shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hadaladii kasoo yeedhay Sheekh Shariif iyo Xasan Daahir, Ma yihiin hadallo, bad baadin kara Shacabka Soomaaliyeed?

(Hargeysa, July 27,  2008 Ceegaag Online)

Heshiiskii ay saxiixeen qaar ka mid ah maxkamadaha Islaamka, ayaa waxa uu dhaliyay, khilaaf iyo kala fogaansho hor leh oo soo kala dhexgalay, madaxda sar  sare ee mucaaradka,

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa hadal haynta Soomaali fara badan waxa ay ahayd, tolow maxaa soo kala dhex galay wadaadadii, yaase saxsan Shariif iyo Xasan? Labadan hadal ee kasoo yeedhayna, hadal kee baa dan u ah shacabka soomaaliyeed?

Tan intii ETHIOPIA Ay gashay gudaha soomaaliya waxaa mar qudha is bedelay, Siyaasadii soomaaliya, iyadoo waliba aad loo kala fogaaday,

Dad badan ayaa iyagu waxa ay leeyhiin, wadanku waxa uu ku jiraa gumeysi, halka dad kalena ay ku an dacoonayaan ciidamada Ethiopia in ay u yeedhatay, Dowlada sharciga ah ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Taasi waxaaba kasii daran, siyaasi iyo wadaadba markuu Idaacad ka hadlo, waxa dhacda  hadalkiisu inuu ku saleysanyahay qabiil,

Dad badan oo wax garad ah, ayaa waxa ay qabaan marka la is bar bar dhigo, Sheekh Shariif iyo Xasan, In Sheekh Shariif uu doonayo, in la badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed, maatadana madaafiicda lala dhacayo laga daayo, taas oo gogol xaadh u noqoneysa, in ciidamada Ethiopia wadanka isaga baxaan.

Halka Xasan Daahir iyo kooxdiisu ay doonayaan, in Shidada  halkeeda kasii socoto, danta ugu jirta ayaa waxa ay tahay.

1. Hadii la helo kala dambeyn iyo xukuumad loo dhanyahay, waxaa halis galaya amnigooda, iyadoo laga war qabo mareykanku in uu ku daray Ururka Al-Shabaab, liiska argigixisada, horaantii sanadkan aynu ku jirno,

2.  Eritrea oo iyana rabta in fowdada sii socoto, Si Ethiopia, culeys u fuulo, oo Awoodeeda Meleterina hoos u dhacdo,

Isku soo wada duu duuboo, waxaa la odhan karaa khilaafka soo kala dhex galay, Xasan Daahir, iyo Shariif Axmed, waa mid salka ku haya Qabiil, marka laga yimaado fara gelinta caalamiga ah, sida  dad badan ay qabaan,

Markaad sii wareysato, Soomaalidu waxa ay intaa ku darayaan, oo ay ku saba beynayaan, in Shariifka iyo Xasan Daahir, ay kasoo kala Jeedaan, laba beelood, oo waligood isku hayay, gacan ku haynta caasimada, Soomaaliya ee Muqdisho, tan iyo intii ay meesha ka baxdey Dowladdii Dhexe  taasina laga yaabo in ay sameyn ku yeelato kala fogaanshahani

Waxaan kaloo iyana ka madhneyn Caadifad Kooxeed, maadaama Xasan daahir uu ka mid yahay, Odayaasha waa weyn ee (Ururkii Al-Itaxaad) ee ka howl gali jiray Soomaaliya, inkastoo ururkaasi sanadadii ugu dambeeyay, uu shaadh kale xidhay,

Halka shariifkuna, lagu xanto in uu ka  mid yahay, (Ururka Al-Islaax) ururkaas oo ku Abtirsada, urur weynaha caalamiga ah, ee (Ikhwaanul Muslimiin),

Si kastaba ha ahaatee, su,aasha la is weydiin karaa waxay tahay, mar hadii ay xaaladu sidani tahay, oo Wadaadkii,Waranlihii iyo Siyaasigiiba, ay doonayaan in talada wadanka  wax ku yeeshaan, Goorma Ayaa la heli karaa xukuumad caadil ah, oo loo dhan yahay??

Adan C/llaahi

Madaxa Xafiiska Ceegaag.com ee Hargeysa

  

webmaster@ceegaag.com