Mu`tamarkii
Norway oo si habsami leh uga socda Magaalada Oslo ee Dalka
Norway.
(Oslo, July 07,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa si
habsami leh uga socda magaalada Oslo ee caasimada dalka
Norwey, mu'tamar sanadeedkii sadexaad oo ay soo
qaban-qaabiyeen Xarunta Iskaashiga Soomaalida Norwey (Xisno).
Mu'tamarkan ayaa waxaa ka soo
qeyb-galay Culimo Soomaaliyeed oo aqoon u-leh Diinta
Islaamka iyo ku dhaqankeeda,kuwaasoo ka kala yimid Wadamo
kala duwan
Muxaadaradii
koowaad ee maanta la furay,ayaa waxaa halkaas ka hadlay
Culimada kala ah:
1- Sheekh Cabdiraxmaan Barkad (Good)oo
isagu ka yimid magaalada Jabuuti
2-Sheekh Cusmaan Xaaji Yuusuf (Usuuli)oo
isagana ka yimid dalka Ingiriiska
3-Iyo Sheekh
Almis Xaaji Ibraahin Yaxye oo isagana ka yimid Soomaaliya
qaasatan Magaalada Hargeysa,waxayna dhamaaantood halkaas ka
soo jeediyeen Muxaadarooyin,ay aad oola dhaceen dadweynihii
ku sugnaa mu'tamarka.
Culimada ayaa gaba-gabadii
muxaaradooyinkii koowaad ee maanta,si wanaagsan oo ay ku
qanceen dadweynaha,halkaas ooga jawaabay dhamaan su,aalihii
la weydiiyay. 4-Muxaadarada afraad:(Cadaalada
Islaamka)1640-1740
5-Muxaadarada shanaad:(Siduu
Islaamku u mideeyay umadihii jaahiliga ahaa)18.30-1930
6-Muxaadarada
lixaad:(Ujeedooyinka Shareecada Islaamka)19.35-2035
Qofkii aan awoodin inuu ka soo
qeyb-galo mu'tamarkaan,wuxuu cajaladihii laga duubay
Culimadda ka heli-karaa,Xarunta Iskaashiga Soomaalida Norwey
(Xisno)oo ku-taal:
(Calmayers
gate-8 0106,Post-box 2911 Toyen 0608 ama wac Teleefoonadan
:22993672 ama 99377102 ama 92426404,ama la xiriir
emailkan:dsssenter@gmail.com
Mu'tamarkan ayaa soconaya sida
ay noo sheegeen qaban-qaabiyaasha muddo
sadex-maalmood,iyadoo la soo gaba-gabayn-doono hadii EEBE
idmo maalinimada Isniinta oo taariikhdu ku beegan-tahay
07.07.2008,goobtana waa (Elvebakken Videregaende Skole
cinwaankiisuna yahay Vestre Elvebakken 3,0182 Oslo,waxayna
goobtan u dhaw-dahay Dukaanka Safaari-Shop.
Xigasho:
Calanka
webmaster@ceegaag.com |