shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaynaha Jabuuti oo Dhul-beereed iyo meel uu ka dhisto guri laga siiyey dalka Itoobiya.

(Addis Ababa, July 23,  2008 Ceegaag Online)

Dowladda Itoobiya ayaa ugu deeqday Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, Dhul beereed iyo  dhul kale oo uu ka dhisto guri uu ku nasto xiliga fasaxa ah, Sida laga soo xigtay masuul qariyey magaciisa oo Itoobiyaan ah, waxa Madaxweyne Geele la siiyey dhul dhan 7,000 oo hector oo ku yaal meel 400km u jirta Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Dhul beereedka ayaa loogu talagalay in lagu beero dalaga Qamadiga (Sareen) ah iyada oo khubaro ku xeel dheer ay durba bilaabeen daraasad ku saabsan arintan,

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele, Xaaskiisa iyo Wasiiro ka mid ah dawladiisa ayaa todobaadkii hore ku joogay booqasho dalka Itoobiya, Waxaa kale oo ay warbxintu sheegatay, in madaxwaynuhu guri ka dhisan doono dhul u dhaw meel haro ah oo ku taal bariga Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Dad tiro badan oo Reer Jabuuti ah ayaa sanad walba U Xagaa baxa dalka Itoobiya xiliga Xagaaga ah oo ay Jabuuti aad oo kulushahay, Dhanka kale, Dowladda Jabuuti ayaa ka hesha dakhli dhan $300 Million alaabta ay Itoobiya ka soo dajisato dakada weyn ee Magaalada Jabuuti.

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey guri kale oo qiimihiisu yahay $5 Million oo lagu nasto ku leh Magaalada Dire Dawa ee Ismaamulka Deegaanka Soomaalida .

Warbixinta oo Af-English ku qoran ka aqriso Link gan Hoose

http://africa.reuters.com/country/DJ/news/usnL22983932.html

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com