Dadwaynaha reer
Gaalkacayood oo u muuqda inay haatan ka gilgisheen
Haldhablaysiigii lagu waday Amaamuurta beesha Cumar Maxamuud.
(Gaalkacayo, July
11,
2008 Ceegaag Online)
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gaalkacayo ayaa shaaca
ka qaadaya in uu ka jiro is abaabul maleeshiyaad oo la
doonaya in lagaga hortago dhibaatada baahsan ee Xaafada
BARAXLAY ku soo kor dhisay amaanka Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacayo.
Waxaa ka jiray ilaa shantii sanadood ee ugu danbeeyay
magaalada Gaalkacayo hal dhablaysi lagu waday wax garadka
hantiilayaasha ah ee beesha Cumar Maxamuud.
Wararka u danbeeyay ayaa muujinaya in haatan laga gudbay
qaacidadii horay loogaga dhaqmi jiray Gaalkacayo oo ahay NIN
DAAR MURAAYAD AH KU JIRAA DHAGAX MA TUURO, qaacidadaa uu
hirgaliyay C/laahi Yuusuf oo haatan madaxwaynaha ka ah
dawlada Federaalka ee ku meel gaadhka ah.
Is difaacan ka bilowday Gaalkacayo ayaa waxaa shalay ku
dhaawacmay ilaa sadex ruux waxaana ku dhintay laba caruura
oo iyagu ku ciyaarayay gurigooda hor tiisa taasoo ah arin
aad looga argagoxo sida uu noo sheegay mid ka mida
maleeshiyadii iska difaacasay waxa uu ugu yeedhay qatarta
iska soo tarasa BARAXLAY.
"Owood darada lasoo daristay maamulkii Puntland oo haatan
gabaabsi sii ah ayaa ku dhiiri galinasa in suuqyada
Gaalkacayo wax garadkayaga lagu gumaado" waasida uu noo
sheegay askari ka tirsan Ismaamulka Puntland oo kasoo Jeeda
magaalada Buuhoodle nagana codsaday inaaan faafin Magaciisa.
Rabshadahan kasoo cusboonaaday Gaalkacayo ayaa bilowday
kadib markii si ula kac ah luugu Toogtay magaalada
badhtamaheeda(Masaajid Hortiis) Nabadoon: Cali Jaamac Biixi
oo ka mid ahaa maamulayaasha Biyaha magaalada Gaalkacayo .
Xafiiska wararka Ceegaag.com
Laascaanood.
webmaster@ceegaag.com |