shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Su'aal wayn oo aad u muhiim ah

(Somaliyeey, February 13, 2008 Ceegaag Online)

Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh, Rabiga Koonka oo dhan, Cidhibta dambe ee wanaagsana waxaa leh kuwa Allaah ka cabsada, Colaad iyo Dagaal toona ma laha ilaa kuwa Daalimiinta ah maahee, waxaan qirayaa in aanu jirin Ilaah xaqq lagu caabdo oo aan ahayn Allaah kelidii oo lahayn wax Shariik ah, waxaana qirayaa in uu Maxamed yahay Rasuulkii Allaah iyo Adoonkiisii.
 
Intaas ka dib:
 
Inagoo inta badan kaga hadala Bogan arimaha Siyaasada ha ahaato tan Somaliya guud ahaan ama Mandaqada ka mid ah amaba Aduunka intiisa kale,ayaan waxaan gartay Maanta inaga oo weli ku dhex jira siyaasadii, bal inaan dhinac kale oo aan inta badan laga hadlin aan Maanta ka eegno Siyaasada. waana dhinaca Shareecadeena wanaagsan iyo waxa ay ka qabto arimaha Siyaasada qaarkood,waxaana jecelahay bal mowduucyada caynkan ah inaan bal xooga saaro oo hadba Qoraalo ka samayno bal Diinteenu waxay ka qabto Arima badan oo Siyaasada ah, waxaana taas Maanta u doortay in aan ku soo qaadno Su'aal la waydiiyay Caalim jaliil ah oo ka mid ahaa Culimada loogu qaderinta waynaa Casrigan aan ku jirno
 
Su'aashaas oo isu bedeshay Muxaadarad qaadatay dhowr Saacadood,
runtii waa Maqaal aad u dheer laakiin ay ku jirto faa'iido aad u wayni, sidaan hada soo xusnay Muxaadaradanu waxay ahayd Asalkeedii Su'aal la waydiiyay Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee Waqti aad u horeeyay oo ah xiligii uu socday Dagaalkii Mujaahidiintii Afqaanistaan iyo Ruushka iyo Xulufadiisii Shuuciga ahayd,waa se Su'aal Maantana taagaan weligeedna taagnaan doonto inta uu doono Allaah tacaalaa, waana mowduuc khuseeya guud ahaan Ummada Islaamka
 
Faa'iidada ku jirtaana ay aad iyo aad u balaadhantahay,markaa iyada oo Maqaalku aad u dheer yahay ayaan waxaan u sameeyay Cinwaano aan ku kala qaybinaayo Maqaalka si Aqristaha ay ugu fududaato aqriskeedu uuna si dhib yar ugala soo bixi karo Qodobada muhiimka ah,waxan kale oo u samayay tafsiir Aayaatka iyo Xadiithyada uu Shiikhu soo qaadanaayay oo aan weliba meelaha qaarkood si qotadheer u sii fasiray iyada oo aan ogahay baahida wayn ee ku jirta markaa waa inuu aqristuhu taa ogaadaa in aan Shiikhu isagu fasirayn Aayatka iyo Xadiithyada ee uun uu u soo qaadanaayay Markhaanti Hadalkiisa ah, sida xaqiiqada ah Muxaadaradanu kuma cusba inta Dacwada ku hawlan laakiin waxaa laga yaabaa inay ku cusbaato Dad kale oo fara badan, hadaba inta aynaan u guda gelin Qoraalka waxa haboon in aan is waydiino waa kuma Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani?


 
Waa kuma Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani?

Shiikh Calaama ah

 

Shiikha Calaamaha ahaa ee Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Wuxuu ka mid ahaa Culimada ugu waawayn Muslimiinta Casrigan cusub,waxana loo haystaa Shiikh Alalbaani inuu ahaa Culimada Xadiithka ee waawayn ee ku keliyaystay Cilmiga loo yaqaano Aljarax Watacdiil (ÇáÌÑÍ æÇáÊÚÏíá) ,Shiikh Alalbaani Wuxuu ahaa Xujo xaga Cilmiga Musdalaxa Xadiithka waxayna ka yidhaahdeen isaga Culimada Muxadithiinta ahi Wuxuu dib u soo celiyay Casrigii Ibnu Xajar Alcasqalaani, Xaafid Ibnu Kathiir iyo qayrkood oo ah Culimadii Cilmiga Aljarax Watacdiil

 

Dhalashadiisii iyo Barbaaristiisii

 

Wuxuu dhashay Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Bin Alxaji Nuux Alalbaani Sanadkii 1333h oo waafaqsan Sanadkii 1914m wuxuuna ku dhashay Magaalada Ashkodarah oo markaa ahaan jirtay Caasimadii Dowlada Albaaniya,Wuxuu ka dhashay Qows faqiir ah oo Ahlu Diin ah oo uu ku badnaa ama lagu yiqiinay Cilmiga,Aabihii Wuxuu ahaan jiray kay Dadku u noqdaan oo wax bara oo hanuuniya

 

Waxa uu u haajiray Shiikhu isaga oo Aabihii la socda ilaa iyo Dimishiq oo Shaam ah (Suuriya) si uu halkaa u dego si daa’im ah ka dib markii uu wadadii Islaamka ka leexday Axmed Ragu Boqorkii Albaaniya waqtigaa ee uu u weeciyay Wadankiisii xaga Xadaarada Reer Galbeedka ee Cilmaaniga ah

 

Waxa uu ku dhamaystay Alcalaamah Shiikh Alalbaani waxbarashadiisii hoose Dugsiga Aliscaaf Alkhayri oo ku yaala Dimishiq isaga oo ahaa ardaydii ugu saraysay natiijadii Imtixaanka ee Dugsigaa

 

Isaga oo tixgelinaaya Ra’yiga Aabihii ka qabay waxbarashada Dugsiyadaa Nadaamiga ah Diin ahaan ayuu Wuxuu goostay in aanu sii wadan waxbarashadiisii Dugsiga Nadaamiga ah oo aanu dhamaysan, Aabihii baa Wuxuu u dhigay Manhaj Cilmi ah oo xoog leh wuxuuna ku baratay oo Aabihii baray Quraanka Kariimka ah, Tajwiidka,Naxwaha iyo Sarafka,Fiqhiga Madhabta Xanafiga,wuxuuna ku dhamaystay oo ku khatimay Shiikh Alalbaani Gacanta Aabihii Xifdinta Quraanka Kariimka ee Riwaayadii Xafs can Caasim,Wuxuu kaloo  ka dhigtay Shiikh Saciid Alburhaani Kitaabka Maraaqii Alfalaax fii Alfiqhi Alxanafi (ãÑÇÞí ÇáÝáÇÍ Ýí ÇáÝÞå ÇáÍäÝí) iyo qaar Kutubta Luqada iyo Balaaqada ah,isla waqtigaa Wuxuu aad u ilaalin jiray oo iman jiray Duruusta iyo Nadawaatka uu bixin jiray Alcalaamah Bahjat Albaydaar

 

Wuxuu ka qaatay Aabihii oo ka bartay Mihnada ah Saacada samaynta aadna waa u bartay oo waa ku soo baxay ilaa uu ka mid noqday dadka ugu caansan ee Saacadaha samaya,wuxuuna ka kasban jiray Risiqiisa oo waa ku shaqaysan jiray,wuxuuna ka helay oo ay u sahashay Mihnadatanu inuu u helo waqti wanaagsan oo uu wax ku barto waxna ku aqristo,waxayna u suura gelisay hijradiisii uu ku tegay Shaam Aqoonta iyo barashada Afka Carabiga iyo inuu ka daalacdo oo ka barto Culuumta Sharciga ah Masdaradeeda Asliga ah

 

Amaantii ay ka yidhaahdeen Culimadu

 

Wuxuu yidhi Samaaxat Aliimaam Shiikh CabdulCasiis Ibnu Baas Allaah ha u naxariistee: maan ku arag Samada hoosteed Caalim Xadiith Casrigan aan joogno oo la mid ah Alcalaamah Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani.

 

Waxaa la waydiiyay Iimaam CabdulCasiis Xadiithka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ah  [Allaah tacaalaa Wuxuu u soo diraa Ummadatan boqolkii Sano oo kasta cid u cusboonaysiisa Arimaha Diinteeda] markaas ayaa waxaa la waydiiyay waa kuma Cusboonaysiiyaha Qarnigani? Wuxuuna yidhi Allaah ha u naxariistee: Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani waa Cusboonaysiiyaha Casrigan sida ay ila tahay Allaah baana og

 

Wuxuu yidhi Fiqhiigii Alcalaamah Iimaam Maxamed Binu Saalax Alcusaymiin isna: waxaan ka ogaaday Shiikha mararkii aan la kulmay isaga oo yarayd inuu aad isugu hawlo oo aad u ilaaliyo ku dhaqanka Sunnaha iyo la dagaalanka Bidcada, ha ahaato xaga Caqiidada ama Camalka ee, markaan aqriyayna Wuxuu Qoray ama Mu’alifaatkiisii waxaan ka ogaaday isla sidaas, wuxuuna u leeyahay Aqoon badan Xadiithka Riwaayad ahaan iyo Diraayad ahaanba, Allaah tacaalaana Wuxuu ku anfacay wixii uu qoray Dad badan xaga Cilmi ahaan iyo Manhaj ahaan iyo u jeedsashada Cilmiga Xadiithka, waxayna taasu u tahay Midha dhal wayn Muslimiinta walilaah Alxamdu, xaga se Taxqiiqaadka Cilmiga ah ee Xadiithka iyada iskaba daa

 

Alcalaamah Mufasirkii Maxamed Alamiin Ashanqiidi

 

Hadalkii Shiikh CabdulCasiis Alhadih: Alcalaamah Ashanqiidi Wuxuu waynayn jiray Shiikh Alalbaani waynayn la yaab leh, hadii uu arko isaga oo dhex soconaayaa markuu Duruusta ka bixinaayo Xaramka Madaniga ah waa uu u kici jiray isaga oo salaamaaya oo qaderinaaya oo waynaynaaya

