Marka hore dabkuu
idinka dhigi dumar sidiisiiye" Halkan ka akhriso gabay uu
tiriyay sayidkii oo ahaa nin gaalada neceb
(Soomaaliya, May
13,
2007, Ceegaag Online)
Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu
dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku
eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo
shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa
dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso
raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida
ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.
Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni
markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen
ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo
gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci
jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey. Ma ay
xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida
gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu
leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee
Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri
jireen. Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga
oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door
wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd. Bal si ka-fiirsi leh
u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo
aad dhankiisa ka soo jeesato:
Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!
Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada
Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah. Waa gabayga 'Gudban'
amase
'Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka
sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo,
xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii
hoggaamiyahooda. Waa meerisyo tusaale kaa siin kara
dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay
Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii
ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha
iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen. Qalbi
murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu
tawaawacayaa:
"Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga
dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan.
Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee,
nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline,
waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka
ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan
ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero
oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo
waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.
"Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf
Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud
ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan
Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen. Eebbow,
garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay
ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen
saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda
lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko
Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan.
Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko
isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii
Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii
waddey ay ku makaleen'.
Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu
dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay
gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu
libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka
gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta
badanna ka haya:
Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma
ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u
jeelqaba. Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday,
hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen.
Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan
sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni
jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.
Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada
Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina
ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto
ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku
laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta
uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo
Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal
hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd
Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo
hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado
u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari
jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi
jirtay.
Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin
waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa
jaallihiis waa cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey
markuu lahaa:
Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!
Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu
dhigin. Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba
ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la dagaallamayno ninkii
taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku
celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:
Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara
Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!
Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta
oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya,
xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba. Hayeeshee, in kasta
oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas
gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici
jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha
iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen,
hantidoodana ku waayi jireen. Waxaad mooddaa inay
Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo
dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo
badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.
Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la
tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo
guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka
Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan,
ugu dambaystii looga adkaaday.
W.Q. Axmed F. Cali "Idaajaa"
webmaster@ceegaag.com |