shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Boqolaal Maxaabiis Soomaali ah oo ku dhibaataysan xabsiyo ku yaalla Dalka Turkiey-ga.

(Istanbul, July 13,  2008 Ceegaag Online)

Sida ay ku warramayaan ilo xog-ogaal ah Boqollaal muhaajiriin Soomaali ah oo isugu jira, caruur, haween iyo dad da’ ah ayaa waxay ku xiran yihiin xabsiyo meelo kala duwan oo dalka Turkiga oo ay ugu horreysa magaalada caasimadda ah ee Istanbul.

Dadka xirxiran ayaa intooda badan waxay ku xirxiran yihiin xabsiyo ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Syria iyo Turkey-ga iyo sidoo kale xabsi ku yaalla gudaha dalka Turkiga iyo Jaziiradda Khubrus kuwaas oo intooda badan ay ciidamada ammaanka dalka Turkiga gacanta ku dhigeen markii ay soo galeen dalka Turkiga iyo markii ay ka sii baxayeen.

Mid ka mid maxaabiis dhowr bilood ka hor laga sii daayay xabsi ku yaalla Dalka Turkiga oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud C/laahi Xuseen ayaa sheegay in dadka maxaabiista ah ee ku xir-xiran xabsiyada dalka Turkiga xaaladdoodu ay tahay mid adag, isla markaana loo baahan yahay in dhinacyada Soomaaliya oo dhan ay u guntadaan sidii xabsiyadaasi looga sii deyn lahaa.

Ninkaasi oo isaga qudhiisa muddo dhowr bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka  Turkiga oo isaga iyo boqollaal kale oo Soomali ah sii deyntooda ay ka dambeysay  Madax ka tirsan Waaxda Socdaalka ee Dawladda federalka Soomaaliya oo ku wargeliyay xukuumadda Turkiga in ay  muhaajiriinta Soomaalida ay xabsiga ku hayaan siidaayaan kuwa Cusub ee ay qabtaana ay la sugaan ilaa inta ay uga imaanayaan oo ay la wareegayaan masuuliyadda dadkaasi tahriibayaasha ah, hase ahaatee ay guul darreysteen masuuliyiintaasi Soomaalida ah inay dib ugu laabtaan dalka Turkiga oo ay xabsiga ka sii daayaan.

Dalka Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka sanadihii dambe ku caan baxay in lagu xir-xiro dad badan Soomaali ah maadaama uu noqday marin ka mid ah marinada ay dadka Soomaaliyeed ee ka firxanaya rabshadaha ka jira dalkooda u maraan dalalka Reer Yurub oo ay maciin badayaan inay ka helaan nolol iyo nabad gelyo dhaanta ta Dalkoodii Hooyo taala.

www.ceegaag.com
 

  

webmaster@ceegaag.com