 

Wuxuu yidhi Shiikh Muqbil Alwaadici: waxa aan ictiqaadsanahay oo Allaah ugu Diin qabaa in uu yahay Shiikh Maxamed Naasiru-Diin Alalbaani Allaah ha xafidee uu ka mid yahay Cusboonaysiinayaasha uu ku runoobay iyaga Hadalka Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee ah:

Geeridii Shiikha

 

Wuxuu geeriyooday Alcalaamah Alalbaani Maalintii Sabtida ee laba iyo labaatankii Jamaad Alaakhir Sanadkii 1420h oo waafaqsan labadii October 1999m waxaana la Aasay Salaatii Cishe ka dib, waxaana loo Aasay Shiikha si degdeg ah laba Arinood awgeed:

Tan kowaad: iyada oo la fulinaayay Dardaarankiisii sidii uu amray

Tan labaad: Maalmahaa ay ku soo beegantay Geerida Shiikhu iyo Maalmihii xigayba waxay ahaayeen waqtiga uu aad u daran yahay Kulku,markaa waxaa laga baqay hadii dib loo dhigo Aaska Shiikha Allaah  
 

ha u naxariistee in ay wax dhib ahi kala kulanto Dadka ka qayb gelya Jinaasada Shiikha ee ay haboon tahay in la dedejiyo Aasidiisa

 

Iyada oo aan cidna loo sheegin Geeridii Shiikha Allaah ha u naxariistee intii ay isku dhowaayeen mooyee si ay u maamulaan diyaar garayntiisa iyo Aasidiisa iyo marka lagu daro yaraanta waqtiga u dhexeeyay Geeridii Shiikha Allaah ha u naxariistee iyo Aasidiisa ayaa hadana waxaa yimi oo ku tukaday Jinaasadii Shiikha kumanaan Dad ah iyada oo ay Dadku isu sheegayeen in Qof walbaaba gaadhsiiyo Walaalkii
 
Runtii Shiikha Siiradiisa iyo Taariikhdiisa kuma soo koobi karo halkan Maqaalkan iyada oo uu Maqaalku sidiisaba u dheer yahay aad iyo aad Taariikhda Shiikhuna ay dheertahay,hase yeeshee iyada oo Siirada iyo Taariikhda Shiikhu tahay Dugsi aad u muhiim ah oo ay Cibrado badani ku jiraan ayaan waxaan ku diyaarshay iyada oo inta ka faahfaahsan Bog yar  oo aan anigu si gaar ah u  maamulo oo aan intii Allaah iiga yasiro aan ugu adeego Dacwada Islaamka ee saxeexa ah waayo Xikmad baa waxay tidhaahdaa "ha ka xishoon inaad bixiso wax yar in aanad waxbaba bixi baa ka yar ee"
 
Markaa waxaan ku ururiyay Maqaalo iyo Muxaadarado ay leeyihiin Culimo dhowr ah oo aan u arkay in wax badan laga faa'iidaysanayo iyo waxyaabo kale oo Dadku ka faa'iidi karaan Bogaa magaciisa waxaa la yidhaahdaa:
DOORASHO.Cinwaankiisuna waa sidan: www.doorasho.bravohost.com
 

 

Su’aal wayn oo aad u muhiim ah

 

Ciraaq, Falastiin iyo Afqaanistaan ma ku denbaabaynaa iska fadhigayaga ee aanaan waxbaba samaynin? Shiikh Alalbaani

 

 

Su’aal: waxaanu ognahay Shiikhayagiiyow Maalmahan in Islaamka lagala dagaalamaayo Dhulka oo dhan iyo in aanay wax Dan ah iyo Ihtimaam toona ka lahayn Xukuumadaha Islaamku taas, markaa maxaa nagala gudboon anaga Arintan? Mase ku denbaabaynaa iska fadhigayaga aanaan waxbaba samaynayn?

 

Jawaab: waxaa ka jawaabay Shiikh Maxamed Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee wuxuuna Ku bilaabay Hadalkiisii sida tan:

 

Allaah ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.

 

{Kuwii Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali cimraan: 102]  {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay acmaashiina} [Nisaa: 1].

{Kuwii Allaah diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab: 71&72].

 

Intaa ka dib: hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.

 

Intaa ka dib:

 

Wuxuu yidhi Shiikhu: Su’aasha waxaad moodaa sida daahirkeeda ka muuqata iyo Kelmedeheeda inay ka yartahay waxa looga jeedo, markuu leeyahay aanu fadhino oo aanaan waxbaba samaynin! Markaa Wuxuu uga jeedaa waxbaba ma aha waxbaba waxbaba ee Wuxuu u jeedaa 

Shay ama Arin gaar ah, waayo ma jirto cid haba yaraatee odhanaysa: waa in Muslimku u noolaadaa siday u noolyihiin Xooluhu oo aanu waxbaba samaynin, waayo waxaa loo abuuray arin aad u wayn waana in uu caabudo Allaah kelidii oo aanu u yeelin wax Shariik la ah, sidaas darteed baanay cidna Dihnigeeda ku soo dhacayn Su’aashan oo kale inuu uga jeedo “aanaan waxbaba samaynin” ee uu uga jeedo inaanu wax samayn ku haboon Dhacdadan ka hareeraysay Muslimiinta dhinac kasta, sidaas weeye Daahirka Su’aashu ee uu uga jeedo Waydiiyuhu ee maaha siduu ugu dhawaaqay Waydiiyuhu, sidaas baanuna kaga jawaabaynaa:

 

Hadaba sida uu yahay Wadciga Muslimiintu yahay Maanta kama duwana wax badan iyo wax yar toona sidii uu ahaa Wadcigii Dacwada Islaamka Cahadkeedii ama Waageedii kowaad, waxaan u jeedaa Waqtigeedii hore ee Makka, markaa waxaan leeyahay kama duwana Wadciga Dacwada Islaamku Maanta wax yar iyo wax badan toona siday ahayd Waqtigeedii kowaad waana Waqtigii Makka, waxaan dhamaanteen ognahay in kii Dacwada waday Maalintaas uu ahaa Nebigeenii Maxamed sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, waxan uga jeedaa Kelmedan inay Dacwadu ahayd mid lagala dagaalamaayay gudaha Qoomkii loo soo diray Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam Naftooda sida ku sugan Quraanka kariimka ah

 

Hadana markay bilowday Dacwadu inay fido oo ku balaadhiso Daa’iradeeda Qabiilooyinkii Carabta dhexdooda ayuu amray Nebigu sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam in laga hijroodo Makka oo loo hijroodo ilaa iyo Madiinah, dabcan hada waxaynu nimi Qalmaanta Madaxyadoodii, waayo Taariikhdii hore ee Islaamku iyo Siiradii Nebawiga ahayd ee hore waa mid ay yaqaaniin in badan oo halkan joogtaa, waxaana uga jeedaa guud markan kooban in aan ku gaadho u jeedada Jawaabta Su’aashaa

 

Sidaas darteed ayaan waxaan leeyahay: ka dib markuu u haajiray Nebigii sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam ee ay u raaceen Asxaabtiisii qaar ilaa iyo Madiinah oo uu ka bilaabay calayhi asalaatu wasalaam in uu dhigo Unugyadii samaynta Dawlad Muslimad ah ayaa halkaa Madiinah Almunawarah ay ka bilaabatay hadana Cadaawad cusub iyaga iyo Dacwadan cusub, hadana Madiinah gudeheeda iyada oo ay Dacwadu ku soo dhowaatay Saldhigii Nasaarad (Christians) waxayna ahayd Maalintaas Suuriya oo ahayd halkii uu deganaa Harakal oo ahaa Boqorkii Ruum. Halkaas ayaa waxay ay ku yeelatay cadaw cusub Dacwadii, maaha oo keli ah Carabtii Jasiirada Carabta bal hadana Nasaaradii Woqooyiga Jasiirada Carabta oo ahayd Suuriya, dabadeedna hadana waxa soo baxay cadaw kale oo ay yeelatay Dacwadii waana Faaris (Persia) markaas ayay waxay noqotay Dacwadii Islaamku mid lagala dagaalamaayo Jiha kasta, haday tahay Mushrikiintii Jasiirada Carabta, Nasaaradii, Yuhuudii darafyada qaarkood iyo dhinaca Faaris tii ay ka dhexaysay Cadaawada wayni iyada iyo Nasaarada sida loo wada og yahay Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa:

 

 {Waxaa jirtay waxay ahaayeen Faaris iyo Ruum Waqtigaas oo ahaa Waqtigii Allaah tacaalaa uu u soo diray Rasuulkiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam Diinta Islaamkuna soo degtay, inay ahaayeen labadaasu labada Dowladood ee ugu xooga waynaa Dhulka korkiisa, waxaana jirtay in ay ka dhexayeen Dagaalo iyo Isdilis sida ka dhex dhici jirtay Dowladaha isu dhigma, waxay ahaayeen Faaris Mushrikiin Dabka caabuda, Ruumna waxay ahaayeen Ahlul Kitaab ku abtirsada Kutubtii Towraat iyo Injiil, sidaasna waxay ugaga dhowaayeen Muslimiinta Faaris, markaas waxay jeclaayeen Mu’miniintu inay Ruum ka adkaadaan Faaris, Mushrikiintii Jasiirada Carabtuna waxay jeclaayeen inay Faaris adkaato, waayo waxaa ka dhexaysay oo ay isku bahaysanayeen Mushriknimada, waxana dhacday in Faaris ka adkaatay Ruum adkaan taas oo aanay ku gaadhin Boqortooyadoodii Ruum ee laakiin ay kaga adkaadeen Dhul dhow sida Ciraaq, Suuriya, Urdun iwm, taas ayay ku farxeen Mushrikiintii Makka, Muslimiintiina way ka tiiraanyoodeen markaas ayay Aayatani soo degtay oo Allaah uga waramaayo Mu’miniinta oo ugu Balanqaaday inay Ruum ka adkaan doonto Faaris Sagaal ama Sideed Sanadood ka dib iwm oo aan ka badnayn Toban 

kana yarayn Saddex Sanadood, waxaas oo dhamina waxay ku dhacayaan Doonistiisa Allaah tacaalaa tii hore iyo tan dambeba, waana Sunnihiisa tacaalaa ee aan cidna bedeli karayn }

