shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gabay ku socda Jamaal Xaaji cali oo uu tiriyay Cabdillaahi Cali Gaani

(Denmark, July 17,  2008 Ceegaag Online)

 

 

Murti culus  Mahiigaanka da,ay mayayga roobkii dheh.
Macdan dahab ah miisaanka talo dhaxalgal maansood dheh.
Midho Canab ah hoobaan metele meel kusugantii dheh.
 
Mar hadaad midnimo sheegtay iyo Cudud lamaareeyo
Maskax garatay meeshii war jiro Macalinkeenii dheh.
Mushkiladu halkay naga gashiyo maafiyada buuxda.
Masaartaan liqnaad garatayoo mudatey laabtiiye.
Macdantiyo calooshay jarjari tahayna miinshaare.
 
Maanshaa Allee murtida waad taqaan midhaha suugaanta.
 
Mishiingaanka qori intii midigtu ay hayso.
Maadhiinyaroow belo intii madasha uu yaalo.
Maayar Janan ah iyo macawis tooriile.
Masuulkeenu intuu yahay Askari waa mushkiladaase.
 
Melles iyo intaan qoom dadkale mooshinka u dhiibno.
Malab inaan ka dhuuqnaa Ninyohow miinka kuma taale.
Madmadow haduu talada galo laga masuugaayo.
Muftigiyo maxaa looga tegey Macalin Diinteena.
 
Maanshaa Allee murtida waad taqaan midhaha suugaanta.
Maamuus intaan geliyabaan meel ku qorayaaye.
Meel Xariira gogol meeran baan meel u dhigayaaye.
 
Malaaq odaya muhiim iyo Ugaas Odayo meel jooga.
Mufti shiikh ah aqoonyahan murtida talada maalaaya.
Madaxtooyo waan doonaynaa meeris loodhiga,e.
Muxubada Dalkayga aan u qabo tahay malaayiine.
 
Maanshaa Allee murtida waad taqaan midhaha suugaanta.
Maqla hadalka yaa duulka dhaha macalinkii sheegay.
 
Marka cadaw minankaaga iyo galo madasha aad joogtid.
Muusanow mafiicniyo inaad meel u carartaaye.
Maradiyo intaad xidhanaysee Faraska meeraysid.
Mar sasabo markale subasalaax oo misana booqo.
Murtaax cadaw ah oo maydhayoo macawis jiidaaya.
Masiibiyo Rasaastiyo ku keen balo lamaareeyey.
 
Miiskiin seleley mooryaan ladiley Oday lamiidaanshey.
Amaseba Malay Xeebta iyo meelfog lagu tuuray.
ama Jiir Bisadi meel cidla ah qado umiisaantey.
Maruun fadalka boodhkiyo durduro orod maqiiqaaya.
ama Habar Maraykaan ahoo mawdka lagu keenay.
Mahadhiyo waxaa laga qoraa amase maadeyse.
Miskiinoow dhurwaa saw Libaax meelxun kuma taaban.
 
Maanshaa Allee murtida  waad taqaan midhaha suugaanta.
 
Miirooga Qaad iyo Ragaas cunaya maandoorshe.
Murqaan selelka munuh maanuhdaas meel mategeyaane.
Musuqmaasuq laaluush intay dabo maleelayso.
Maadhiinyaroow qori intuu meelkastaba yaalo.
Maafiyada Soomaaliyeed amase mooryaantu.
Muran adag intuu kala dhexyaal mahadhadii reerku.
Mudanoow Jamaal haysku lurin meelmategayaane.
 

 

 

Afeef: gabaygani wax xidhiidh ah lama laha gabaydii “Garnaqsiga Silsiladda”.

Waxaa tiriyey: Cabdillaahi Cali Gaani.

  

webmaster@ceegaag.com