shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Itoobiya oo bilaabey in hogaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdisho dib hubkooda ugu celiyaan.

(Muqdisho, July 11,  2008 Ceegaag Online)

Dowlada Itoobiya ayaa go'aansatey in hogaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdisho dib loogu celiyo hubkii laga qaadey islamarkaana awoodooda dib loo soo nooleeyo, Muuse Suudi Yalaxow ayaa lagu soo celiyey xaruntiisi hore ee degmada Kaaraan waxaana gebi ahaan loo celiyey hubkii hore looga qaadey, waxaana sidoo kale hubkiisii la siiyey Maxamed Dheere oo iminka ah duqa magaalada Muqdisho iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir, sidoo kale waxaa maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ku soo foodleh Maxamed Qanyare Afrax waxaana loo balanqaadey in hubkiisii dib loogu celin doono.

Warar si hoose nagu soo gaarey ayaa sheegaya in Cabdi Qaybdiid isna lagu wareejin doono hub dowlada Itoobiya ka qaadey guriga Cismaan Caato mudo hadda laga joogo hal sano.

Lama oga Ujeedada ka dambeysa in dib loo howlgeliyo hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo ka sii baxayey masraxa siyaasada Soomaalida laakiin dad xog-ogaal ah oo inoo waramey ayaa sheegaya in dowlada Itoobiya dareentey in ay ku fashilantey dullaankeedii iyo danihii ay ka lahayd Soomaaliya sidaa darteed dooneyso iminka inta aysan ka bixin ciidamadooda Soomaaliya in ay Muqdisho ka dhigto sidii ahaan jirtey ka hor xiligii maxaakiimta, magaalo ay ka taliyaan hogaamiye kooxeedyo u taagan foodo iyo dagaal si marnaba u suurtagelin in caasimada Soomaaliya xasisho.

Nin Sarkaal ah oo arintan ka wareysaney ayaa isna qaba aragti taas ka duwan oo wuxuu inoo sheegey in ay jirto qorshe kale oo dowlada Mareykanka iyo Itoobiya ay isla ogyihiin oo ah in dib loo soo nooleyo Isbahaysigii Argagixo la Dirirka dibna loo howgeliyo iyaga oo dowlada federaalka  ka madaxbanaan, dhinacoodana kala dagaalamaan Al Shabaab iyo in ay soo qab qabtaan rag ganacsato iyo culumo isugu jira  oo lagu eedeynayo in ay taageeran Muqaawamada.

Qorshahan cusub ayaa la sheegayaa in madaxweyne C/llahi Yuusuf ku faraxsaneyn wuxuuna u arkaa qorshe lagu sii wiiqayo nidaamkii dowladnimo uu ku taamayey. Waxaa sidoo kale qorshahan cusub ee Itoobiyaanka hubka ku celinayaan ka xun Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo arintan u arka mid lagu burburinayo  howlihii dib u heshiisiinta ee uu maalmahan ku howlanaa

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com