 

 Maragu halkan Wuxuu yahay: in aynaan la yaabin Wadciga ay Dacwada Islaamku ku sugan tahay hada markaynu u eegno in dhinac walba lagala dagaalamaayo iyana sidan oo kale ayay ahayd Dacwada Islaamku markeedii hore ee ay bilaabantay hadan sidan oo kale ayaa dhinac walba loogala dagaalamaayay, sidaas ayaa waxaa inoogu imanaysa Su’aasha iyo Jawaabta maxaa la sameeyaa hadaba markay arintu sidan tahay? Muxuu samayay Nebigu sala Allaah calayhi wacaalaa Aalihii wasalam iyo Asxaabtiisii kuwaas oo ay ahayd tiradoodu Maalintaas mid aad uga yarayd marka loo eego tirada Muslimiinta Maanta, iyada oo ay noqotay tiradaasu Maanta mid badan badan aad iyo aad? Halkan ayay Jawaabtu ka bilaabmaysaa ee: miyay la dagaalameen Muslimiintu Carabtii ka soo horjeeday iyaga ee Qoomkooda ahaa Dacwada bilowgeedii? Miyay la dagaalameen Muslimiintu Nasaaradii markii u horaysayba? Jawaabtu waxaa weeye maya, maya kuwaas oo dhan Jawaabtu waa maya.

 

Hadaba Maxay samayeen Muslimiintii?

 

Inaga hada waxa inagu waajib ah inaan samayno waxay samayeen Muslimiintii hore si la mid ah aad iyo aad, waayo waxa inaga ina haleelay waa wixii iyaga haleelay, wixii ay ku daawayeen Masiibadoodii ayaa ah kan inagana inagu waajibka ah in aan ku daawayno Masiibadeena, waxaana u malaynayaa in hordhacanu uu dareensiinaayo intiina halkan joogta dhamaan Jawaabtii tilmaan ahaan waxayna ku ayidan tahay tilmaantanu tacbiir run ah, markaa waxaan leeyahay: waxaa ka muuqata Silsiladan Taariikhiga ah iyo Caqli galka isla markiiba in Allaah casaa wajalaa wax kale maaha ee uu ugu hiiliyay Mu’miniintaa hore ee ay ahayd tiradoodu mid aad uga yar marka loo eego Gaaladii iyo Mushrikiintii dhamaan iyo dhamaan Madhabahooda iyo Miladahoodaba ee Wuxuu ugu hiiliyay Allaah tabaaraka watacaalaa Iimaankooda.

 

Hadaba wixii ahaa Dawadii Maalintaa Cadaawadaa adkayd ee hareeraysay Dacwada ayaa ah isla Daawada loo baahan yahay in ay Muslimiintu Maanta qaataan si ay u xaqiijiyaan Midhaha is daawayntan siday u xaqiijisay Midhihii is daawayntaa hore, arintanu waxa weeye sida la yidhaahdo: Taariikhdii oo dib isu soo celisay, bal waxa ka khayr badan Hadalkaa in aan nidhaahno in Allaah casaa wajalaa uu Adoomihiisa iyo Koonkiisa uu abuuray oo uu nidaamiyay oo wanaajiyay nidaamintiisa uu taas dhamaanteed ka leeyahay Sunnan aan isbedelin oo aan bedelmayn [Taasu waa Sunnihiisa Allaah tacaalaa wax is bedel ahna kama aad helaysid Sunnihiisa Allaah tacaalaa, kamana heli doontid wax is bedel ah Sunnaha Allaah tacaalaa]

 

Sunnankan waxaa laabud ah inuu eego Muslimku oo u ilaaliyo sida xaqqa ah ee ay mudan tahay in loo ilaaliyo gaar ahaan wixii ka ah Sunnanka Sharciga ah. Waxaa jira Sunnan Sharci ah iyo Sunnan Koowni ah waxaana dhacda Maanta in la yidhaahdo Casrigan hada ah “Sunnan Dabeecadeed”, hadaba Sunnankan Koowniga ah ee ku saabsan Koonka waxa wada yaqaan oo Aqoonteeda ka wada qayb gelaaya Muslimka iyo Gaalkaba, kan wanaagsan iyo kan xunba, oo macnaheedu yahay maxaa keena in Insaanku noolaado Jidh ahaan? Waa Cuntada, Cabista iyo Hawada saafiga ah iwm. Hadii aanu Insaanku wax cunin, wax cabin iyo aanu qaadan Hawadaa saafiga ah macnaheedu wuxuu yahay Wuxuu u bandhigay Naftiisa Dhimasho, Dhimasho Maadadeed. Miyay suura gal tahay inuu noolaado hadaanu qaadan Sunnankan Koowniga ah? Jawaabtu waa maya, tan sidaan idhi hada waxa yaqaan Aqoon tajrubadaysan Insaan kasta, faraqna kuma kala laha Muslimka iyo Gaalku, kan wanaagsan iyo kan xuni, laakiin se hada tan aan uga jeednaa waa in aan ogaano inay iyana jiraan Sunnan Sharci ahaaneed oo ay tahay waajib in aan ogaano inay jiraan Sunnan Sharci ah kii qaataana uu gaadhaayo Bartilmaameedkiisa uuna goosanaayo Midheheeda, kii aan qaadanina magaadhaayo Bartilmaameedkii loo dhigay Sunnankaa Sharciga ah iyada aad iyo aad

 

Sidaynu nidhi xaga Sunnanka Koowniga ah hadii uu qaato Insaanku oo dabaqo Wuxuu gaadhayaa ujeedadiisii sidoo kale weeye Sunnankan Sharciga ahina hadii uu qaato Muslimku waxaa xaqiiqoobaysa ujeedooyinkii uu u dhigay Allaah tacaalaa Sunnankan awgood si ay u xaqiijisanto, hadaan se sidaasu dhicin ma xaqiijismayso, waxaan u malaynayaa in Hadalkaas la fahmaayo laakiin Wuxuu u baahan yahay xoogaa cadayn dheeraad ah, waana halka Hadalkeenu ku soo ururaayo, halkan ayayna ka bilaabmaysaa Jawaabta Su’aashaa aadka u muhiimka ahi. Dhamaanteen waxaan aqrinaa Aayaat Aayaatka Allaah casaa wajalaa ka mid ah bal Aayaatan waxaa dhacda in lagu qurxiyo Golayaasha qaarkood ama Gidaarada Guryaha qaarkood waana Hadalka Allaah tacaalaa.

 

{Tan Wuxuu amray Allaah tacaalaa hadii aan Allaah ugu hiilino raacitaan Diintiisa ah oo aan ku toosnaano oo fidino Dacwadeeda oo ugu yeedhno Ummadaha kale soo gelitaanka Diintan oo aan ku jihaadno Cadawgiisa oo ujeedada aan taas ka leenahay tahay Allaah dartiis uun, hadaan sidaas samayno Allaahna waa inoo hiilinayaa} waxaad arkaysaa Boodhadh lagu qoray Aayaatan oo lagu qoray Khad Dahabka oo kale ah oo qurux badan Khad Ruqca ah mid Faarasi ah iwm oo dabadeedna la sudho Gidaarada, waxaana ah wax aad looga xumaado in ay Aayatanu noqotay mid Gidaarada lagu qurxiyo ay se ka madhan tahay ku quruxinteeda Quluubta Muslimiintu, ma dhacdo in aan dareeno waa Maxay ujeedada Allaah tacaalaa ka leeyahay Aayatan! sidaas darteed ayaa Wuxuu noqday Wadciga Caalamka Islaamku Maanta mid ku sugan xasilooni daro iyo qalaq aan loo helin wax lagaga baxo ama Xal ah iyada oo uu Xalku ku xusan yahay in badan oo Aayaatka Quraanka Kariimka ah ka mid ah, Aayaatan aan kor ku xusnayna waxay ka mid tahay Aayaatahaa.

 

Hadii aan xusuusinay Muslimiinta Aayaatan waxan u malaynayaa in aan arintu u baahanayn sharax wayn iyo cadayn ee uun ay tahay xusuusin oo keli ah, Xusuustuna waxay anfacdaa Mu’miniinta uun,  dhamaanteen waxaan ognahay inshaa Allaah in Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa,  hadaad Allaah u hiilisaan ay tahay Shardi Jawaabtiisuna tahay {íäÕÑßã} waa idiin hiilin, siday u tahay Shardiga ah hadaad wax cuntaan, cabtaan iwm Jawaabteed waydin noolaan ama hadaydaan waxba cunin, cabin iwm maxaa dhacaya? Waydin dhiman weeye Jawaabtu, aad iyo aad sidaas oo kale weeye macnaha Aayaatan,  Mafhuumku Wuxuu yahay sida ay yidhaahdaan Asal raacu Mafhuumka ka gedisan, hadii aydaan Allaah u hiilin isna idiin hiilin maayo, kaas weeye Waaqica ay Maanta Muslimiintu ku sugan yihiin. Cadaynta Aayaatanu waxay ku timi Sunnaha in badan oo ah Nusuus Sharci ah, gaar ahaan ka mid ah Xadiithyada Nebiga, waxana la ogyahay oo aan wax wayn ahayn in Allaah aanu ula jeedin in aan u hiilino, in aan ugaga hiilino Cadawgiisa Ciidamadeena iyo Maraakiibteena iyo Xoogeena Maadad ahaaneed, maya maaha sidaas, Allaahna casaa wajalaa wuu ka adag yahay Arimihiisa umana uu qabo baahi in ay cidi u hiiliso hiilin Maadi ah, Arintanu waa mid layska wada yaqaanaa oo sharxaad uma baahna, sidaas darteed ayuu yahay macnaha,  een in aad raacdaan Xukumada Allaah iyo Shareecadiisa taas ayaa ah u hiilinta Allaah tabaaraka watacaalaa.

 

Ma oofiyeen Muslimiintu Shardigan oo ma ku dhaqmeen

 

Hadaba hada miyay ku kaceen Muslimiintu Shardiga kan? Miyay ku kaceen Waajibkan ugu horayn? Dabadeedna waa Shardi lagu xaqiijinaayo Hiilinta Allaah ee Muslimiinta tan labaad? Jawaabta mid kasta oo idinka mid ahi waxa weeye kuma kicin Muslimiintu in ay u hiiliyaan Allaah casaa wajalaa, waxaana doonayaa in aan xuso halkan Kelmed, hadana xusuus ahaan ee maaha tacliin ahaan ugu yaraan qaar inta halka joogta, in guud ahaan Muslimiintu Maanta ay iskaga jeesteen Aqoonta ama ogaanshaha Diintooda iyo inay bartaan Axkaamta Diintooda, markaa intooda badani waxba kama yaqaanaan Islaamka, kuwa badan ama in badan oo ka mid ahina haday wax ka bartaan Islaamka waxa ay bartaan maaha Islaam xaqiiqi ah ee waxay bartaan Islaam Munxarif ka ah ama ka leexsan kii uu ku sugnaa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi

wacalaa Aalihii wasalam iyo Asxaabtiisii sidaas darted  Hiilka Allaah ee loogu balanqaaday cidii Allaah u hiilisa Wuxuu ku xidhan yahay inuu Aqoon u leeyahay Islaamka ugu horayn, Aqoon saxeex ah sida ku yimi Quraanka iyo Sunnaha dabadeedna ku camal falo isaga tan labaad, waayo hadii kale Aqoontaasu isaga ayay Dhib ku noqonaysaa siduu yidhi tacaalaa,  {kuwii Allaah iyo Diintiisa rumayayow maxaad u tidhaahdaan khayrka oo ugu dhiiri gelisaan idinka oo aan idinku  samaynayn oo aad u nahyidaan sharka oo uga fogaysaan Naftiina idinka oo Gacmaha kula jira oo ku sifaysan, miyay ku haboon tahay Xaaladan xumi Ruuxa Mu’minka ah, Allaah xagiisa waxaa ugu Cadho iyo Karaahiyo badan in Adoonku yidhaahdo wax aanu samaynayn, sidaas waxaa la rabaa inuu kan khayrka amrayaa noqdo kan ugu horeeya ee ku dhaqma, kan sharka ka digaayaana ama nahyiyayaana uu noqdo kan ugu horeeya ee ka fogaada }

 

Hadaba markay sidaas tahay arintu waxaynu u baahan nahay in aan barano Islaamka iyo inaan ku camal falo Islaamka, markaa waxaan doonayaa in aan xuso sidaan hada idhi waxa weeye in sida caadada ah Dadyowga Muslimiintu Maanta ay dusha ka saaraan Canaanta oo dhan sababta keentay waxan ku daxalaystay Muslimiinta dhamaan ee ah Duli iyo Ceeba Madaxdooda, inay Canaanta dusha ka saaraan Canaanta oo dhan Madaxdooda ee aan u hiilinayn Diintooda, waxaana ah wax laga xumaado inay sidaas yihiin Madaxdaasu, uma ay hiilinayaan Diintooda uma ay hiilinayaan Muslimiinta ay duleeyeen kuwa Gaalada ugu waawayn ee ah Yuhuuda iyo Nasaarad iyo qayrkoodba, waa kaa curfka taagan Maanta Muslimiinta dhexdooda, in dusha laga saaro Canaanta canaanta oo dhan Madaxda iyada oo sidaas tahay! Ayaad waxaad moodaa in aan Shacabku waxba ku lahayn Canaanta ay ujeedinayaan Madaxda! Xaqiiqaduna waxay tahay in Canaantanu dusha ka saran tahay dhamaan Ummada mid Madax ah iyo mid Madax loo yahayba ee maaha kuwaas oo qudha, bal halkaa waxaa jira Koox ka mid ah kuwaa canaananaya Madaxda Muslimiinta sababta ah in ay ku kici waayeen in ay dabaqaan Axkaamta Diintooda, wayna ku gar leeyihiin Canaantan, laakiin! Iyaga laftoodu waxay khilaafeen oo baal mareen Hadalka Allaah tacaalaa: {Åä ÊäÕÑæÇ Çááå} waxaan u jeedaa waa isla Muslimiinta canaananaya Madaxda ee marka ay iyaga Canaanta ku koobayaan oo ku gaar yeelayaan waxay khilaafeen Axkaamta Islaamka,

 

Markay doonayaan inay maraan Dariiq ay ku bedelaan Wadcigan tiiraanyada leh ee ku habsaday Muslimiinta ay u maraan Dariiq khilaafsan Dariiqii Rasuulka sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, waa marka ay iclaaminayaan oo ay Gaalaysiinayaan Madaxda Muslimiinta taas ugu horayn! Oo hadana ay iclaaminayaan in laga horyimaado oo daacadooda laga baxo tan labaad! Oo ay halkaa ka dhacdo fidnad Indha la’aan, Maqal la’aan iyo Hadal la’aan ah oo ay ku gaysteen Gacmahooda Muslimiintii Naftoodu, iyada oo ay Muslimiintii qaarba qaar ka goosteen oo ay kala baxeen, waxaana ka mid ah kuwaa aan tilmaamay iyaga ee u malaynaaya in bedelista Wadcigan Dulinimada ah ee ku habsaday Muslimiinta in lagu bedeli karaayo Madaxda oo daacadnimadooda laga baxo, dabadeedna iskuma taagto arintu Mushkiladan oo keli ah ee way sii balaadhataa sii balaadhataa ilaa uu noqdo khilaafku mid dhexdooda yimaada Muslimiinta Naftooda! Oo uu noqdo kii Madaxda ahaa isagu mid debeda ka ah khilaafkan dambe.

 

Wuxuu ka bilaabmay khilaafku iyada oo ay buunbuuniyeen oo xagjirnimo ku muujiyeen qaar Islaamiyiinta ahi daawaynta Waaqican xanuunka badan inay laabud tahay in lala dagaalamo Madaxda Muslimiinta si loo hagaajiyo Wadcigan! In yar ka dibna waxay arintiiba isu rogtay in Muslimiintaasu ay is qabsadeen oo is khilaafeen Muslimiin kale oo u arka in daawaynta Waaqican xanuunka badani aanay ahayn Madaxda oo u daacadnimadooda laga baxo in kasta oo qaar badan oo ka mid ahi istaahilaan in laga baxo! Sababta oo ah wax kuma xukumaan wixii Allaah tacaalaa soo dejiyay, hase yeeshee miyay noqonaysaa daawadu sida ay ku andacoonayaan Dadkaasu, miyay noqonaysaa suulinta waxan Muslimiinta haleelay ee ay gaadhsiiyeen Gaaladu in aan ka bilowno in aan Maxkamad saaro Madaxda Wadamada Islaamka ee Muslimiinta ah? In kasta oo aan qaarkood u ictibaari karo Muslimiin Guqraafi ahaan (Geographicaly) uun sida la yidhaahdo Waqtigan hada ah.

 

Dhibtan si aan wax uga qabano xagee ka bilownaa?

 

Halkan ayaanu leenahay anagu,  (Waxaa waraab geeyay Sacad, Sacadna waa iska hulaaban yahay maaha sidaa Sacadow in loo waraabiyo Geela)waxaan shaki ku jirin in mowqifka Cadawga Islaamku uu yahay mid soo jireen ah waana Yuhuuda, Nasaarada iyo Mulxidiinta ku sugan debeda Wadamada Islaamka ayaa ah kuwa aad uga wax yeela badan shaki la’aan qaar Madaxdaa aan tix gelin oo yeelin rabitaanka Muslimiinta ee ah inay ku xukumaan wixii Allaah soo dejiyay, markaa Maxay yeeli karaan Muslimiintaasu? Waxaan u jeedaa daraf ama dhinac iyaga ka mid ah waana kuwa iclaaminaaya in lala dagaalamo Madaxda ka mid ka ah Muslimiinta, Maxay kari karaan inay samayaan kuwaasu hadiiba ay ahaan lahayd in laga baxo Madaxdu Waajib ka hor intaynaan bilaabin in aan hagaajino Nafaheena inagu?! Sidii uu ahaa daawayntii uu ku bilaabay isaga Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, kuwaas ma kari karayaan inay wax samayaan haba yaraatee, Waaqica aan ku jirnaana waa Daliilka ugu wayn taas, iyada oo ay daawaynta ay raacayaan oo ah inay ku bilaabaan la dagaalanka Madaxda Muslimiinta aanu dhalayn Midhaha laga rajaynaayo

 

Waayo Ciladu waxa weeye sidaan hada idhi maaha Madaxda oo keli ah bal iyo kuwa la xukumona. Hadana waxaa la gudboon dhamaan inay Nafahooda hagaajiyaan, Hagaajintaasuna waxay leedahay Baxas kale oo aanu ka hadalay marar badan kuna celcelinay waxaana ka hadli doonaa goordhow inshaa Allaah. Hada waxaa muhiim ah Muslimiintu dhamaantood waxay isku waafaqsan yihiin inay Xaaladoodu aad u liidato oo Dhibta haysataa badan tahay bal Dulinimada iyo Ceebta ay Maanta ku sugan yihiin maaha mid weligeed soo martay Islaamka, hadaba si aynu wax uga qabano xagee ka bilownaa? Ma waxa aynu ka bilownaa la dagaalanka Madaxda Muslimiinta?! Mise Wuxuu noqonayaa bilowgu la dagaalanka Gaalada dhamaan Wadan kasta?! Mise Wuxuu noqonayaa bilowgu la dagaalanka Nafta xumaanta ku farta? Halkan ayaa ah waajib in laga bilaabo taas waayo Nebigii sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam Wuxuu ka bilaabay hagaajinta Nafaha Dadkii Muslimiinta ee loogu yeedhay Bilowgii Dacwada Islaamka sidaan soo xusnay Hadalkan horaantiisii.

