Ciidamo
Taageersan Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku
haynta Magaalada Jowhar.
(Jowhar, July 12,
2008 Ceegaag Online)
Xoogaga
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa amaanka guud ee Magaalada
Jowhar waxay kala wareegeen Maamulkii Madaniga ee
Magaaladaas muddo ka howl galayay, tan iyo markii uu meesha
ka baxay Maamulkii Gobolka Sh/Dhexe.
Maamulka Madaniga oo ahaa mid dadka deegaanka iska soo dhex
doorteen, kaas oo ay beelaha ku dhaqan Magaalada iska soo
dhex xuleen Ciidamo amniga suga si amaanka meesha uga bixin
ayaa la soo sheegayaa in Xoogaga Maxkamadaha ay hakiyeen
howlihii ay ka wadeen Magaalada.
Wararka aanu saaka ka heleyno Magaalada Xarunta u ah Gobolka
Shabellaha Dhexe ee Jowhar waxay sheegayaan in Koontaroolada
looga soo galo Magaalada ay joogaan Ciidamo fara badan oo
Maxkamadaha taabacsan, kuwaasi oo Magaalada soo buux
dhaafiyay wixii ka dambeeyay gelinkii dambe ee shalay.
Lama oga tallaabada Maxkamadaha ugala wareegeen Howlihii
Magaalada Maamulka Madaniga, iyadoona saaka Magaalada ay
gaaf wareegayaan Ciidamo iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo la
ii sheegay in ay yihiin kuwo ku cusub Magaalada.
Ma jirto wax canshuuro ah oo ay Ciidamada Maxkamadaha ka
qaadayaan Gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Jowhar iyo
Muqdisho, iyadoona Maamulka Madaniga uu horay gaadiidka uga
qaadi jiray lacago canshuuro ah iyo Suuqyada Magaalada sida
Seylada lagu iibiyo Xoolaha.
Guud ahaan jawiga magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo
maxkamaduhu saaka laga dareemayo dhaq dhaqaaq ka duwan kuwii
horay loogu arki jiray marka ay soo galaan Magaalada.
Dhanka kale Ciidamadii Madaniga ayaa iyana la isugu keenay
Saldhiga Magaalada Jowhar, kuwaasi sida muuqata lagu amray
in ay saldhiga ku ekaadaan ilaa amar dambe, waxaana
Magaalada haatan ku sugan saraakiil sar sare oo ka tirsan
Midowga Maxkamadaha Islaamiga.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |