shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Al-Shabaab, Xasan Aweyn iyo Indha cadde oo lagu tilmaamay Xagjir caqabad ku ah Somalia.

(New York, July 19,  2008 Ceegaag Online)

Xoghayaha Guud ee QM Ban-ki Moon ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socda warbixin arrimaha Soomaaliya ah u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey fadhigooda ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, Warbixinta oo si hordhac ah ay saxaafaddu u heshey ayaa eedo u jeediyey kooxo xag-jir ah oo laga magacaabey Ururka Al-Shabaab, Xasan Daahir Aweys iyo Yuusuf Indha-Cadde.

Warbixinta Xoghayaha Guud uu u gudbinayo Golaha Ammaanka ayaa lagu xusey in joogitaanka ciidamada Itoobiya ay ka mid tahay caqabadaha horyaalla in Soomaaliya dib u heshiisiin ay ka hirgesho waxaana lagu soo dhoweeyey heshiiska aan weli la saxiixin ee Jabuuti waxaana warbixintu ay ku tilmaantey in dhaqangelinta heshiiskaasi horseedi karo in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan, haddiise uu hirgeli waayo ayuu ka digey inay dhici karto inaan ciidamada Itoobiya aysan dalka ka bixin.

Waa markii ugu horreysey ee Indho-Cadde lagu daro inuu ka tirsan yahay shaqsiyaadka xag-jirka ah ee Soomaaliya. Indha-cadde ayaa hore QM ugu yeerey inuu u yaqaanno 'Quruumaha Shaydaanka.

Dhinaca kale Hoggaamiyaasha Xarakada Al-Itixaad Xasan Daahir Aweys iyo Xasan Turki ayaa la sheegey inay ku gacan seyreen heshiiskii Yemen lagu dhexdhexaadiyey labada garab ee Maxkamadaha, waxaana laga soo xigtey inaysan aqbali doonin heshiis kasta oo ogolaanaya in ciidamo QM ka socda dalka la keeno.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com