 

Waxay ka bilaabantay Dacwadu Makka hadana waxay u wareegtay ilaa iyo Madiinah, hadana waxaa bilaabantay is tuur tuurkii Gaalada iyo Muslimiinta iyo hadana Muslimiintii iyo Ruum iyo hadana Muslimiintii iyo Faaris iwm! Sidaan nidhi hada Taariikhdii baa Nafteedii dib isu soo celisay, markaa hada waxaa la gudboon Muslimiinta oo ay tahay in ay Allaah u hiiliyaan si ay u daawayaan Waaqican xanuunka badan, ee maaha inay ka daawayaan dhinac aan dhalayn Midhihii laga rajaynaayay isaga, waa hadii ay kari karaan inay ku kacaan ee, muxuuna yahay Dhinacaasu? Waa la dagaalanka Madaxda ee wax ku xukumaaya waxaan Allaah soo dejin! Taas ugu horayn, sidaan hada idhi waxaa laabud ah in aan halkan in yar isku taagno, waxaana leeyahay ma kari karo Maanta in lala dagaalamo Madaxda waxayna tahay taasu in Madaxdaasu haday ahaan lahaayeen Gaalo sida Yuhuuda iyo Nasaarada ma kari karaan Muslimiintu Maanta in ay la dagaalamaan Yuhuuda iyo Nasaarada?

 

Jawaabtu: waa maya, markaa arintu waxay tahay aad iyo aad siday ahaayeen Muslimiintii hore Waqtigii Makka, waxay ahaayeen kuwa jilicsan oo daciifiin ah oo la dulaysan jiray dhinac walba lagala dagaalamaayay oo la laynaayay, waayo?! Waayo waxay ahaayeen kuwa daciif ah oo aan lahayn wax Xeelad ah iyo wax xooga toona oo aan ahayn Iimaanka ku sugnaa Laabahooda sababta ah in ay raaceen Dacwadii Nebigooda sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, raacitaankan iyo inay u sabreen dhibkii lagu hayay ayaa ahaa kii dhalay Midhihii la filaayay ee aynu inaku Maanta hiigsanayno, hadaba waa maxay Wadada aan ku gaadhi karayno Midhahaas? Waa isla Wadadii uu maray Rasuulku calayhi salaatu wasalaam maca Asxaabtiisii karaamada lahayd. Markaa Maanta ma kari karaan Muslimiintu inay la dagaalaamaan Gaalada Baadinimadooda kala gedisan ee maxaa la gudboon?

 

Waxaa la gudboon inay rumayaan Allaah iyo Rasuulkiisa si dhab ah, hase yeeshee Muslimiintu Maanta siduu yidhi Rabiga Caalamiinku, {hase yeeshee intooda badani ma garanayaan} Muslimiintu Maanta waa magac ee maaha Muslimiin dhab ah! Waxaan idiin malaynayaa inaad ila dareensantihiin ujeedada diidmadatan, hase yeeshee waxaan idin xusuusinayaa hadalka Allaah tacaalaa ee ah.

 

{Waxaa foosay oo liibaanay Mu’miniinta oo ah kuwa Allaah rumayay oo rumayayna Rasuuladii Allaah soo diray ee Salaadooda u guta si khushuuc leh oo Qalbigoodu joogo oo og in uu Allaah tacaalaa hor taagan yahay, taas ayaa Qalbiga ku degaysa oo Naftu ku xasilaysaa dhaqdhaqaaqiisuna ku degi oo jeed jeedsadkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisuba ku joogsan isaga oo aadaab isu taagaaya Allaah hortiisa, ee ka jeedsada oo iska dhaafa  Hadalka aan khayrka iyo faa’iidada tooni ku jirin, ee ka bixiya Xoolahooda Zakada oo u bixiya sidii Allaah amray siiyana cidii uu u amray in la siiyo, ee ka ilaaliya Ferjiyadooda Xaaraanta yacni Sinada, oo aan ahayn kuway is qabaan ama ay leeyihiin lahaansho kaamil ama buuxda taas kuma eedaysana, hadaba cidii doonta wax ka baxsan kuwa ay is qabaan ama cida ay leeyihiin kuwaas baa ah kuwa xadgudbay oo Daalimiin ah ku xadgudbay wixii Allaah ka xaaraamayay oo ku dheereeyay wixii Allaah ka xaaraamayay } xadgudbay yacni Daalimiin ah

 

Hadii aan markaas soo qaadano Sifooyinkan oo keli ah oo aynaan u dhaafin Aayaatkan ay ku jiraan Sifooyinkanu ilaa iyo Aayaat kale oo lagu xusay qaar Sifaatka Mu’minka ee aan lagu xusin Aayaatkan oo dhamaantoodba ku soo biya shubanaaya ku dhaqanka Islaamka, markaa ciday ku xaqiijisanto oo ku dhabowdo Sifaatkan lagu sheegay Aayaatkan aan hada soo aqrinay iyo Aayaatka kale, kuwaas ayaa ah kuwii uu yidhi Allaah casaa wajalaa ee ku sheegay iyaga,  {waa kuwa ku sifoobay Sifaatkaas ayaa dhab ahaantii ah Mu’miniin waayo waxay ku kulmiyeen Nafahooda Islaamkii iyo Iimaankii, Camalkii Baadinka ahaa iyo kii Daahirka ahaa, Aqoontii iyo Camalkii, gudashada Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Adoomaha, Allaah tacaalaa Wuxuu ka hormariyay Camalka Qalbiyada waayo waa Asalka Camalka Xubnaha wayna ka sii mudan tahay waxaana ku sugan Daliilka in Iimaanku kordho oo naaqusmo, Wuxuu ku kordhaa falista Daacadaha wuxuuna ku naaqusmaa falista wixii taas ka soo horjeeda }

 

Markaa ma aynu nahay Mu’miniin dhab ah?! Jawaabtu waa maya, hadaba markaa Walaalayaal waxba ha is wareerinina! Waxaynu nahay Maanta kuwa tukada oo Musaliyiin ah, sifadatan uu Allaah ku sheegay Aayaatkii aan hada soo aqrinay: hadaba ma nahay kuwa,  khushuucsan markay Salaada tukanayaan? Kama aan hadlaayo Qof, Labo, Shan, Toban, Kun, Laba Kun, maya, waxaan ka hadlayaa ugu yaraan Muslimiinta is waydiinaaya waa Maxay Xalka lagu daawaynayo Dhibtan ku habsatay Mu’miniinta? Uma aan jeedo kuwaa Muslimiinta ah ee iskaga dhex jira Lahwiga ee Faasiqiinta ah ee aan wax dan iyo heela toona ka lahayn Aakhiradooda ee ay uun ay khusayso oo ku mashquulsan Shahwaatkooda iyo Caloolahooda, maya waxaan ka hadlayaa Muslimiinta tukata ee Musaliyiinta ah, markaa ma yihiin kuwaas Muslimiinta ahi kuwa ku sifoobay Sifaatkan lagu sheegay horaanta Suuratu Almu’minuun? Jawaab: Jamaacad ahaan, Ummad ahaan waa maya. Hadaba: waxaad rajaynaysaa in aad badbaado Dariiqeediina ma aadan marin, Doontuna kuma orodo Dhulka korkiisa

 

Waxa laabud ah in la qaato sababaha Sunnanka Sharciga ah

 

Markaa waxaa laabud ah in la qaato sababaha ah ee ka mid ah aad iyo aad Sunnanka Sharciga ah ka dibna Sunnanka Koowniga ah si uu inoo ka qaado Rabanaa casaa wajalaa Dulinimadatan

inagu daxalaysatay dhamaan. Anigu waxaan sheegay Sifooyinka ka mid ka ah Sifaatka Mu’miniinta ee lagu sheegay horaanta Suuratatan, laakiin waxaa jira Xadiithyo Nabawi ah oo aanu xusuusino Walaalahayo weligayoba oo lagu sheegay Xaalka ay ku sugan yihiin Muslimiintu Maanta, iyagu hadii ay xusuusan lahaayeen Xadiithkan waxay ku noqon lahayd Caar iyaga in ay is waydiiyaan muxuu inoogu habsaday ama muxuu inoo haleelay Duliganu?! Waayo iyagu waxay ka qafilmeen oo aanay ogayn in ay khilaafeen Shareecada Allaah, Xadiithyadaa waxaa ka mid ah Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam,  [Hadii aad wax ku kala iibsataan Ciinada oo ah nooc ka mid ah Ribada laakiin Muslimiintu ay iska xalaalaystaan iyagoo magaca bedelaaya, oo uun qabsataan Dabada Lo’da yacni aad ku mashquultaan Xoola dhaqasho oo aad ilowdaan Waajibaadkii idinka saaraa Diinta, oo ku raali noqotaan Beer falasho yacni Beer falis, Xoola urursi oo ah wax Beri iska burburaaya oo aydaan ku waarayn aad kaga mashquultaan Aakhiradiina, oo aad ka tagtaan oo iska daysaan Jihaadka loo gelaayo Allaah dartii, arimahaas oo dhami waa tusaale ee maaha kuwa keli ah ee ay sakradeen Muslimiintu, markaad yeeshaan sidaas Allaahna subxaanahu watacaalaa Wuxuu idinku salidayaa Dulinimo aanu idinka dul qaadayn ilaa aad ku noqotaan Diintiina]

 

Xadiithkanu Waxan ka hadlay in badan oo aad iyo aad u badan waxaan kaga hadlay Munaasibado, waxaana hada isku taagayaa oo keli ah Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam, Ciinadu waa nooc ka mid ah Camalada Ribada ah, mana aan doonaayo inaan sii dhex galo hada taas, ee waxaan leeyahay miyuu idinku jiraa mid ka jaahil ah inay Muslimiintu ku macaamilaan noocyo Ribada ka mid ah iyo Baanankan Ribada qaata ee meel kasta oo Wadanka ah ka jira dhamaan Wadamada Islaamka oo ay ictiraafsan yihiin oo og yihiin dhamaan Xukuumadaha ka taliya Wadamad Islaamku. Waxaan ku noqonayaa oo odhanayaa maaha oo keli ah Madaxda ee bal kuwa la xukumona ama aan idhaahdo Shacabka ee waayo kuwaa la xukumaa waa kuwa la macaamilaaya Baanankan waana kuwa hadii lala falanqayo oo la yidhaahdo iyaga:

 

 Waxaad ogtihiin inay Ribadu xaaraan tahay arintuna siduu yidhi calayhi salaatu wasalaam,  [Dirham Riba ah oo uu Qofku cuno ayaa xaga Allaah casaa wajalaa kaga daran ama kaga adag lix iyo sodon goor oo Zina ah – waxaa xusid mudan in aan loo qaadan halkan in Zinadu sahal tahay bal Zinadu waa Denbi aad u wayn Qofkuna uu ku mudanaayo Cadaab aad u xanuun badan, laakiin halkan waxaa looga jeedaa Xumaanta wayn iyo Denbiga wayn ee ku jira Ribada] hadaba iyada oo ay sidaas tahay maxaa Walaal aad ugu macaamilaysaa Ribada?!  Wuxuu ku odhanayaa maxaad dee hadaa rabtaa in aan samayno, waxaanu rabnaa in aan noolaano ee!! Markaa hadaba Cilaaqadu lam laha cilaaqad Madaxda ee waxay la leedahay cilaaqad Madaxda iyo kuwa la xukumoba ama Shacabka, kuwa la xukumo sida arintooda xaqiiqadeedu tahay waxa ku haboon kuwaa sidoo kale kuwa Madaxda ah, sida ay yidhaahdaana: “ Dirxiga ku jira Khalka isaga ayuu ka yimi isaguuna ka mid yahay”, Madaxdaasu inkagama soo degin Xidigta la yidhaahdo Mariikh!! Ee inaga ayay inaga soo dhex baxeen waana inaga mid, markaa hadii aynu doonayno in aan hagaajino Owdaacdeena waa in aanay taasu noqon in aan iclaamino Dagaal bilaa macna ah oo aan ku qaadno Madaxda oo aynu ilowno Nafteena iyada oo ay Mushkiladu inaga inaka timi oo ay inaga mid tahay iyada oo ay Mushkiladu ka jirto Aduunka Islaamka oo dhan

 

      Waa in ay Muslimiintu ku noqdaan Diintood

 

Sidaas darted waxaanu ku waaninaynaa Muslimiinta in ay ku noqdaan Diintooda, waana inay dabaqaan waxay ka ogaadaan ama ka bartaan Diintaa, Maalintaas ayaa ay dhacaysaa, {Maalintaas ayay ku farxi doonaan Mu’miniintu Hiilka Allaah u hiiliyo iyaga} dhamaan Mushkiladaha jira Maanta ee ay u xamaasadaysan yihiin Dhalinyarada qaar oo ay leeyihiin maxaa la qabtaa?! Hadii aan odhan lahayn waxa Dhinacyadeen ah Musiibo ee ku habsatay Aduunka Islaamka iyo Aduunka Carabta! Waana qabsashada Yuhuuda ee Falastiin ama odhan lahayn Dagaalka ay kula jiraan Saliibiyiinta (Christans) Ereteria, Somalia, Bosnia iyo iyo ilaa aakhirkeeda Wadamada la wada yaqaano. Mushkiladahan oo dhan ma suura gelayso in lagu daawayo Caadifad ee waa in lagu daaweeyo Cilmi iyo Camal, {Waxaad ku tidhaahdaa samaya ama fala, waana arkayaa Allaah Camaladiina, sidoo kale waxaa arkaaya Camaladiina Rasuulkiisa iyo Mu’miniintuba, waxaana laydiin celinayaa xagiisa Allaaha og wixii maqan ama qarsoon iyo waxa muuqdaba ama jooga, wuuna idiinka warami doonaa markaas waxaad fali jirteen ee ah khayr iyo sharba markaa Taxdiirtan iyo Waciidkan adag waxay ku socotaa cida ku sii socota}

 

Hada aan isku taagno Bartan, ku dhaqanka Islaamka Maanta ee Saaxada Islaamka Wuxuu leeyahay Wejiyaal badan oo aad u badan iyo Jamaacado iyo Xisbiyaal kala gedisan, sida xaqiiqada ahna Xisbiyadanu waxay ka mid yihiin Mushkilada Aduunka Islaamka ee sii waynaanaysa, Mushkiladu way ka badan tahay siday qaarkood u arkaan, qaarkood waxay arkaan in Mushkiladu tahay qabsashada Yuhuuda ee Falastiin, Mushkiladuna waxay tahay wixii aan hada soo sheegnay ee maaha la dagaalanka Gaalada ee Wadama badan oo Islaam ah iyo Ahalkooda- maya. Anagu waxaanu leenahay: Mushkilada wayni wayni waa kala qaybsanaanta Muslimiinta, Muslimiinta Naftoodii baa u kala qaybsan Shiicado iyo Axsaab taas oo khilaafsan Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa,

 

{Ha ka mid noqonina Mushrikiinta kuwii ku kala tegay Diintooda oo ku kala qaybsamay iyada oo ay Diintu tahay mid keli ah waana Caabudaad oo aan loo badhax yeelin Allaah kelidii, waxayna noqdeen Kooxo mid waliba ku heelan tahay u hiilinta Baadilka ay haystaan, Koox kasti wixii ah Culuum ee khilaafsan Culuumtii Rasuulada ayay ku faraxsan yihiin oo ay u xukumayaan Nafahooda in uu Xaqq yahay iyo in qayrkood ku sugan yihiin Baadil, arintana waxaa ugu sugan Muslimiinta Digniin in aanay ku kala tegin oo u qaybsamin Kooxo, oo Koox waliba ku tacasubto wixii ay haystaan ee Xaqq iyo Baadilba ah, oo ay sidaas ku noqdaan kuwa shabahay Mushrikiinta xaga kala tegista iyo Kooxaysiga, ee bal Diintu waa mid keli ah, Rasuulkuna waa mid keli ah, Ilaahuna waa mid keli ah}

 

Hadaba hada Kooxaha Islaamka ah ee isku khilaafsan Dariiqada lagu daawaynaayo Mushkiladan ay ka ashkatoonayaan dhamaan Kooxaha Islaamku, waana Dulinimada ku daxalaysatay Muslimiinta, iyo sidee weeye Dariiqada lagaga bixi karaa? Hada waxa jira Dariiqyo, Dariiqada Kowaadna: waa Dariiqa ku dayashada mudan ee aan lahayn mid labeeya, waana tan aanu ku yeedhno iyada had iyo jeer iyo weligayoba, waxayna tahay in la fahmo Islaamka faham saxeex ah iyo in la dabaqo fahamkaa saxeexa ah laguna rabayo Muslimiinta Islaamkaa Saafiga ah, taas weeye Sunnihii Rasuulku sala Allaahu calayhi wacalaa Aalihii wasalam, sidaanu soo sheegnay ama sheegi doono weligayoba, Rasuulkii Allaah Wuxuu ka bilaabay Asxaabtiisii inuu ku hanuuniyo Iimaanka Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu baray Axkaamta Islaamka, waxayna uga ashkatoon jireen isaga wixii ka soo gaadhay Dulmiga Mushrikiinta iyo Cadibaadihii ay u gaysanaayeen,

 

 

Wuxuuna ku amri jiray in ay sabraan, Wuxuu ku amri jiray inay sabraan! Tan waa Sunnaha uu Allaah ka leeyahay Khalqigiisa in uu la dagaalamo Xaqqu Baadilka, in ay la dagaalamaan Mu’miniintu Mushrikiinta iyo sidaas oo kale, Dariiqada kowaad ee lagu daawaynaayo arintan Waaqica ahna waxaa weeye Cilmi waxtar leh iyo Camal wanaagsan, isla halkaa waxaa jira Dhaqdhaqaaqyo iyo Dacwado kale dhamaantoodna waxay ka siman yihiin in ay khilaafsan yihiin Dariiqada Kowaad ee ku dayashada mudan ee aan lahayn mid ku laba ah, waxayna tahay toodu in hada Islaamka Dhinac layska dhigo! Xaga Waajibnimada fahamkiisa! Iyo xaga Waajibnimada ku camal falkiisa isaga! Arintu hada way ka wayntahay arintan! Waxayna tahay hada inaan isugu nimaadno oo ku midowno la dagaalanka Gaalada!! Subxaan Allaah sidee ayay u suura gelaysaa in aan la dagaalano Gaalada Hub la’aan?!

 

 

    Ma Hub la’aan baan ku dagaalanaa mise Hub?

 

Qof kasta oo leh in yarna ha ahaatee wax Caqli ah wuu og yahay in hadaanu haysan Hub Maadi ah aanu kari karin in uu la dagaalamo Cadawgiisa hubaysan, maaha Hub Maadi ah oo keli ah bal Hubab Maadi ah! Hadaba haduu doono in uu la dagaalamo Cadawgiisaa hubaysan isaga oo aan hubaysnayn maxaa lagu odhanayaa? Ma la dagaalan adiga oo aan hubaysnayn? Mise isa soo hubay horta dabadeedna dagaalan? Wax khilaaf ahi kuma jiro Su’aashan in ay Jawaabtu tahay: is hubay dabadeedna dagaalan, taasu waa dhinaca Maadiga ah, laakiin Dhinaca Macnawiga ah arintu waa ka muhiimsan tahay wax badan tan, hadii aynu doono in aynu la dagaalano Gaalada, inooma ay suura gelayso in aynu kula dagaalano Gaalada in aan Dhinac iska dhigno Islaamka, waayo taasu waxay khilaafsan tahay wixii uu amray Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu Mu’miniinta sida ku sugan sida Aayaat badan oo ay ka mid tahay Hadalkiisa subxaanahu watacaalaa:

 

{Wuxuu ku dhaartay tacaalaa Casriga oo ah sida loo badan yahay Habeenka iyo Maalinta oo ah Waqtiyada Ficilada Adoomaha iyo Camaladoodu dhacaan, in Insaanka oo dhami uu ku sugan yahay khasaare aan ka ahayn Cida ku sifowda Sifaatkan afarta ah: Tan kowaad: kuwa rumayay wixii uu Allaah amray in la rumayo mana noqonayso Rumayntu Cilmi la’aan bal waa farac ka mid ah oo aanay dhamays tirmayn iyada oo lagaa helo maahee, Tan labaad: fala Camala wanaagsan, kanu Wuxuu koobayaa Ficilada khayrka ah dhamaantood mid daahir ah iyo mid baadin ahba ee ku saabsan Xaqqa Allaah iyo Xaqqa Adoomihiisa mid Waajib ah iyo mid Mustaxab ahba, Tan saddexaad: Xaqqa oo laysugu dardaarmo oo ah Iimaanka iyo Camalka wanaagsan yacni qaarkoodba waxay ugu dardaarmayaan qaarka kale wayna isku dhiiri gelinayaan oo is jeclaysiinayaan isaga, Tan afaraad: waxay isugu dardaarmayaan in laysugu sabro Daacada Allaah iyo ka sabirka Macsiyada Allaah iyo ku sabirka Qadarada Allaah ee xanuunka badan, labada arimood ee hore Wuxuu u dhamaynayaa Insaanku Naftiisa, labada dambena Wuxuu u dhamaynayaa qayrkiis, dhamaana afartaa arimoodna Wuxuu kaga nabad gelayaa Insaanku khasaare, wuxuuna ku guulaysanayaa Ribix aad u wayn}

 

Inagu Maanta shaki la’aan waxaan ku suganahay Khasaare  waayo?! Waayo ma aynu qaadan Wuxuu Allaah casaa wajalaa ku sheegay ee ah ka reebitaanka markuu leeyahay:  inagu hada waxayn leenahay Allaah ayaan Aaminay iyo Rasuulkiisii, hase yeeshee! Markaynu ugu yeedhno Muslimiinta is koox kooxeeyo ee Qolaba meel isku urursatay ee isku bahaysta khilaafida Dacwada Xaqqa ah, markaynu ugu yeedhno ku noqoshada Kitaabka iyo Sunnaha, waxay odhanayaan taas aynu Dhinac hada iska dhigno! Arintu waa ay ka wayntahay! Oo waxa hada taagan in aan la dagaalano Gaalada! Waxaanu leenahay ma Hub baanu kula dagaalanaa mise Hub la’aan?! Waxaa labud ah inaan haysano laba Hub,

 

Hubka kowaad: waa Hubka Macnawiga ah, waxayna leeyihiin hada Dhinac inaga dhiga Hubka Macnawiga ah! Oo qaata Hubka Maadiga ah! Hadana ma jiro Hub Maadi ahi!! Waayo kanu maaha mid aan kari karo sababta oo ah Wadciga aan ku suganahay hada oo ina xukumaya, maaha oo keli ah Gaalada ina kaga hareeraysan Dhinac kasta bal iyo Madaxda qaarkeed ee ina xukuma! Markaa maynu kari karayno Maanta iyada oo aynu Sanka kaga tolanahay in aan qaadano ku diyaar garowga Hubka Maadiga ah, kan ma kari karayno- waxaanu leenahay: waxaanu doonaynaa in aan ku dagaalano Hubka Maadiga ah! Taasna ma jirto Dariiq loo maraa, Hubkii Macnawiga ahaana ee Gacanteena ku jiray:

 

{Baro oo ogow in aanu jirin Ilaah xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah subxaanahu watacaalaa, waxaa laabud ah in Garashada ama Cilmiga taas ay ku degto Qalbiga oo ku sugnaato macnuhuna waxa weeye wixii lagaa dalbaday Garashadeed dhamaystirkiisu waxa weeye ku Camal falka wixii lagaa dalbay. Cilmigan uu Allaah amrayna waxa weeye Cilmiga Towxiidka Allaah yacni keliyaynta Allaah, wuxuuna ku yahay Fard Alcayn Insaan kasta mana ka dhacaayo Cidna Ciduu doono ha ahaadee bal dhamaan waa lagu qasban yahay, Dariiqa loo maraayo Aqoonta in aanu jirin Ilaah xaqq lagu caabudaa oo aan ahayn Allaah way fara badan tahay waxaana ka mid ah bal ugu wayn: Tan kowaad: inaad ku tadaburto oo fahamto Magacyadiisa iyo Sifaatkiisa iyo Ficiladiisa muujinaaya Dhamaanshihiisa, Waynaantiisa iyo Jalaalkiisa

 

Tan labaad: Aqoonta in uu isagu tacaalaa keli ku yahay Abuuritaanka iyo Tadbiirta, markaas Wuxuu ku ogaanayaa taas inuu keli ku yahay Ilaahnimada, Tan saddexaad: Aqoonta inuu isagu keli ku yahay Bixinta Nicmooyinka Daahirka ah iyo Baadinkaba, Diin ahaaneed iyo Duni ahaaneedba, waayo taas waxay keenaysaa oo waajibinaysaa in Qalbigu ku tacaluqo isaga oo jeclaado, Tan afaraad: waxaanu ka aragno oo ka maqalo ee ah Ajar iyo Sawaab Owliyadiisa ku hawlan Keliyayntiisa ee ah Hiil iyo Nicmooyin degdeg ah iyo Ciqaabistiisa Cadawgiisa u shiriik yeela, tanu waxay keenaysaa Aqoonta ah inuu tacaalaa yahay kelidiis kan mustaxaqa ah Caabudaad oo dhan.

 

Tan Shanaad: Aqoonta owsaafta Wasanada iyo Andaada ee lala caabuday Allaah ee laga dhigtay Ilaahyada iyo inay yihiin kuwa dhinac walba ka naaqis ah oo aan u hayn Naftooda iyo kuwa caabudayaba waxtar iyo waxyeelo toona, Nolol iyo Geeri iyo Soosaaris toona, oo aanu u hayn kuwa caabudaaya Hiil oo aan u keenayn Darad Miisaankeed oo khayr ah ama shar ah ay ka celiyaan, Aqoonta taas waxay waajibinaysaa aqoonta ah in aanu jirin Ilaah xaqq lagu caabudo oo aan ahayn Allaah iyo Baadilnimada wixii aan isaga ahayn, Tan lixaad: in ay taas isku waafaqeen Kutubta Allaah, Tan todobaad: in khaasada Khalqiga ee ah kuwa ugu dhamaystiran Khalqiga Akhlaaq ahaan iyo Caqli ahaan, Ra’yiyo ahaan, Sawaab ahaan iyo Cilmi ahaanba ay yihiin Rasuulada iyo Nebiyaalka iyo in Culimada Rabaaniyiinta ahiba ay uga marag kaceen taas.

 

Cilmiga dabadeedna Camalka ilaa iyo Xuduuda aan kari karo taas ayaanu leenahay si aad u fudud oo diidaysa taas hada Dhinac inoo dhiga! Taas ayaan kari karaa waxaana nalagu amray inaan ka tagno oo Dhinac iska dhigno! Taas aan la kari karina waxaan leenahay: waxaa Waajib ah in aan dagaalano!! Oo maxaanu ku dagaalanaa?! Waa khasaaray labadiiba Huba dhamaan, Hubkii Macnawiga ahaa ee Cilmiga ahaa waxaan leenahay aan dib u dhigano! Waayo taas maaha Waqtigeedii iyo Samankeedii!! Hubkii Maadiga ahaana ma kari karo, markaas waxaynu ku noqonay sidaas kharaab daciif ah labadii Huba ee Macnawiga iyo Maadigaba.

 

Hadaynu ku noqono Cahdigii hore ee Iftiinka lahaa waana Cahdigii Rasuulka calayhi salaam ee hore, ma ahaayeen kuwa haysta Hubka Maadiga ah? Jawaabtu waa maya, hadaba muxuu ahaa Furaha ay Guusha ku heleen? Ma Hubka Maadiga ah baa mise Hubka Macnawiga ah? Shaki kuma jiro inuu ahaa Hubka Macnawiga ah, isaga ayayna ku bilaabantay Dacwadu sida Aayaatan oo kale, markaa waa Cilmiga wax kasta ka hor, waana Islaamka wax kasta ka hor, dabadeedna aan dabaqno Islaamkaa ilaa iyo Xuduuda aan kari karayno.

 

Waxaan kari karaa in aan barano Caqiidada Islaamka ee saxeexa ah dabcan, waxaan kari karaa in aan barano Cibaadooyinka Islaamka, waxaan kari karaa in aan barano Axkaamta Islaamka, waxaan kari karaa inaan barano Suluukta Islaamka, Ashyaadan oo dhan dhamaan iyada oo la kari karo Jamaahiirtii Muslimiintu Xisbiyadooda kala gedisan iyo Kooxohoodu way diidan yihiin iyada, Markaas ayaan intaan Codka kor u qaadno leenahay waxaan rabnaa Jihaad, meeyey Jihaadku? Maadaama aan Hubkii kowaad la’nahay, Hubkii labaadna aanu Gacmaheena ku jirin?!!

