Macalin Saynika Caruurta reer Gaalkacayood barijiray oo ay dileen kooxo Qawlasato dhiigyo cabiin ah oo aan haybtooda laaqoonin.
(Gaalkacayo, July
21,
2008 Ceegaag Online)
Ciise Xabad Calasow oo wax ka dhigi jiray (Maadooyinka Sayniska) dugsiga sare ee Cumar Samatar iyo Macadka Siiba ayaa maydkiisa laga helay meel aan sidaa uga fogayn dhul biyoodka Yamayska ee magaalada Gaalkacayo.
Marxuumka ayaa kooxo dablay ah ay gurigiisa ka qafaasheen jimcicii tagay, maclinka ayaa waxaa la rumaysan yahay inay labexen kooxo labisan labiska ciidanka Puntland.
Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa aad uga walaacsan amaandarada kasoo siyaaday magaalada Gaalkacoyo.
Amaandaradan ayaa waxaa sababay maamulkii Puntland oo awoodiisii sii wiiqmasa kaa soo ay badalayaan maleeshiyo Beeleedyo.
Marxuumka ayaa lagu aasay isla magaalada Gaalkacayo maanta. Iyadoo waxgaradka deegaanku ugu baaqeen in baadhitaan lagu sameeyo sababta keentay dilkan iyo dilalaka lagu khaarajinayo dadka halbowlaha u ah horumarka nolasha bulshada Soomaaliyeed.
Kooxahan dhiigyacabiinta ah ayaa ah kuwo iyagu idho tiray dhamaan caruurta reer Gaalkacayood reerkastoow Yihiinba.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |