Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
Waxa Maalmahan dambe isa soo taraayay inay Mucaaradada
Soomaaliyeed ee Gumaysi diidka ahi ka codsadeen Shiikh
Xassan Daahir Aways inuu ka nasto Siyaasada isagoo muda
dheer ku soo jiray, ana waxaan codkayga ku darayaa oo ku
ayidsanahay Mucaaradada inuu Shiikhu ka nasto maanta
Siyaasada oo u banayo qayrkii markaan sidaas leeyahay
maaha macnahaygu in aan necebahay Shiikh Xassan Daahir
bal waxaan u hayaa qaderin iyo ixtraam wayn waxaana ogahay
inuu yahay nin wadani ah iyo Oday Soomaaliyeed iyo Shiikh
ay ku dheertahay cabsida Allah tacaalaa oo doonaaya
maslaxada ummada islaamka gaar ahaana tan wadankiisa
intii uu siyaasada ku soo jiray wax badan oo khayrah buu
sameeyay oo aan marnaba la ilaabi karayn sida qaybta wayn
ee uu ka qaatay fidinta Dacwada Diinta Islaamka Caqiidada
saxda ah, daryeelka agoomaha iyo kuwa itaalka daran, ku
walaalaynta dadwaynaha ama Qabaa'ilka iyo Ferdiyaal ba
qabsashada Xadhiga Allaah tacaalaa ee adag iwm
xaga Siyaasada wuxuu isku deyay Shiikh Xassan in wadanka
laga dhiso Dawlad Islaam ah taas oo ah himilada uu
leeyahay qof kasta oo Muslim ahi guuldarooyin badana waa
laga kulmay taas ha ugu daraato tan ugu dambaysay ee
keentay in wadankeenii Gumaysi qabsado waana arin guud oo
ka jirta wadamada Islaamka oo dhan ee maaha wax ku gaar ah
Shiikha ama Maxaakiimta
sababtuna waxay tahay waxa la yidhi kii degdegsada arin
iyadoo aanu waqtigeedii iman waxa lagu ciqaabaa ka
qatanaanteeda taas weeye sababtu, arintan waa lagu deg
degay iyadoo aanay weli Dacwadii midha dhalin ayaa la
degdegsaday oo la bilaabay in Dawlad Islaama la dhiso taas
ayaa u sabab ah guuldarooyinka dhacay, halkii layskaga
mashquulin lahaa barashada Cilmiga Diiniga ah iyaadoo uu
runtii inagu yaryahay ayaa laga doorbiday in la doono
Dawlada Islaam ah mana laga fekerin caqabadaha faraha
badan ee taas ka sokeeya ha ahaato Dawladaha Gaalada ah ee
maanta Aduunka ka taliya oo aan marna ogolaanayn in la
dhiso Dawlad Islaam ah iyo Muslimiintii oo aan maanta
magaca maaha ee aan Diintoodaba waxba ka garanayn kan ugu
horeeya ee kugu diidaana ama kaaga hor imanayaana uu yahay
kan Muslimka ah
tusaale hadaan soo qaato intii ay maxkamaduhu ka
talinayeen Koonfurta inteeda badan wax badan oo wanaag ah
bay qabteen wax yaabaha munkarka ah ee afeeyay Soomaaliyana
wax bay ka qabteen inkasta oo siyaabihii loo dabaqay ama
loo fuliyay hadal badan ka imanaayo hadan waxay ahaayeen
munkaro ama xumaatooyin cudur ku noqday ummada oo daawo u
baahan sida Qaadka laakiin markii ay mamnooceen sidee
dadwaynuhu u arkaayay arintaas waxa hubaal ah in in yar oo
Allaah u naxariistay mooyee laga xumaaday mamnoocistii
Qaadka iyo wax yaabaha xun xun ee la midka ah
markii maxkamadihii laga qabsaday Dhulkii oo ay soo
galeen kuwii horkacayay gaalada ee dabadhilifka u ahaa
Gacankudhiiglayaal C/llahi iyo Geedi iyo kuwii la mid ka
ahaa waxay dadka ugu khudbadaynayeen: ma waxaa laydiin
diiday Qaadka?!" ay yidhaahdaan haa iyadoo farxad ka
muqato!" waa idiin fasax maanta laga bilaabo, ma waxaa
laydiin diiday xumaanta? "ay yidhaahdaan haa!" waa idiin
fasax
tusaale kale markii Gaaladu qabsadeen Afqaanistaan oo la
jebiyay Daalibaan ayaa inta badan ragii reer Afqaanistaan
waxay mudo dheer kuyuu ugu jireen Timaxiirayaasha si ay
gadhka isaga xiiraan Dumarkiina waxay tuureen Xijaabkii
labadaa shay oo dhaqan u ahaa reer Afqaanistaan iyadoo uu
Asalkii uga yimi xaga shareecada Islaamka hadana dadka
dambe sharci ahaan uma ay garanayn ee caada ahaan bay ugu
dhaqmi jireen laakiin markii Daalibaan ku qasab tay ragii
aan la bixi jirin gadhka iyo Dumarkii aan xidhnayn
xijaabka waxay u arkeen in meel lagaga dhacay xoriyadoodii
waxayna taasi keentay inay karaahiyaystaan Xukumkii
Islaamka taas maxaa keenay iyo tii ka horaysay ee
Soomaalidaba?
