baa mar qudha qalin isdhaafshaaye
-
Qalbacyada intuu lohod
ku jiro qudhi itaalkiise
Mar haddii libdhada loo qayoxo waa qalalayaaye
Intaad aniga nabar lay qarshiyo qodaysi iilkayga
-
Quruumahan “melesow”
kun sano qoolka lagu roorshey
Oo quudhsi awgii dadnimo loo qaderinwaayey
Qanidigay dhigaan baa ku filan salabna qaatane
-
Qaskaad nagu wadaa
weyneheen qoorta kuu geline
Idinkaa qiyaastiyo xilliga qaamudkiin galay e
Ha ka qoomamoon waxa dambayn qaranjabkiiniiye
Waxan
qaybtan ku xidhayaa, waxa la yiri gabadh Soomaaliyeed
baa cayaar inta si fiicaan ugu bogtay ka boodey oo
tiri: sidi sidi, sidi sidi, markaasaa oday yiri:
gabadhey dhuldhacaaga hubso. Haatan dadka Soomaaliyeed
ee waxa dhulkeena ka socda u sacabaynaya, waxan odhan
lahaa: xaalkiinu yuu noqon: nin daad qaaday xumbo
cuskey, oo dagaalka sokeeye oo ina
daashadey iyo dhibaatada inagu raagtey iyo jacaylka
aynu u qabno dawlad dhexe, yay inaga daahin ku
tumashada Itoobia oo taageerada loo soo ekaysiiyey.
Waxanna idinku raacsanahay haday sida aad wax u
aragtaan wax u jiraan oo amuuri sida laydinku qanciyey
ku dambayso khadar baa samada laynooga soo dejey baynu
odhan karnaa. Laakiin Soomaali nasiibkeeda baan
aqaanoo hawl yari waxba kuma hesho oo xitaa qaalinta
geela ah oo ay dhalashadeda ilaa curashadeda ku soo
hawshoodaan, ilaa caanabare sibraha loogu xidho oo
lagu farabaro caana kama maalaan. Marka waxan odhan la
haa, ha degdegina, hana is indhatirina ee
dhuldhaca hubsada.
MAXAA U
HIRGALAY?
Waxa la
yiri: Nin carabtii hore ah oo wiilal badan leh baa
markuu gaboobey oo dardaarankiisii joogey isugu
yeedhay wiilashiisii. Wuxu yiri nin waloba intaas oo
laamood oo duur ah ii keen. Markii wiilashii mid
waliba duurkiisii keenay buu yiri: Isku wada xidha
duurka, markaasaa laysku wada xidhay. Isaga oo curadka
ka bilaabaya buu yiri nin waloba markaaga isku day
duurka in aad jebiso. Raggii mid xoog weynaa iyo mid
xoog yaraaba waa isku dayeen duurkii in ay jebiyaan
waana jebin kari waayeen.
Markii
ay ka quusteen buu yiri nin walowba duurka qaybtaadii
qaado oo gooni u xidh. Markii nin waliba qaybtiisii
gooni u xidhay buu yiri hadaba mid waloba kaaga isku
day in aad jebiso. Kolkaasa ileyn midkiiba dhawr
laamood bay ahaayeene, mid waliba kiisii jebiyey.
Odaygii markaasuu yiri hadaba iska daadiya duurka oo i
dhegaysta. Duurku markuu isku wada xidhnaa sow ma
aydaan jebin kariwaayin? Wiilashiina haa bay ku
jawaabeen. Markii mid waliba kiisii gooni u xidhayna
sow mid waliba kiisii ma jebin, haa bay ku jawaabeen.
Odaygii
wuxu yiri duurkaasi idinkuu ahaa:
Anigu
waxan is idhi sheekada waa laydinka xaday ee odaygaasi
Soomaalida aabeheed buu ahaa muqaalafa xumadooduuna
ogaa. Waxaase ka faaiidaystey jaarkeena oo isaguna
markii odaygu inala dardaarmayey inaka ag dhowaa.
Dib
hadaynu ugu laabano sawiradii aynu soo bandhignay,
waxaynu daaha ka faydi karnaa qorshahaa Soomaali
tirtirkeeda loo dejiyey bal waxa ka hirgalay. Waxa
sideetanadii muuqdey in xabashidu mindiyaha u
lisanaysey Jamhuuriyadda Jabuuti sidii ay canka u
gashan lahayd. Hase ahaatee duruufo iyo isbedelo
siyaasadda aduunka soo maray darteed, Jabuuti oo
markaa laan curdin ah ula ekayd Xabashi, waxay isu
rogtey laan gahaydh ah oo dimcad ku taal.
