Qarax ka dhashay
dayaca iyo dawlad la'aanta ku habsatay caasimada gobolka
Nugaal ee Garoowe.
(Garoowe, July 10,
2008 Ceegaag Online)
Saaka
9:30 subaxnimo ayaa waxaa ka dhacay magaalada Garoowe ee
caasimada gobalka Nugaal qarax ka dhashay qumuca
qoriga loo yaqaan Mootarka oo sida la sheegay yaalay Boos
banaan oo caruurtu ku ciyaarto kubada cagta,
Booskan
ayaa wuxuu dhinaca galbeed ka xigaa Garoonka kubada cagta ee
Mire Awaare Jaamac, Qaraxan ayaa waxaa sababay sida la soo
xaqiijiyay Maamul darada ka jirta Gobalka, iyadoo qumucu
ahaa mid wiigii hore meesha la dhigay.
Dadka
xaafadaha u dhaw dhaw meesha qaraxu ka dhacay ayaa lagu soo
waramayaa inay ogaayeen amaba arkayeen qumacaa inuu qarxo
uun sugayay, iyada oo caruurtii meesha ku ciyaarasay saaka
mid kamid ahi soo qaaday kuna soo tuuray Garaanka sidii
dadkii markii horeba meesha dhigay ugu talo galeen.
Waxaa ku
dhintay isla goobta laba Caruur ah labakalena waxay u
dhunteen dhaawicii soo gaadhay saacad kadib, waxaa dhaawac
ah ilaa lix kale oo shan ka mid ahi dhaawacoodu halis yahay.
Xafiiska
Wararka Ceegaag.com
Laascaanood
webmaster@ceegaag.com |