waa iyadoo oo aanu qofkii Muslimka ahaa fahamsanayn
xaqiiqada Islaamka waana taas taan u leeyahay lama heli
karo Dawlad Islaam ilaa ay Muslimiintu fahmaan Diintooda
oo ogaadaan xaqiiqada Islaamka taana waxa lagu gaadhi kara
Dacwad dheer oo loo sabro intay ka midha dhalayso waa in
la helaa hadii la doonaayo Dawlada Islaam ah ragii
hogaamin lahaa oo ku hubaysan Cilmi Diini ah iyo mid
Duniyadeedba iyo Shacab fahamsan xaqiiqada Diinta Islaamka
iyo in uu Allaah tacaalaa u abuuray Insiga iyo Jinka inay
isaga uun caabudaan markaa waxa dhacaaya inay meel marayso
Dawladaasu Allaah tacaalaana hiilkiisa ay helayso
Ummadaasu siduu ku balan qaaday tacaalaa
laakiin aad bay uga fogyihiin kooxaha Islaamku ee doonaya
inay Diinta ku xukumaan dhulka Islaamka guud ahaan taasna
waxay keentay in had iyo jeer ay ku guulaysan waayaan
ujeedkooda
tusaale aan mar labaad soo qaato ina tusinaya sida ay
lagama maarmaan u tahay in Cilmiga Diiniga ah uu raaco
Cilmi Dunida ahi oo uu qofku lagama maarmaan ay tahay inuu
la socdo Siyaasada Dunidu ay ku dhaqmayso iyo meesha ay
marayso iyo dhamaan wax yaabaha ku xeeran waana sida lama
filaanka ah oo mar qudha Maxkamadihii Islaamku uga soo
dhex bexeen siyaasada Soomaaliya iyagoo markii hore ahaa
koox yar oo aan sidaas awood badan u lahayn waynuna
ognahay in ay ku yimaadeen Caadifada iyo taageeradii ay
dadwaynuhu u fidiyeen markii la dulmiyay wadaada oo
qabqablayaashii Mujrimiinta ahayd isu bahaysteen oo u
samaysteen isbahaysigii ay ugu magac dareen la dagaalanka Argagixisa oo
ay rabeen inay mid mid u soo qabtaan oo ugu dhiibaan
America
taas ayaa dadwaynaha kicisay oo ka cadhaysiisay keentayna
in dadwaynihii iyo maxkamadihii oo isku duubani ka saaraan
wadanka qabqablayaashii dagaalka ee Mujrimiinta ahaa,
hadaba su'aashu waxay tahay Maxaakiimtii ma ku mahad
naqeen nasirigii Allaah tacaalaa waafaqiyay mana uga
faa'iidaysteen si haboon mase garteen waxa keenay
dagaalkan hada iyo cida ka dambaysay iyo waxa laga rabo
toona mase ahayeen kuwa ka war haya waxyaabaha ku xeeran
iyo Jawiga guud ee ka jira Aduunka maanta?