Waxa
isla sanadahaas taa la barbar wadey sidii Soomaali
laysaga horkeeni laha qarankeedana loo dumin la haa.
Hadaba, (Sawirka I) wax u eg si loo gaadho oo
dagaal sokeeye oo aynu cadow isugu noqno looga dhex
rido Soomaali waxa badan baa lagu soo jeedey
dhaqaalena la geliyey. Aakhirutaankiina waxa lagu
guuleystey in aynu haddaynu Soomaali nahay birta iska
asalo. Taasi waxay ahayd talaabadii u horaysey oo
duminta qaranka Soomaaliyeed laga bilaabay. Waxaynuna
wada ognahay, Soomaaliduna maah maah qurxoon ka
leedahay in aan ruqo ninkii lahaa dabada hayaa kicin.
Qarankii Soomaaliyeedna, waa sidii cadowgu rabey e
wuxu noqday ruqo ciddii lahayd markay kicid holiso ama
hinqatoba uu fadhiga ku celinayo. Sidaasna waxa lagu
aasay dawladii dhexe ee Soomaaliyeed, dadkeediina
nacayb baa la dhex dhigay.
Talaabadaasi markii ay hirgashay, waxa la bilaabay
talaabadii labaad ee uu dhigayey heshiiskii aynu hore
ku soo sheegnay oo jabhaddii S.N.M iyo dawladii
Xabashida dhex maray oo ahaa in Jamhuuriyaddii
Soomaaliya laba loo kala gooyo. Maanta iyo maalintii
dawladii dhexe ee Soomaaliyeed burburtay Xabashi iyo
hogaamiyayaasha maamul goboleedka la baxay Soomaali-land,
arrintaa isku fikrad bay ka ahaayeen, Xabashiyina
taageero xooggan bay u fidisay si ay u hirgasho.
Laakiin nasiib wanaag, caalamka kale bay ka waayeen
ictiraaf.
Markii
la arkay in taasi sidii la moodayey ay noqon weydey oo
waqtigii fulinteeda iyo ka gungaadhkeedu dheeraaday
baa tabtii la bedeley.
Waxaynu
kor ku soo sheegnay in ballantu ahayd marka wadanka
Soomaaliya la kala gooyo, waqooyi galbeedna dawlad
madax banaan laga aasaaso. Talaabada xigtaa waxay
ahayd in Xabashiyi ay qabsandoonto qaybta koonfureed
oo dalka Soomaaliya. Isla markaa waqooyi galbeedna uu
ka noqondoono daawade sida walaalohood loo
cunayo. Taa shaki kuma jiro oo waxaa 10kii casho ee u
dambeeye indheheenu arkeen, wax dhawr iyo toban sano
ka hor ma dhacdo u ekaa. Waa diyaaradaha Itoobiya oo
magaalo madaxdii Soomaalida duqaynaya. Waxa maanta aan
muran ka taagnayn oo aynu dhamaanteen markhaati ka
nahay in Xabashi koonfurta Soomaaliya ku soo duuley si
kastaba aduunka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ha looga
gadee. Waxa iyana muuqata in gobolkii waqooyi galbeed
ee gooni isu taaga rabey uu sidii ballantu dhigaysey
daawade ka yahay oo aan hal eray afkooda laga
hayn. Haddii barnaamijku sida Xabashi u dhigay ku
socdo, waxa hubaal ah in maalinta iyaga la weeraro ay
odhan doonaan sidii dibigii ugu nolol dambeeyey
sheekadii saddexda dibi iyo libaaxa: Xabashiyey
maanta ima aad qabsane maantaan koonfur kuu daayey in
aad qabsato baad i qabsatay.
Weedhaa
u dambaysey iyo kuwa ka horeeyey oo ay higsanayso
dhaxalkooda waxa ina tusaya (Sawirka III).
Kolkaynu u fiirsano sawirkaa, waxa inoo
muuqanaysa qaybtiisa hore in ay u taagan tahay
sida maanta xaalkeena guud yahay ama heshiiska degsan
oo lagu socdaa dhigayo. Waxaana loo baahanyahay in aad
wada aragtaan in heshiiska qaybihiisi sidii uu u yiil
loogu socdo oo aan waxba iska bedelin. Qaybta dambena
waa sida uu berri noqondoono, haddii mashruuca
Xabashidu sida ay ugu tala galeen u fulo, qawsaaro
Soomaaliyeedna ku taageeraan sida hadeer muuqata.
