shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Ethiopia oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 8 qof oo lagu tuhunsanyahay qaraxyo dhawaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

(Addis Ababa, July 13,  2008 Ceegaag Online)

Ciidamada Amaanka ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen 8 qof oo lagu soo tababaray dalka Eritrea oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxyo Bishii April ee sanadkan ka dhacay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Madaxda amaanka ee Itoobiya ayaa sheegay in qaraxyada laga soo abaabulay dalka Eritrea iyada oo la adeegsanayo ururka OLF oo ka dagaalama deegaanka Oromada iyo Jabhada Xornimo u dirirka  ONLF oo ka howlgasha qaybo kamid ah Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.

Laba kamid ah kaalimaha shidaalka (Petrol Station)  ee Magaalada Addis Ababa  ayaa bishii April lala beegasaday qaraxyo iyada qarax kalena lala beegasaday Minu Bus yar oo qaada rakaabka, Isugayn 8 qof ayaa ku naf waayey qaraxyda lala beegsay goobaha kala duwan.

Ciidamada amaanku ma sheegin sida iyo goorta la qabatay eedeysanayaasha balse waxa ay warbintooda ku dareen in wali la raadinya 3 qof oo kale oo lagu tuhmayo qaraxyada.

Xukuumadda Asmara ayaa dhankeeda ka beenisay in wax lug ah ku leedahay Xasaradaha ka aloosan gudaha Itoobiya oo u dhaxeeya Jabhadaha iyo Xukuumadda Addis Ababa.

Warkan isagoo English ka aqriso Linkan Hoose http://africa.reuters.com/country/ET/news/usnL13230155.html

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com