Cudurka AIDS ka Muxuu yahay,
Sidee lagu kala qaadaa, Maxaase looga Hortagikaraa?.
(Hyderabad,
July 22, 2007 Ceegaag
Online)
Cudarka Aids-ka waxa uu fara ba’an ku hayaa malaayiin qof oo
dunida guudkeeda ku nool, waxaana u nafwaaya kumanaan qof
maalin walba, Cudarkan oo mashquuliyay maskaxda khubaro
badan oo cilmiga sayniska ku takhasusay sidii ay xal ugu
heli lahaayeen, dowlado badan iyo hay’ado samafaleedna ay
geliyeen maalaayiin doolar oo lacag ah sidii loo xakameyn
lahaa cudarkan dilaaga ah.
Hadaba
waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba fikrad ka haysto waxa
uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro bukaanka
cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala
duwan ee la isugu gudbiyo Virus-ka keena Cudurkan.
Cudurkan waxaa keena nooc ka mid fayraska oo loo yaqaan HIV
(Human Immunodeficiency Virus), feyraska noocani waxa uu
toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas
kadib hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) waxa uu toos ula
midoobaa hidda-sidaha qofka bukaanka (DNA of the host),
waxaana dhacda in ay mideysnaadaan muddo aan yareyn inta
badana lagu qiyaaso 5-10 sanadood, xilligaas oo qofka
bukaanka ahi uusan muujin wax calaamado cudur ah
(Asymptomatic period).
Muddadan kadib waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo
tarmado hidda-sidayaashii mideysnaa, dabadeedna weeraro
unugyada kale ee jirka, gaar ahaan unugyada difaaca ee loo
yaqaan 'T4 cells' oo ah qeyb ka mid ah unugyaada cad-cad ee
dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada unugyada
difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo
qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida Hargabka,
Qaaxada, dhaawacyada, iwm, kuwan oo inta badan sababa
dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba.
CALAAMAADAHA LAGU GARTO BUKAHA CUDARKA AIDSKA.
Calaamadaha lagu arko bukaha cudurka Aids-ka qaba waxaa loo
kala saaraa saddex marxaladood oo kala duwan.
o
Calaamadaha
la arko xiliga bilowga qaadida Feyraska HIV-ga (Period of
Acute Infection):-
Muddo ku siman
toddobaadyo ama ugu badnaan sanad, taasoo ka billaabaneysa
xilliga u horreysa ee uu bukuhu qaado feyraska HIV-ga ayaa
ah xilliga u horreeya ee qofku muujiyo calaamado cudur,
waana xilliga ugu horreeya ee baaris cudurkan ku saabsan la
sameyn karo, si kastaba ha ahaatee caalamadaha uu muujiyo
bukuhu marka uu marxaladan joogo waxaa ka mid ah:
1. Qandho (fever)
2. Madax xanuun (headache)
3. Barar iyo xanuun ku yimaada qanjirada difaaca (lyphadenopathy)
4. Caabuq ku yimaada gudaha dhuunta (pharyngitis)
5. Murqo xanuun (myalgia)
6. Daal (fatigue)
7. Xanuun ku yimaada kala-goysyada (arthratgia)
8. Finan yar-yar oo jirka ka soo yaaca (Macular rash).
o
Xilliga
calaamad la’aanta (Asymptomatic period):-
Calaamadahaas aan soo
sheegnay waxa ay bukaha ka muuqdaan muddo aan badneyn oo ku
siman maalmo ama toddobaadyo, kadibna bukuhu waxa uu u
muuqdaa qof ladan oo caafimaad qaba xataa waxaa adkaata in
baaris lagu ogaado inuu qabo cudurkan iyo in kale in la
isticmaalo qalab horumarsan mooyee, taasna waxaa ugu wacan
hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) iyo midda bukaha ayaa
midooba, taas oo keenta inuusan feyrasku muujin taran ah,
taas oo macnaheedu yahay inuusan jirin wax feyras (HIV) ah
oo weerar ku haya unugyada difaaca jirka. Sidaa darteed
ayuusan bukuhu muujin wax calaamado cudur ah. Maraxaladdan
calaamad la’aanta ah ayaa inta badan lagu qiyaasaa in ay ku
sinnaan karto 5-10 sanadood, balse ogow qofkani waxa uu
awood u leeyahay inuu cudurkan gudbiyo.