Hadaynu
nidhi qorshihii guud ee Xabashida 20 sano ka hor wuxu
marayey oo ka fuley 60%, markhaatina ay u tahay 1884
halka taliska Xabashidu ku ekaa. Maanta waxaynu odhan
karnaa intii hadhsanayd 75% baa hirgalay. Waayo
dawladii dhexe in la rido waa lagu guulaystey,
wadankiina laba qaybood baa laga dhigay, qaybtii
koonfureedna waa lagu soo duuley. Waxa keliya oo
dhimanina waa waqooyi oo lagu darsado.
Waxan
kale oo jeclaan lahaa in aan dib idiin xasuusiyo in
aan la dhayalsan khariidadii xildhibaanada Xamar
joogey inoo soo gudbiyeen oo geeska afrika Soomaalida
laga masaxay. Sida aad aragtaan waxay ka mid tahay
wadadaa Xabashi iyo dhoobiyadu xariiqdeen halka ugu
dambaysa oo lagu socdo. Aniga aragtidaydana waa wax
caqliga geli kara in laga helay xafiis dad Soomaali
metelayaa leeyihiin.
Soomaalay, indhaha fura yaynaan sidan ku dambayne
(Sawirka III)
GEBAGEBADII
Hadaynu
taariikhada dib ugu noqono, waqti dhawr iyo toban sano
laga joogo, waxa xeeb u ahayd Xabashi xeebta Ereteriya.
Itoobia iyada oo taas leh baysan ku qanacsanayn oo
waxay doonaysay in ay gacanta ku dhigto Jabuuti oo ay
gaadhey in ay aduunka kaga dacwooto in ay iyadu
leedahay oo Jabuuti tahay gobol ka lumay. Iyadoo taa
ku hungowdey, xoog in ay ku qabsatona ku dhiciweydey,
baa dagaaladii sokeeye oo iyaga ka dhexdhacay ka dib,
waxa cagtii dhawr iyo todobaatanka sano lagu
hayey ee gumaysiga ka hoos baxday Ereteriya.
Markay xeebtii yarayd ka farabaxsatay, Itoobia talaa
ku cadaatay, waxaana u muuqatay in 75ka malyan
oo qof oo wadaankoda ku nool, xagga wax soo saarkana
aad uga liitaa aysan bad la’aan noolaan karayn. Waxaa
taa u raacda, ileyn waa ummad xaqdarro lagu soo
koriyey e, wadamada ay jaarka yihiin oo badda leh
dhamaantood xidhiidhkoodu waa xun yahay oo iskuma
halayn karto. Waxay taasi ku kaliftey in ay heshiiska
qayb ka mid ahayd ee dhigaysey in ay koonfur qabsato
ay ku talaabsato. Waagii heshiiska la gelayey cadaawad
bay ka ahayd oo Casab iyo Musawacba iyadaa ka
talinjirtey, Jamhuuriyadda Jabuutina mindiyaha ayay u
lisanaysey, sidaa darteedna baahi badan uma qabin.
Laakiin maanta sida muuqata dan culusina waa jirtaa,
cadaawadiina waa halkeedii siyaasadda fooshaxun ee
aduunkuna waa u fududaysay in ay ku dhiirato kuna
talaabsato.
Hadaba,
aniga oo aan intaa ku soo koobayn, waxan odhan karaa
ujeedooyinka Itoobia oo duulaankan ka dambeeya wax ka
mid ah kuwan soo socda:
-
Muslin la dilo, la
duleeyo oo dadkiisa soo kacaya la majara habaabiyo
sidaasna janada gaaladu aaminsanyihiin lagu galo.
-
Soomaali oo colaado
guun ahi ka dhexeeyeen oo 1400 ee sano ee u dambeeye
dagaalo dhexmarayeen ka ciil beel maantaad awoodaaye.
-
Xaqdarrada iyo
gumaadka iyo gumaysiga ay dadkeeda ku hayso oo ay ku
daboosho duulaanka ay inagu soo qaaday.
-
Ururo aragaixiso baan
idinka horjoogaa oo ay wadamada reer galbeedka magac
iyo maamuus iyo dhaqaale kaga hesho.
