Ciidamada
Ethiopia oo maalintii labaad madaafiic ku garaacaya
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
(Baledweyne, July
25,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada Itoobiya ayaa goobaha dadka rayidka ahi degan
yihiin ee magaalada Beledweyne madaafiic ku garaacaya si aan
loo meel dayin, dad ka badan 20 qof oo rayid ah ayaa ku naf
waayey dagaal halkaasi ka socdey shalay illaa maanta.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in boqollaal dad ahi ay
magaalada ka carareen si ay uga baxsadaan madaafiicda.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa madaafiicda billaabey kadib
markii ay ciidamada wax iska caabintu ay shalay
Weeraro ku qaadeen Fariisinka ay Ciidamada Itoobiya ku
leeyihiin Buunada Liiq Liiqato sidaasna uu dagaalku ku
bilaawday.
Ciidamada
Itoobiya ayaa durbadiiba Madaafiic ku Garaacay Xaafada
Howlwadaag iyo qeybo ma mid ah xaafada Kooshin oo jaar la ah
oo ay buundadu u dhexeeyso sidii Caadada u ahayd
Itoobiyaanka.
Dadka ku
dhaqan Magaalada Baledweyne ayaa jah wareer kujira iyadoo la
arkayay dad fara badan oo ka cararaya Guryahooda si aysan
dhibaato uga soo gaarin Madaafiicda aan loo aabo yeeleyn ee
lagu garaacayo xaafadahooda.
Dowladda
Federaalka Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin
dagaalada ka socda Gobolka Hiiraan oo ilaa shalay ay ka
socdaan Dagaalo u dhexeeya Ciidamada Ethiopia iyo
Maxkamadaha Islaamka
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |