shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cilmi baaris laga sameeyay dalka K/Africa, ayaa lagu sheegay in todobaad kasta ilaa 30 carruur ah lagu dilo dalkaas.

(Johannesburg, July 04,  2008 Ceegaag Online)

Sannad-kii 2006 ayaa 1152 carruur ah lagu dilay guud ahaan dalkan South Africa, halka Sanadkan 2008 ay warbixintu sheegay ilaa 1410 caruur ah in la toogtay. Isku dayada nolosha carruurta ayaa sii laban laabantay 1488 marka loo eego  1309 oo ay ahayd Sannadkii hore.
 
Nin Lagu Magacaabo Chris de Kock oo ka mid saraakisha Booliska wadankan South-Africa ayaa yiri “waa arin aad u xun aadna looga murugoodo xasuuqa  lagu hayo carruurta”. waxa kaloo u sheegay carruurta la dilo in da'doodu ay u dhaxayso 16-18 jir sano   “Marka loo eego war bixinada, caruurta la dila ayaa waxa ay u badanyihiin kuwa tuuga ah ama ku dhaqmo falal tuugnimo. Balse tirada carruurta ka yar 16 sano ee la dilo ayaa yar” sidaas waxaa yiri mar kale Chris De Kock.  
 
Arrinta kale ee aadka u daran waa kororka boobka lagu hayo ganacsiga iyo guryaha, iyo af-duubka baabuurta. Dhici taanka guryaha ayaa waxa uu gaarey 13.5 boqolkiiba, gacansiga 47.4 boqolkiiba, af-duubka  baabuurta 4.4 boqolkiiba iyadoo gawaarida xamuulka ee la dhacay ay gaarayaan 39.6 boqolkiiba sanadihii 2006 ilaa 2008.

Wasiirka Badbaadada iyo Amaanka ee Dalkan S/Africa Charles Nqakula ayaa sheegay Cilmi baarsitu inay aad u qusayso wasaaradiisa.  “Af-duubka gawaarida iyo waliba kuwa xamuulka ah waxay qayb ka yihiin weeraro lasoo qorsheeyay. Gaadiidkaasna waxaa loo isticmaalaa in looga baxsado faldanbiyeed markaas la gaystay sida boobka lacagaha iyo waliba Alaaba muhiim ah oo wadanka transit ku ah, taasna waxa gaysta bur-cada” .
 
Sidoo Kale Charles Nqakula waxa uu yiri'' danbiyadaan, gaar ahaan boobka guryaha waa arrin aad u xun waxaana lagu waayay qoysaas iyo shakhsiyaad.

“Waa danbiyada inta badan aan aadka uga firsano,”ayuu raaciyay  Charles Nqakula Kororka dilalka ayaa waxa uu gaaray 4.7 boqolkiiba, 18487 qof ayaa la dilay xili kooban oo kamid ah 2007/8 taasoo ka dhigaysa ilaa 50 dil maalintii.
 
Sidoo kale Kufsiga ka dhaca hadh iyo jeer dalkan S/Africa ayaa isna waxa uu gaaray 8.8 boqolkiiba, boobka qorshaysan ayaa gaaray 7.4 boqolkiba, dilalka jirka qof-ka binu adaamka aad ka u dhaawaca ayaa waxay gaareen iyaguna 4.6boqolkkiiba.

Hassan Yeey

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com