 

Hadii aynu Maanta helno Jamaacad Muslimiin ah oo isku Kutladaystay Xaqqa iyo Islaamka saxeexa ah dabaqana dabaqaad saxeex ah laakiin aan haysan Hub Maadi ah, kuwaas waxaa u imanaaya amarkiisa tacaalaa ee Aayaata macruufka ah.

 

{U diyaarsada Cadawga Allaah iyo Cadawgiina yacni Gaalada ku hawlan haligaadiina iyo inay baabi’yaan Diintiina, wax kasta oo aad kari kartaan oo ah Awood caqliyeed iyo mid badaneed iyo noocyada kala gedisan ee Hubka iwm, ee idinka gargaaraaya la dagaalankooda, markaas waxaa taas soo gelaaya noocyada Sanaacadaha ee lagu sameeyo Hubka noocyadiisa kala gedisan iyo Aalaatka,Madfacyada, Rashaashka, Bunduqyada, Diyaaradaha, Gawaadhida dagaalka, Maraakiibta, Qalcadaha, Dhufaysyada, iyo Qalabka kale ee laysku difaaco

 

 

Iyo Siyaasada ay ku horumarayaan Muslimiintu ee iskaga celinayaan sharka Cadawgooda iyo barashada Tuurmada, Dhiiranaanta iyo Deberaada, sidaas darted buu u yidhi Nebigu sala Allaah calayhi wasalam,  (Awoodu waa tuurmada) Fardaha waxa Maanta bedelay Hubka Casriga ah,waxaas oo dhan waxaad u diyaarsanaysaan si uu idiinka argagaxo Cadawga Allaah iyo Cadawgiinu} hadaynu haysan lahayn Hubka kowaad ee Macnawiga ah, waxaa markaana inagu socda  Khidaabka ama Hadalka Diyaargarowga Hubka Maadiga ah, ma dagaalamaynaa hadii aynaan haysan Hubka Maadiga ah?! Jawaabtu waa maya waayo maynaan xaqiijin Aayaatan inagu amraysa in aan diyaarsano Hubka Maadiga.

 

Bal hadaba ka waran sidee baynu u dagaalami karaynaa inaga oo ka fara madhan labadii Huba, Macnawigii iyo Maadigiiba?! Maadigii hada ma kari karayno, Macnawigiise waa kari karaa, Markaa:{Allaah tacaalaa kuma kalifo Qofna wax Awoodiisa dhaafsiisan, Asal ahaan Amarka iyo Nahyiga ama Diidmada Diintu ma aha arimo Qofka ku dhib ah bal waa quudinta Ruuxa iyo daawaynta Jidhka iyo ka ilaalin Dhibta, markaa Allaah Wuxuu ugu amray Adoomaha Wuxuu ku amray Raxmad ahaan iyo Samafal ahaan iyada }

 

Iyo Hadalkiisa tacaalaa: {Allaah tacaalaa Wuxuu inagu amray in aan isaga ka cabsoono oo ah in aan yeelo oo samayno Wuxuu inagu amray oo dhan kana fogaano Wuxuu inaga reebay oo dhan, wuxuuna taas ku xidhay in aan kari karo oo awoodno, markaa Aayatanu waxay Daliil u tahay in Waajib kasta oo Adoonku ku kici kari waayo ama samayn kari waayo in laga dhaafaayo, haduu qaar samayo qaarna kari kari waayona, in uu la imanaayo uun wixii uu kari karay} markaa waxa aynu Maanta kari karaa waa Cilmi Naafic ah yacni waxtar leh iyo Camal Saalix ah yacni wanaagsan.

 

                                Geba Gebo

 

Waxaa laga yaabaa in aan ku dheeraaday Jawaabtan in ka badan intii loo baahnaa, hase yeeshee hada waan soo gaabinayaa waxaana leeyahay: ma ay aha Dhibta Muslimiintu tan Falastiin oo keli ah ee Walaalayaal waxa weeye oo ah wax laga xumaado markaan isku daro inxiraafyada ama leexashooyinka ku dhacay Muslimiinta Maanta waxa weeye waxay khilaafayaan Cilmigoodii Camal ahaan! Markaan ka hadlayno Islaamka iyo Wadanka Islaamka ah, waxaan leenahay oo u jeednaa: Dhulka Islaamku Wuxuu u yahay Wadan Qof kasta oo Muslim ah, ma jiro wax faraq ah oo u dhexeeya Carabiga iyo Cajamiga, ma jiro wax faraq ah oo u dhexeeya Xijaasiga iyo Urduniga iyo Masriga iwm, laakiin faraqyadanu Camal ahaan waa jiraan Maanta!

 

 Maaha oo keli ah Siyaasad ahaan oo taas wax lala yaabo maaha weligeedba, laakiin waxay ka jirtaa Islaamiyiinta dhexdooda! Tusaale ahaan waxaad helaysaa qaar Ducaada Islaamiyiinta ah oo aad ihtimaam u siinaaya Falastiin, oo aan hadana wax ihtimaam ah siinayn waxa ku dhacaaya Muslimiinta kale ee Dhulka kale. Tusaale ahaan markii dagaalku ka dhex socday Muslimiinta Afqaanistaan iyo Ruushka iyo Dabadhilifyadoodii Shuuciyiinta ahayd waayo?! Waayo kuwaasu maaha Suuriyiin! Masriyiin! Iwm taas. Markaa Dhibtu hada kuma koobna Falastiin oo keli ah, bal waxay ku fidsan tahay Dhul Muslimiin ah oo badan, markaa sidee baan u daawaynaa Mushkiladan guud? Labada Quwadood ee Macnawiga iyo Maadiga, markaa tee ka bilownaa?

 

Waa in aan ku bilownaa wax walba ka hor waxa ugu muhiimsan dabadeedna muhiimka ah gaar ahaan marka kan ugu muhiimsani yahay ka la heli karaayo waana Hubka Macnawiga ah, faham Islaamka faham saxeex ah oo dabaq dabaqaad saxeex ah dabadeedna Hubka Maadiga ah hadii la heli karaayo. Maanta waxa ah wax laga xumaado waxa ka dhacay Afqaanistaan…Hubkii ay ku dagaalameen Muslimiintu waa Hubka Maadiga ah ee ay Muslimiintu kula dagaalameen Shuuciyiinta ma Wuxuu ahaa Hub Islaami ah? Jawaabtu: waa maya, Wuxuu ahaa Hub Reer Galbeedka Gaalada ah, markaa inagu hada xaga Hubka Maadiga ah aad baan uga fognahay oo ma haysano,

 

Hadiina aan dooni lahayn in aan dagaalano oo aynu ahaan lahayn kuwa Xooga ah xaga Quwada Macnawiga ah, oo aan doono in aan ku dagaalano Hubka Maadiga ah waxaynu u baahanahay in aan ka keensano Hubkaa Debeda ama aan Lacag ka bixino ama caawimo ahaan laynoo siiyo ama aan wax ku bedelano! Sidaad ogtihiina Siyaasada Reer Galbeedku Maanta waxay ka dhigan tahay siday tidhaahdo Maahmaahda Shacbiga ahi “ ii xoq aan kuu xoqee”! Yacni ma jirto Dowlad Maanta xataa Lacag kaaga iibinaysa Hubka ilaa aad ka tanaasusho Arimo iyadu ay kaa rabto. Tanaasul samay Shacabyowhow Muslimka ahi si aan kuu siino Hubka oo aad weliba Lacagtiisana bixiso

 

Markaa Walaalayaal arintu ma aha sidaynu moodayno in ay tahay Xamaasad iyo Xaraarado Dhalinyaro iyo Kacdoono ka dhigan Xumbada Saabuunta oo kacda dabadeedna Dhulka gasha oo ku baaba’da oo aan ka tegin wax Raad ah haba yaraatee! Ugu dambayntiina waxaan leeyahay  ilaa iyo halka Aayatu ku dhamaato, laakiin waan ku celcelinayaa in aan Camalku waxba anfacayn hadaanu ku salaysnayn Cilmi waxtar leh, Cilmiga waxtarka lihina waxa weeye: “Allaah Wuxuu yidhi, Rasuulkii Wuxuu yidhi”.

 

Musiibada Caalamka Islaamku waa Musiibo khatar ah, waxaana dhacaysa in qaarkiin diido Hadalka aan odhanaayo! Musiibada Caalamka Islaamku Maanta way ka khatarsantahay qabsashada Yuhuuda ee Falastiin! Musiibada Caalamka Islaamku waxay tahay in ay ka lumeen ama ka ambadeen Dariiqii toosnaa.ma ay garan ama ma ay baran Islaamka ay isaga ku xaqiijismayso Badhaadhahooda Dunida iyo tan Aakhiro labaduba.

 

Hadii ay ku noolaadaan Muslimiintu Duruufaha qaarkood Dulinimo oo ay Dhibi kaga timaado Gaalada iyo Mushrikiinta oo la dilo oo la cadibo oo ay dhintaan waxaan shaki ku jirin in ay ku dhinteen Badhaadhe haba ku noolaadeen Dunida Dulinimo iyo Dhib loo gaysto ee, laakiin Cidii ku noolaatay Xoog iyo wanaag isagoo ka fog fahamka Islaamka siduu Allaah casaa wajalaa doonaayo iyo Rasuulkiisuba isagu Wuxuu ku dhimanayaa Shaqinimo iyo Hoog haba ku noolaado Aduunka Badhaadhe muuqaal ahaan ee.

 

Markaa Allaah ha idin barakayo ee Daawadu waa, Allaah xagiisa u carara oo ku eerta! Daawadu waa Allaah xagiisa u carara oo ku eerta! Allaah xagiisa u carara oo ku eerta macnaheedu waxa weeye fahma Wuxuu Allaah yidhi iyo wixii uu Rasuulkii Allaah yidhi kuna camal fala oo samaya Wuxuu Allaah yidhi iyo wixii uu yidhi Rasuulka Allaah. Taas ayaana ku dhamaynayaa Jawaabtii.

 

Wabillaahi towfiiq

Waxaa qoray oo turjumay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com