Ra'iisal
Wasaare Nuur Cadde "Waxaan Diyaar u ahay inaan is casilo
haddii danta Soomaaliyed sidaas ku jirta".
(Nairobi, July 16,
2008 Ceegaag Online)
Ra”iisal
Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa
waxa uu sheegay in uu is Casilayo hadii nabad lagu helayo
ka tagi taankiisa Xafiiska oo ay ku xiran tahay xal laga
gaaro dhibaatada ka jirta Soomaaliya
Isagoo ka
hadlayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaaa Ra'iisal
Wasaare Nuur Cadde waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay
cidkasta uu wada hadal kala yeesho arimaha Soomaaliya,
wuxuuna ballan qaaday inuu la hadli doono dhamaan dhinacyada
isaga soo horjeeda Siyaasadda dalka Soomaaliya.
”Waxaan
halkaan u joogaa in aan shacabka u shaqeeyo isla mar
ahaantaana uma joogo halkaan in aan awood iska haysto
Diyaar baan u ahay inaan is casilo haddii danta Soomaaliyed
sidaas ku jirta”ayuu yiri Wasiirka koowaad ee Soomaaliya.
Mar wax
laga weydiiyay in uu wada hadal la galayo Ururka Hubeysan ee
Al-shabaab ayaa waxa uu sheegay in uu wada hadal la
yeelanayo cid kasta si loo gaaro xasilooni ka dhalata
gudaha dalka Soomaaliya.
Nuur Cadde oo da”diisa ay tahay 70 jir ayaa xafiiska
Ra”iisul wasaarenimada waxa uu la wareegay bishii November
ee sanadkii 2007 markii uu is casilay Ra'iisal Wasaarihii
hore Cali Maxamed Geeddi oo culeys fara badan uga yimid
dhinaca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed kadib markii uu ku
fashilmay socodsiintii Dowladadiisa.
Xaaladda dalka Soomaaliya
ayaa faraha ka sii baxaysay Maalmihii ugu dambeeyay markii
ay soo bateen weerarada lagu dilayo shaqaalaha
Samafalayaasha ee ka shaqeeya Gudaha Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |