G/kuxigeenka Gobolka Sool ugu Magacaaban Maamulka Somaliland
oo xalay la weeraray.
(Laascaanod, July
15,
2008 Ceegaag Online)
Gudoomiye
kuxigeenka Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland Maxamed
Faarax Indho Buur oo marka weerarka loo gaystay marayay meel
aan sida uga fogayn hoygiisa, ayaa kooxdani ay rasaas ooda
kaga qaadeen,iyadoo burbur xoog leh uu soo gaadhay gaadhigii
uu watay.
Indhabuur ayaan waxyeelo kasoo gaadhin weerarkii xalay lagu
qaaday,iyadoo dhawaaqa rasaasta lagu weeraray guud ahaan
laga maqlayay gudaha magaalada Laascaanood.
Baabuurka Maxamed Faarax Indho Buur oo waxyeeladu rasaastu
aad u saamaysay ayaa soo maray wadada laamiga isagoo orod ku
tagay saldhiga dhexe ee degmada,shacab fara badan ayaa kusoo
xoomay saldhiga si ay u ogaadaan waxyeelada soo gaadhay
Mas'uulkan.
Markii uu Mas'uulkaasi gaadhay saldhiga dhexe ee Magaalada
Laascaanood oo abaaro saacadu ahayd 7:00 Fiidnimo ayaa waxaa
deg-deg u soo baxay ciidankii Booliiska ka dib markii la
wareystay mas'uulkaas.
Weerarkan Maxamed Faarax Indho Buur lagu beegsaday
habeenkii xalay ahaa ayaa loo malaynayaa inuu xidhiidh la
leeyahay niman masuuliyiina oo uu dhawaan xabsiga ay si
wadajir ugu taaxaabeen Maamulka Gobolka.
Wixii danbe ee soo kordha kala soco wararkeena Dambe.
Xafiiska
Wararka Ceegaag.com
Laascaanod.
webmaster@ceegaag.com |