Brazil oo kaga adkaatay
Argentine 3:0 kuna Guuleesatay Koobka Qaarada Latin America.
(Maracaibo,
Venezuela,
July 16, 2007 Ceegaag
Online)
Wadanka Brazil ayaa ku guuleestay Koobka Qaarada Latin
America, markii ay Wadanka Argentine kaga adkaadeen Sadex
Gool iyo Eber .
Ciyaarta oo socota 4-daqiiqo ayuu Julio Baptista Gool aad u
qurux badan u dhaliyay Wadanka Brazil, halka gool (own
Goal) uu iska dhaliyay Difaaca Argentine ee Roberto Ayala
daqiiqadii 39 taas oo lagu kala nastay qaybtii hore 2:0
Wadanka Argentine ayaa si weyn ugu gacan sareeyay ciyaarta
qaybteedii hore inkastoo qabtii labaad ay u muuqdeen
ciyaaryahanada Argentine kuwa far dhaqaajin la’, daqiiqadii
69 ayaa Brazil waxaa Goolkii sadexaad u dhaliyay Daniel
Alves.
Brazil
ayaa laba jeer oo isku xiga Final kaga adkaatay Wadanka
Argentine iyadoo Quburo ku xeel dheer Kubada Cagta ay
saadaaliyeen in Argentine ku guuleesan doonto Koobkan
maadaama ayay Yiraahdeen Brazil ciyaaryahanadeedii ugu
Fiicnaa sida Kaka, Ronaldinho, Ronaldo, Adriano iyo Ze
Roberto aysan ka qayb galin Koobka Qaarada Latin America.
Wadanka Argentine ayaanan qaadin Koob caalami ah mudo 14
sanno .
********************************
Wararkii u Dambeeyay iyo Suuqa kala gadashada Ciyaartooyda.
Kooxda
heysata horyaalnimada Spain ee Real Madrid ayaa rajo weyn ka
qabta iney lasoo wareegaan xidiga qadka dhexe ee Kooxda
Villareal ee u dhashay wadanka Argentine Juan Roman Requelme.
************************************
Kaka
iyo Ronaldinho oo ahaa ciyaaryahanada ugu cad cadaa suuqa
kala gadashada ciyaartoyda ayaa u muuqda in midkoodna uusan
ka tegi doonin kooxdiisa ugu yaraan xili ciyaareedka soo
socda.
LMA
bernabeu_nabil@hotmail.com
Daawo
Sawirada:
webmaster@ceegaag.com |