Taariikh Layaab leh (History
Mystery
)
Maxay ka
sinaayeen
Madaxweynayaashii
Lincoln iyo Kennedy...
(Boston, April
27,
2008 Ceegaag Online)
Abraham Lincoln
oo ahaa Madaxweynihii 16aad ee Maraykanka waxaa golaha umada
loo doortay sanaddii
1846.
John F. Kennedy
oo isna ahaa Madaxweynihii 35aad ee Maraykanka waxaa golaha
umada loo doortay
1946.
Abraham Lincoln
waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii
1860.
John F. Kennedy
waxaa madaxweynimada dalka Maraykanka loo doortay sanaddii
1960.
Labaduba waxay si cad utaageeri jireen xuquuqda
binu'aadamka.
Labada
Madaxweyne
waxaa la toogtay maalin
Jimce
ah.
Labadaba waxaa laga toogtay
Madaxa
Intaas waxaa u sii dheer labada madaxweyne.
Xogayihii madaxweyne
Lincoln
waxaa la odhan jiray
Kennedy.
Halka xogayihii madaxweyne
Kennedy
na la odhan jiray
Lincoln
.
Labadaba waxaa dilay rag kasoo jeeda koonfurta dalka
Maraykanka.
Labadaba waxaa badalay ninman reerkoonfureeda oo
magacyadoodu ahaayeen
Johnson.
Andrew Johnson,
waxa uu badalay
Lincoln,
waxa uuna dhashay sanaddii 1808.
Lyndon Johnson,
waxaa uu badalay
Kennedy,
waxa uuna dhashay sanaddii
1908.
John Wilkes Booth, oo
ahaa ninkii dilay madaxweyne Lincoln waxa uu dhashay
sanaddii
1839.
Halka
Lee Harvey Oswald, oo
isna ahaa ninkii dilaya Kennedy uu isna dhashay sanaddii
1939.
Labada nin ee dilay madaxweynayaasha waxay lahaayeen sadex
magac oo layaqaanay.
Sadexdooda magacna isu geynta xarfaha ay ka koobnaayeen
midkiiba waxa ay noqonayaan
15 (Shan
iyo Toban).
Waxaa intaas kuu raacda......
Madaxweyne Lincoln waxaa lagu dhex dilay Tiyaatar magaciisa
la odhan jiray 'Ford.'
Halka madaxweyne Kennedy lagu dhex dilay gaadhi la dhaho '
Lincoln ' oo ay sameyso shirkada
'Ford.'
Ninkii ku dilay madaxweyne Lincoln Theater-ka
waxa uu cararay bakhaar oo isku qariyay.
Halka ninkii isna dilay madaxweyne Kennedy uu kasoo toogtay
madaxweynaha
Bakhaar
una carar theater isagoo isku qarinya.
Booth iyo Oswald
waxaa lakhaarijiyay intaan maxkamad la horkeenin.
Kudarsoo...
Isbuuc kahor intaan ladilin madaxweyne Lincoln waxa uu
joogay
Monroe,
oo katirsan gobolka Maryland.
Halka isbuuc kahor intaan ladilin madaxweyne
Kennedy uu isna la joogay gabadh la odhan jiray Marilyn
Monroe.
C/risaaq Mohamed X. Cali
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com |