shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cadde Muuse oo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha PL iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolka Sool.

(Garoowe, July 28,  2008 Ceegaag Online)

Wareegto Maanta kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mohamud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa lagu magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobolka Sool, waxayna wareegtada u qorneyd sidan:

Markuu arkay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland: Dastuurka Puntland qodobka 54-aad farqadiisa 19-aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL Mudane Xasan Daahir Afqudhac.

Markuu la Tashaday: Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Sool.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda.

Wuxuu xeeriyey.

1. Cabdixamiid Garaad Jaamac Garaad Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DGPL.

2.  Dr. C/rashiid Barkhadle loo Magcaabay la Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Maxamud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com