shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dadaalka ay wadaan Culimawdiinka Soomaaliyeed ee la dagaalanka Jahliga waa mid xusid Mudan.

(Hargeysa, July 30,  2008 Ceegaag Online)

ALLAH ayaa mahad oo dhan iska leh, sida la wada ogayahay, dacwadu waxa ay soo martay marxalado kala duwan, waxa ay soo martay xilli Sheekh qudha inta uu masaajid ka kaco Aanu dadka waxba u sheegi karin,

Waxaa kaloo dhici jirtay, inta ay shiraan madaxda xukuumadihii hore, kana wada hadlaan, sidii looga hortagi lahaa dhaq dhaqaaq diimeedka, culumada Soomaaliyeed, Iyadoo la wada ogayahay, gabood falkii ay u geysatay, culimadii Soomaaliyeed, dowladii Military-ga ahayd, ee Maxamed Siyaad Barre, Waxa ay culimadu kula kacday, dil xadhig iyo hanjabaado, hase Ahateetee, meeshii ay ku dambeysay Dowladaasi, waynu garaneynaa, oo uma baahna xusid.

Dhibaatooyinka ay soo martay dacwadu, runtii halkan laguma soo koobi karo, Hadaba bur burkii wadanka Soomaaliya, ka dib, waxaa kor u kacay dhaqaaq diineedkii ay ku howlanaayeen, wadaadadu, in mudo ahiba,

markaad la sheekeysato culimada waa weyn ee wadanka, waxa ay kuu sheegayaan, kor u kaca dacwada Soomaaliya, ALLAH, ka sokow, in ay sababteedu lahayd dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia, waayo culimada Soomaaliyeed intooda badan waxa ay wax kusoo barteen Jaamacadaha dalkaasi 

Markaad wax ka weydiiso, culimadu, walwalka haysta haatan, waxa ay kuu sheegayaan in uu yahay, dumarkii ciyaalkii iyo dhalinyaradii, ay wax soo bareen qaar ka mid ah, in dowlada ETHIOPIA,   Cagta Marisay,

Iyadoo aynu ka war qabno Masaajidadii dacwada kuwoodii ugu waa weynaa ee Magaalada Muqdisho, in ay haawanayaan, taasi waxaaba kasii daran, hadii magaalada muqdisho, lagu dhex arko qof Raad diineed leh, in Amnigiisu halis yahay.

Hadaba iyadoo waxaasi oo dhan ay jiraan, ayaa hadana waxaan indhaha laga qarsan karin, dadaalka ay wadaan Culimaa'udiinka Soomaaliyeed,

Guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaa ka jira, culimo isku xidhan, hadaf kooduna uu mideysanyahay, dadaalkoodu waxa ay gaadhsiiyeen miyi iyo magaalo-ba, Waxaa kaloo xusid mudan, in xitaa ay jirto qaar ka mid ah wadaadadu in ay soo Aadaan dalalka, Yurub iyo North America, taas oo ay ku doonayaan, in diinta la gaadhsiiyo Soomaali fara badan, oo dalalkaasi,  ku aafeeyay Jahli iyo aqoon darro xaga Diinta ah.

Waxa kaloo jira, kulan sanadeed, kulan kaas oo ay ka qeyb qaataan, wadaado fara badan oo ka kala yimaada, guud ahaan Soomaaliya, iyagoo isugu yimaada magaaladii markaa la qorsheeyay, in kulan kaasi lagu qabto,Kulankii ugu dambeeyay waxaa lagu soo gaba gabeeyay, Magaalada Hargeysa, horaantii bishan aynu ku jirno, ee July.

Waxaan kusoo gaba gabeeyanayaa, door- kii culimada, ee bulshada way ciyaareen, waanay sii wadayaan, haduu ALLE  yidhaaho, hase ahaatee Xukuumaduhu waa inaanay khalad ka fahmin, culimadu Soomaaliyeed ee Dadaalka ugu jira sidii Soomaalida uga bixilaahaayeen Dhibaatada sii soocota ee Dalkoodii hareesay.

W/D: Adan Abdulaahi Abdulle

aadandeeq2@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com