maya ayaan qabaa anigu su'aalahaas oo dhan waayo haday
haa ahaan lahayd dee wax uma dhaceen siday u dhacaan,
Allaah tacaalaa uma mahadniqin ee waa is mahadiyeen
waxaana galay damac ah Soomaaliya oo dhan qabta markaas
bay hadba meel isku qaadeen aanay ka helay waxaan fitnad
ahayn iyagoo aan ka fekerin inaba duruufaha ku xeeran
gudaha iyo debedaba ninka se in yar oo aqoon ah u leh
Dunida wuu ka war qabay meesha xaalku marayo iyo waxa la
doonaayo oo wuu og yahay in laga soo bilaabo Qaraxyadii
11september ka dhacay America Dunidu is bedeshay wadama
badan oo Islaam ahina ay bartilmaameed u yihiin Gaalada
wadankeenuna uu ahaa bartilmaameedka labaad marka laga
yimaado Afqaanistan wuuna ka war qabaa waxa dib loogu
dhigay oo ah in la waayay meel ciidamada Islaamiyiintu ku
urursan yihiin oo ay ku dhex jiraan Shacabka
lana go'aan saday in laga soo dhex saaro wuxuu kaloo ka
war qabaa in Ethiopia loo doortay inay tahay tan gaalada u
difaacaysa Geeska Africa sidaa awoogeedna la hubeeyay
Ciidamadeedana tababara fiican la siiyay si ay wax uga
qabtaan goobtaa taasuna is waafiqisay damacii Ethiopia ee
soo jireenka ahaa iyo siyaasada America ka leedahay Geeska
Africa xusuuso khudbadii Bushe ee 11september waxa ka mid
ahaa hadalkiisii waxa laga waayi doonaa Khiriidada Aduunka
Wadama badan arintanu waa daliil cad oo ina tusinaaya in
Cilmiga Diiniga ay tahay inuu raaco Cilmi Duniyadeed
aan u soo noqdo arintii Shiikha ee sababta aan Maanta
codsigan ugu jeedinayaa Shiikh Xassan Daahir waa dulmiga
wayn ee dusha laga saaray oo loogu shaabadayay sida xaqq
darada ah ee ah in uu xidhiidh la leeyahay waxay ku
tilmaameen Argagixisada taas oo caqabada ku noqonaysa cida
uu isagu hogaaminayo siday wax uga qaban lahaayeen
Gumaystaha Maanta wadankeenii qabsaday laakiin marna
lagama marmo talooyinkiisa iyo odaytinimadiisa iyo
ducadiisaba
maantana arintu meel adag ayay taagan tahay wax walibana
waxay ku wanaagsan yihiin in loo daayo kuwa wax ka qaban
karaaya ee marxaladaa ku haboon, waxaynu maanta u
baahnahay rag Siyaasada aqoon u leh Aduunkana miisaan iyo
culays ku leh oo laga yaqaano daacadna u ah wadankooda
sida mudane C/risaaq Xaji Xuseen, Pro. Cali Khaliif
Galaydh, Pro.Axmed Ismaaciil Samatar,Shiikh Shariif Shiikh
Axmed iyo kuwa faraha badan ee la mid ka ahi inay
hogaamiyaan Mucaaradada lana taageero oo lays daba taago
oo aynu noqono saf keli ah oo xoraynta wadanka ka dibna
leh oo uu u diyaar yahay qorshihii Dalka lagu maamuli
lahaa hadaynu se u kala qaybsan nahay Kooxo iyo Qabiilo
mid walbana uu la wanaagsan yahay ujeedooyinkiisa gaarka
ahi kuna adkaysanayo wax wanaaga oo laga gaadhi doonaa ma
jirayo ee uun waxa loo faa'iidayn Cadawga Gumaystaha ah
iyo Dabadhilifkiisa waxaana anigu door bidi lahaa in
shirka Asmara lagu dhiso Dowlad debeda joogta
waxa kale oo lagama maarmaan ah in hadii la doonayo inay
wax hagaagaan oo Mucaaradadu ay noqoto mid Shacabka u
cuntanta oo ay aqbalaan waa in aanay horboodin oo horseed
ka noqon rag badan oo siyaasada hore ugu fashilmay sida
Xuseen Caydiid, Madaxwaynihii hore C/qaasim Salaad,
Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif iyo raga la midka ah ee
Siyaasada hore ugu fashilmay
waxan kale oo halkan baaq uga soo jeedinayaa Kooxda
Ashabab ee halgamayaasha ah waxaana leeyahay walaalayaalow
ha kala qaybinin safka Mucaaradada ee aan saf keli ah
noqono si aan uga saaro Gumaystaha wadankeena ogaadana
Koox ama Qabiil waxaa xaqiiqa ah inaan wax guula lagu
gaadhayn waanu idinla fahmaynaa meesha aad hiigsanaysaan
iyo waxaad doonaysaan ba waana waajib iyo himilada qof
kasta oo muslim ah laakiin sidaan kor ku soo xusay waxaan
taas ku gaadhi karaa Dacwada oo loo sabro ilaa inta aynu
ka helayno Mujtamac muslim ah oo xaq u fahamsan Diintiisa
waxaan qoraalkayga ku soo geba gebaynayaa saxan saxadii
xoriyadu way soo uraysaa ee maxaa xoriyada ka dib qorshe
ah oo loogu tala galay Mucaaradadey? mise arintu sidii
caadada ahayd bay ku socotaa Ajanda la'aan oo hadhow wax
waliba isugu qasmayaan sidii caadadu ahayd?
wa bilaahi towfiiq