-
Soomaali oo ay marna
cagta hoosteeda gelin kariweydey oo ay maanta fursad
u heshay in ay gumaysato, xeebeheedana dadkeeda
nolol tay ku jiraan ka fiican uga samayso, taasoo
ahayd yoolka fog oo asaaska u ahaa hashiiskii aynu
soo sheegnay. Isla markaana taageerada ay maanta
haystaan aanay ku ekayn madaxda maamul goboleedka la
baxay Somali-land e hadaynu tira koob ku dayno aynu
arki lahayn in dhoobiyadu aad u tarmeen.
Waxaan
qoraalkan ku soo xidhayaa haddii eebbe idmo, ujeedada
ka dambaysa cinwaanka maqaalka. Su’aashu waxay ku timi
labada raiisul wasaare ee Somalia (Mr. Geedi) iyo
Itiobiya (Mr. Zenawi), sida uu mid walba ku yahay
duulaankan iyo dadka dhintay iyo kuwa dhiman doona.
Yaa
gablamay? Hadaynu ka jaawaabno, waxa gablamay Geedi oo
la gumaaday garabkiisii iyo gaashaankiisi. Waxa la
gumaaday ama cimaamado ha siteen ama yay sidane waa
dadkeenii. Run ahaantii wuxu gablamiyey dalka iyo
dalka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna qoysaska
iyo waalidka Soomaaliyeed oo inta geeryootey ciidanka
iyo cududa u ahaayeen.
Yaa good
diley? oo la micne ah yaa bahal hoose diley? hadaynu
ka jawaabno waxaynu odhan karnaa, ninkii cadowgiis
diley oo jebiyey baa bahal hoose diley. Itoobia iyo
Zenawi, waxay iska qabteen cadow Soomaaliyeed oo
intaanu gahaydhin oo adkaan ka hortageen oo curdinka
ku qalajiyeen. Waxaase taa uga sii farxad badan, kii
ka celin lahaa baa raali ka ahaa kuna garab taagnaa
cidhibtirka, khaayaamo qaran iyo mid qoysna ku
talaabsaday.
Abwaan Soomaaliyeed oo la odhanjirey Faarax Nuur
baa mar khayaamada ka hadlayey wuxu yiri:
Waxan
idin odhan lahaa Soomaaliyey ogaada, waxa laydiin
qarinayaa waa mindiyo laydinku qali doonee, qawsaaro
ina ka dhashay baana wax ka afayna oo lagu soo
gabanayaa.
Waxa
Soomaali inta indhuhu u kala furan yihiin ogyihiin in
aan adduunka cid wax bilaash ah oo aan dan ka dambaysa
ku salaysnayn cidina bixin. Iska daa cid kalee qofka
muslinka ah oo ilaahay hanuuniyey baan bilaash wax u
bixin. Run ahaantii sadaqadana ku dhehoo, wax kasta oo
la bixiyo ama hawl kasta oo la qabto waa la gataa. Yaa
igu diidaya in sadaqada hadaan ajar laynoo balan
qaadin in bilaash cidi xooleheeda u bixin lahayd.
Marka halkaa laga eego, Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa
u dhexeeya iyo waxa ina soo kala marayna aynu ognahay,
yoolka fogna aynu soo taabanay, tabeheedana aynu
sanadihii ugu dambeeyey oo aynu agoomowney u wada
jeedney. Qof Soomaali ah oo caqligiisa qaba oo aan
kursi iyo mansab indha tirin, ma ka suurowdaa in uu
aamino ama rumaysto Itoobiya baa Soomaali asxaan u
gelaysa oo dad uga dhimanayaa? Aniga aragtidayda waa
maya. Waxaanse kaga baxayaa, waxa la sheegay Wiilwaal
in uu yiri: War haadkaasii muxuu ku dhacyaa?
Markaasuu ku jawaabey ninkii uu u dan lahaa; hadba
keenii eega buu ku dacayaa. Ma rabo in aan u galo
waxa wajigood gubeyga Xabashida wata afkooda laga
sheegay,
laakiin maanta Soomaaliyey wuxuu haadku ku dhacayaa,
Soomaaliga is faramadhnaysiiya iyadoo dalkiisa Xabashi
la gudoonsiiyey.
Soomaalay marka su’aasha soo socotaa jawaabteedu haa
noqoto baynu Xabashi aamini karnaa oo wanaag iyo
walaalnimo ka dhawri karnaa.
Waraabaa hal diboodiyo
baadi soo dawinaaya
Oo inta geedaha daaqo
darib geel nicidoona
Dad maw qaadanayaa?.
Dr.
Abdullahi Hassan Mohamud
(Abdullahi Spanish).
Email:
indhagube@yahoo.es |