Ciidamada
Mareykanka oo sheegay inay Cidhibtirayaan burcad badeedka
Soomaalida ah ee ka qaraabta xeebaha Somalia.
(Bahrain, July 21,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada Marines-ka Maraykanka ayaa war ay soo sareen ku
sheegay inay cayrsan doonaan burcad badeedka Soomaalida ah
ee maraakiibta sida shixnadaha gargarka iyo kuwa ganacsiga
ka afduuba biyaha Soomaaliya iyagoo ka qaata lacago madax
furasho ah .
Burcad
badeedka ayaa falal qafaalasho ah ka bilaabay xeebaha
Soomaaliya iyagoo isticmaalaya doonyo dheereeya kuwaas oo ay
ku iibsadeen lacago boqolal kun ah oo la siiyay , waxayna
dhowr goor hore gacanta ku dhigeen maraakib wada ganacsi
iyo gargaar iyo kuwo dalxiis loogu talagalay
Xeebaha Somaaliya ayaa waxaa jooga maraakiib fara badan oo
ay leeyihiin dalalka Reer Galbeedka , Ciidamada Maraykanka
ayaa hada sheegay inuu bilaabi doono howlgalo lagula
dirirayo burcada caadeeysatay dhaca .
Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay
ka go'an tahay sidii ay u baacsan lahaayeen kuwa qafaasha
gaadiidka badda ee mara biyaha calaamiga iyo kuwa Soomaaliya
, waxuu hadalkiisa raaciyay inay ruqsad ka haystan Dowladda
KMG ah iyo Qaramada midoobay oo dhawaan golaheeda amaanku uu
ansixiyay in ciidamada shisheeye ay gali karaan gudaha
biyaha Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |