Halxidhaalihii aan u diray hawdka iyo xeebta
Oo maanta HABARYOONIS iyo harodigeed yaalla
HARTI kolay ku tahay ama HAWIYE hamaday LIISAANA
HABAR CIISE iyo reer SUBEER iyo huunka SAMAROONE
Haybtooda CIISIYO intaa HABARMAGAADLOO dhan
Huwanteeda Soomaalidaa HAWSAN iyo JIIDDO
Hambalyaan ka helay maansadaan heetisayn jiraye
Hiil liyo ninkii hedi waddaan hoos u dhuganayne
Halkaan hoobal caaniyo abwaan hodana eegaayay
Harjad baan u galay aan murtida hoorinteed baranne
Haybtaan ka raacaye ma hubin inuu higgaadshaaye
Ku hungoobay REER HAGAR hadday hobol lahaayeene.
Hohe maxaa tixdaydii hawiray habila’aantayda
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Hal abuurka maansiyo higgaad heeso iyo laaxin
hanqadh gabaya haasaawe gole hurinta suugaanta
hakad igama galo weedh haddaan soo hankaabsade
hoorriyo nin liitaa yidhaa wuu humaagsadaye
maxaan HIIRAD kala siihadlaa hawjarbaan ahaye.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Hebad iyo nin liitaad ku sabi hees walwaalladane
Hadday nabaddu kaa heellantahay hurin malayseene
Haamaha tolkay waa ogyahay heerka aad tahaye
Hanad iyo nin doorkaygi dage hadhaca ceegaage
Hadh ma geeyo aayadii ninkii hooyadii gabaye
Ninka haatan hooskaaga jira ee hamiyiwaayay
Ee wali haloosiga ku nool sida hunnaafiinta
Ee waliba kuu heellanee hadalka kuu keena
Haybtayda maahee ogow HIIRAD gacaliiye
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
haddii nabadi waa hodan allee lagu heshiinaayo
haamaha SHIRSHOORAAN colaad HERER u joogeene
aan heshiinno laga waa intay hab isasiiyaane
waa waxay u kala heerinmeen haanka MAXAMUUDE
hagbaddaas DHULBAHANTAA ku jira heedhe ii samire
hadhowbay sidii habardugaag hanad cantuugaane
Hawdkaan waxaas laga oqoon hibashadaa baase
Adigaa horseedee ka tali HIIRAD gacaliiye
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Haddii ay habeen dumay naftii kaa hawada raacdo
Oo malaggi haabiil ahaa kaa hanjarafeeyo
Hooyaa laguu haybiyaa ina heblaadkiiye
haddaan hooyadaa kula ahayn hibiyo liibaanto
hogga aakhiray kuugu iman hadalladeediiye
haybtaad ku haasaawaysiyo hadalku waa beene
hadday adiga kula hawlyartahay aniga way hooy e
waa waxa HADRAAWIBA u yidhi hooyo laasima e
hadalkaaga miisaan abtoow hoorri waa nacabe
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
hadafkeeda maansada haddaan horay u
sii raaco
oon kugu hanqadho mawjaddaad ku hafandoontaaye
Haddaan hurinta reer FAARAX HAGAR haybe kale keenin
Ooy soo hormariyaan nimaan gabayba haaneedin
Oo aanay hawshaan u diray hoosta ka xarriiqin
Ama aanay GOBI waa hiddee hadiyad ii keenin
Halxidhaalihii waan ka baxay hooriska ahaaye
HAGAR AADANOOW soo jawaab HIIRAD agabeelye.
Jamaal Xaaji Cali Cilmi
|