o
Calaamadaha la arko xiliga u danbeya ee cudarka (crisis
stage or Aids) :-
Muddadaa dheer ee uusan
bukuhu muujineyn wax calaamado cudur ah kadib, ayuu feyraska
(HIV)-gu bilaabaa inuu tarmo (replication), uuna weerero
unugyada difaaca jirka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan "T4
cells", kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad ee dhiigga (WBCs),
taas oo ugu dambeynta keenta inuu difaaca jirka hoos u dhaco
amaba howl gabo gebi ahaanba.
Marxaladan marka uu
gaaro bukuhu waxaa dhib ugu filan cudur yar oo ku dhaca sida
hargab, iwm, kaas oo keeni kara dhimashada bukuha,
calaamadaha inta badan lagu arko dhibbanaha cudurkan qaba
ayaa waxaa ka mid ah.
1. Barbaro cad-cad (finan)
ka soo yaaca carabka, cirridka iyo gudaha dhabanada (oral
hairy leukoplakia)
2. Miisanka qofka oo si joogta ah isu dhima (weight loss)
3. Daal badan (fatigue)
4. Dhidid habeenkii ah (Night sweats)
5. Shuban joogta ah.
6. Nabarro maqaarka sare ka soo baxa (koposis sarcoma)
Inta badan qofku marka
uu marxaladan joogo waxa uu nuglaanaadaa cudarrada ay
keenaan Bagteeriyada , fungaska, iyo qeybaha kale ee feyras-ka,
kuwaas oo inta badan soo dedejiya dhimashada bukaha.
SIYAABAHA LA ISUGU GUDBIYO FEYRASKA (HIV) EE SABABA CUDURKA
AIDS-KA
v
Feyraska HIV-ga
waxaa la isugu gudbin karaa siyaabo fara badan sida:
1. Galmo lala sameeyo
qof qaba cudurka Aids-ka.
2. Hooyo cudurka qabtaana waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay
uurkiisa yeelato, kaas oo ku dhasha cudurkan laayaanka
ah.
3. Dhiigga laga soo qaaday qof cudurka qaba oo lagu shubo
qof kale ama la taabsiiyo nabar ama dhaawac jirkiisa ka mid
ah.
4. Makiinad, qalabka qalliinka, iyo qalabka loo adeegsado
ilkaha oo loogu adeegay qof cudurka Aids-ka qaba, qalabkaas
oo loo adeegsado qof aan qabin fayruska.
5. Waxaa kale oo cudurkan la isugu gudbin karaa feyraska
HIV-ga, caanaha, candhuufta, iyo dheecaanada kale ee jirka
qofka Aids-ka qaba.
Ø
KA-HORTAGGA,
XAKAMEYNTA IYO DAAWEYNTA CUDURKA AIDS-KA.
Ka hortagga iyo
xakameynta faafidda cudurkan ayaa ah mid sahlan haddii
aragti islaami ah lagu fiirsho, noqon kartana mid aan
sahlanayn haddii dhaqanka reer galbeedka loo fiiriyo,
sababtuna waxay tahay faafidda cudurka AIDS-ka ayaa ah mid
ku salaysan gogol-dhaaf (sino) iyo anshax-xumo (fuxshi) inta
badan, dadka uu ku dhaco ayaa intooda badani yihiin dumarka
iyo ragga gogol-dhaafka sameeya.
Ka-hortagga cudurkan
ayaa qoloba si u aragtaa, tusaale ahaan Reer Galbeedka ayaa
aaminsan ku-barbaarinta iyo baridda carruurta qaababka
galmada (Sexual education) iyo isticmaalka cinjirada
(condoms) inay tahay qaabka ugu wanaagsan ee cudurkaan looga
hortegi karo, balse waxaa la oran karaa waxay ka taliyeen oo
kaliya faafiddiisa, waayo fayraska (HIV)ayaa ah mid laysugu
gudbin karo candhuufta iyo dhunkashada .
Si kastaba xaaladdu ha
ahaatee siyaabaha ugu wanaagsan ee cudurkan looga hortagi
karo ayaa ah
1) Qofka oo ku ekaada
gurigiisa xalaasha ah.
2) Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay
cudurkani.
3) Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka
kale lagu shubin.
4) Sirinjiga qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin.
Dhanka kale, haddii aan
ka eegno ma jirto illaa hadda wax tallaal ah oo cudurka
AIDS-ka looga hortegi karo, taasna waxaa ugu wacan
borotiinada loo yaqaan (antigens) ee ku dahaaran fayraska
HIV-ga ee uu ku weeraro unugyada difaaca jirka ayaa ah kuwa
isbeddelid badan, waxaana la arkaa qof kaliya in laga helo
boqollaal fayraska HIV-ga ah oo leh borotiinadaas oo kala
duwan. Wuxuu qofku is weydiin kara maxay tahay xiriirka ka
dhexeyn kara tallaalka (vaccine) iyo borotiinadaan
(antigens)? Tallaalka ayaa ah jeermis (Bacteria ama Virus)
la dilay ama awooddiisii cudur-keenid la wiiqay amaba
borotiinada (antigens) ku dheehan jeermiska mid ka mid ah,
kadibna lagu duro ama afka laga siiyo qof caafimaad qaba si
uu unugyada difaaca jirkiisa uu cariyo si ay isaga difaaci
lahaayeen weerar kaga yimaada jeermiska tallaalkan laga
samayay. Mar haddii uu fayraska HIV-da uu yahay mid is
badelid badan waxaan suuragal ahayn in la helo tallaal rasmi
ah.
Waxaa iyana dhibaata
badani ka taagan tahay sidii daawo loogu heli lahaa bukaha
cudurkan qaba, maxaa yeelay daawooyinka illaa hadda la soo
saaray ayaa noqday kuwa aan waxtar badan lahayn, balse
dhibaato u geysta hidda-sidayaasha dhibbanaha (genome of the
patient).
Si kastaba ha ahaatee,
cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan ugu jireeen illaa iyo
siddeetamaadkii sidii ay xal ugu heli lahaayeen, illaa iyo
haddana wax xal ah looma hayo daawayntiisa iyo ka-hortaggiisa
midnaba.
Qoraalkaygan ayaan
waxaan doorbiday inaan ku soo gabagabeeyo sida uu islaamku u
arko cudurkan AIDS-ka .
ISLAAMKA
IYO CUDURKA AIDS-ka
Diinta islaamka ayaa si
wanaagsan uga hadashay dhinacyada nolosha aadanaha oo dhan,
iyada ayaana ah dastuurka casri walbaba la jaan-qaadi karta.
Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday Nabiga (SCW) ayaa
macnihiisu yahay (SINADA IYO FAAXISHADU KUMA FAAFTO UMMAD
HADDII AY KU FAAFTANA RABI WUXUU KU IBTILAYAA CUDURO AYSAN
AABAYAASHOOD HORAY U AQOON). Xadiiskan ayaa ah mid ka
turjumaaya xaaladda aynu maanta joogno.
Haddaba cudurka AIDS-ku
miyuusan ahayn mid ka yimi gogol-dhaaf (sino) iyo
anshax-xumo (fuxshi) la sameeyay.
Saynis ahaan iyo
Islaaami ahaan markaanu ku fiirinnay cudurkan AIDS-ka ah
waxaa inoo caddaatay ibtilo uu Ilaahay aadanaha ku
ibtileeyay kadib markii ay marin-habaabeen, daawadiisa
rasmiga ah ayaana ah dastuurka Rabbi soo dejiyay (Quraanka
iyo Sunnaha) oo sida uu yahay loogu dhaqmo.
Abdihabib Abdilahi Abdi
Hyderabad, India
ali_abdi301@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |